Author: radiohalgan.com

Manchester United ayaa muujisay xiisaha ay u qabto inay dib ula soo saxiixato daafaca dambeedka midig ee Tottenham Sergio Reguilon, sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Spain. Reguilon waxa uu United amaah kaga soo biiray Spurs bishii September ee la soo dhaafay ka dib markii ay kooxdu dhaawac ku wayday Luke Shaw iyo Tyrell Malacia, taasoo ka dhigtay in aanay kooxda ku jirin daafac bidix. Amaahdaas ayaa la soo gaabiyay bishii January iyadoo ciyaaryahanka reer Spain uu qeybtii labaad ee xilli ciyaareedka ku qaatay Brentford. Da’yarkii hore ee Real Madrid hal sano ayaa uga haray qandaraaskiisa Tottenham laakiin haatan waxa…

Read More

Daafaca Italy Riccardo Calafiori ayaa ‘u furan’ in uu ku biiro Arsenal xagaagan laakiin waxa ay Arsenal tartan adag kala kulmi kartaa Chelsea. Calafiori ayaa wacdaro ka dhigay Euro 2024 inkastoo xulka difaacanaya tartanka ee Italy ay ku hartay wareega 16ka. 22-sano jirkaan ayaa lagu daray kooxda Luciano Spalletti ee Euros ka dib xilli ciyaareed wacnaa oo uu u soo ciyaaray Bologna, kaasoo 33 kulan u saftay islamarkaana ka caawiyay u soo bixitaanka Champions League. Arsenal ayaa Calafiori u aqoonsatay bartilmaameedka muhiim ah xagaagan, iyadoo lagu soo waramayo inay la xiriirtay kooxda Seria A ee Bologna iyaga oo dalab 40…

Read More

Shan ka mid ah ciyaartoyda England ayaa kulanka Switzerland Soo galaya iyaga oo halis uGu jira ganaax tartanka Euro 2024. Xulka England ayaa si cajiib ah isaga xaadiriyay wareega 8 dhamaadka kadib markii ay guul wakhti dambe ah ka gaadheen Xulka Slovakia. Xulka Saddexda Libaax ayaa isha ku haya in ay iska xaadiriyaan Semi-final-ka tartanka Euro 2024 marka ay la ciyaari doonaan xulka Switzerland. Laakiin ilaa shan ciyaaryahan oo England ah ayaa laga yaabaa inay seegaan kulanka semi-finalka hadii ay kaadhka digniinta ah qaataan kaadhka digiinta ah kulanka Switzerland. Xiddigaha Jude Bellingham, Phil Foden, Kobbie Mainoo,Kieran Trippier iyo Conor Gallagher…

Read More

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada Baqdaad ee caasimada dalka Ciraaq, waxaana garoonka Aadan Cadde kasii sagootiyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda. Sda aan horay idin-kula wadaagnay xogta safarkan wuxuu ra’iisul wasaaruhu casuumaad rasmi ah ka helay madaxda sare ee Ciraaq oo ku marti qaaday dalkaasi, si ay u wada-hadlaan. Qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Xamza ayaa lagu sheegay in Xamza oo uu la kulmi dooni dhiggiisa dalka Ciraaq Maxamed Shiyaac Al-Suudaani oo ay ka wada-hadli doonaan xoojinta xiriirka labada dal iyo adkeynta iskaashiga…

Read More

Jeneraal Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde) oo kamid ah saraakiishii hore ee ciidanka Xoogga dalka ayaa si adag uga hadlay dagaal beeleedyada dib uga soo cusboonaaday qaybo badan oo kamid ah deegaanada maamulka Galmudug. Ugu horreyn Jeneraal Indha-Cadde ayaa wax laga xumaado ku tilaamay dhiigga walaalaha ee ku daadanayo gobollada dhexe ee dalka, isaga oo ugu baaqay in dhinacyada dagaalamaya ay ka cabsadaan Alle SWT. Sidoo kale wuxuu beelaha is diriraya ka dalbaday inay xabadda joojiyaan oo wax kasta ay ku dhameeyaan miiska wada-hadalka, si looga hortago inay sii fogaato colaaddaasi. Waxaan ugu baaqeynaa dadka walaalaha ah inay iska daayaan dhiigga…

Read More

Muddo fog ayaa la hadal hayay in hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) u bareeri doono madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu qaadi doono jid is-doorasho. Kulankii ugu dambeeyay ee Golaha Wadatashiga Qaran ee ka dhacay magaalada Muqdisho bishii May ee sanadkan ayaa lagu gaari waayay wax qorshe doorasho ah. Madaxda maamullada qaar waxaa laga soo xigtay inay la yaabeen fur-cadi la’aanta Xasan Sheekh, taasina ay keeni karto inuu qof waliba tashado. Madaxweyne Xasan Sheekh waa jiheyn waayey maamullada, waxaana loo badinayaa in uusan markii horeba laheyn wax siyaasad ah oo gaar ah oo maamullada ku saabsan, damiciisa ugu weyna…

Read More

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhaq-dhaqaaqyo xooggan ka wada furinta hore ee dagaalka, kadib markii uu shalay gaaray deegaanka Wargaadhi ee Shabeellaha Dhexe. Madaxweynaha oo u kuur-galaya xaaladda ciidamada qalabka sida iyo furimaha dagaalka ka dhanka ah argagixisada ayaa deegaankaas kulan kula qaatay odayaasha dhaqanka iyo hormuudka bulshada deegaanka. Mudane Xasan ayaa kala hadlay odayaasha Wargaadhi doorkooda ku aaddan xoreynta deegaannada ay gobolka kaga harsan yihiin kooxda Al-Shabaab, isaggoo xusay sida dowladdu ay u diyaarisay qalabka, gaadiidka, xarummaha ciidan iyo hubkii lagu dhammeystiri lahaa xoreynta dalka. Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kormeeray saldhigga milatari ee laga hirgeliyey deegaankan oo…

Read More

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay wada-hadalladii maalmo kahor lagu kala kacay ee ka dhacay Ankara ayaa sheegay in aanay jirin wax muujinaya in Itoobiya ay dib uga laabanayso heshiiskii badda ee ay la gaartay Somaliland. Xasan ayaa waxa uu sheegay in Itoobiya ay iyadu dalbatay in Turkiga oo saaaxiib dhow la’ah Soomaaliya uu dhex-dhexaadiyo xiisadda kala dhaxeysa dowladda federaalka. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Itoobiya ay illaa hadda qaadin tallaabo muujinaysa in heshiiskaasi is-afgarad ay ka laabaneyso, xilli ay socdaan dadaallo la doonayo in heshiiskaasi loogu rogo mid rasmi ah, sida ay dhawaan sheegeen madaxda Somaliland. “Ma jiraan…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo daahfuray Toddobaadka Qaran ee Horumarinta Kalluumeysiga Soomaaliya, ayaa sheegay in la joogo xilligii ay dadka Soomaaliyeed ka faa’iideysan lahaayeen Kheyraadka ceegaaga baddaheenna. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay qorsheynayso in sanadaha dhow 50% miisaaniyadda dalka ay ka timaaddo kalluumeysiga, taas oo haddii xoogga la saaro ka faa’iideysigeeda wax weyn ka beddelaysa dhaqaalaha dalka. Mudane Xamsa ayaa ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed in ay maalgelin ku sameeyaan kalluumeysiga dalka, iyada oo laga faa’iideysanayo fursadaha ka jira suuqyada caalamiga ah ee adduunka, isla markaana ay dowladdu xoogga saari doonto sidii…

Read More