Author: radiohalgan.com

waxa si Rasmi ah u dhamaaday horyaalada kala duwan ee yurub waxana la bilaabay dhaq-dhaqaaqa suuqa kala iibsiga. Kooxaha kala duwan ee adduunka ayaa rajaynaya in y dhamaystiraan saxiixyada sida ugu dhakhsaha badan ka hor int aanay bilaaban isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub. Suuqan ayaa durba ku bilowday tababarayaasha iyada oo ay kooxo la soo saxiixdeen tababarayaal cusub. Hadaba warbixintan si joogto ah ugala soco heshiisyada dhaca: Khéphren Thuram -> Juventus Kooxda reer Talyaani ee Juventus ayaa ku dhawaaqday saxiixa Khéphren Thuram oo ay kala soo wareegtay kooxda Nice. Juventus ayaa Khéphren Thuram ka saxiixatay heshiis 5 sano ah oo…

Read More

Laba calan ayaa lagu arkay kabaha Lamine Yamal ee kulankii Euro 2024 ee uu xulka Spain la ciyaaray xulka France. Yamal ayaa dalalka Morocco iyo Equatorial Guinea ku soo bandhigay kabihii uu xidhnaa kulankii Semi-final-ka tartanka Euro 2024. Arintan waxa ay ka tarjumaysaa dhalashada Yamal iyo dhinaca uu ka soo jeedo dhiig ahaan. Yamal ayaa ku dhashay dalka Spain laakiin waxa kala dhalay aabbe Moroccan ah iyo hooyo Equatorial Guinea ah. Waxaa jirtay dood ku saabsan xulka qaranka uu xiddiga garabka ka ciyaara uu matali doono, iyadoo Morocco ay aad ugu riixday inay hesho. Xiddiga Barcelona ayaa ugu dambyntii doortay…

Read More

Golaha Wasiirada Somaliland ayaa maanta yeeshay kulan waqtigiisa laga soo hormariyay, kaasi oo uu shir-guddoominayey madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, uuna ku wehlinaayey ku-xigeenkiisa Cabdilaahi Ismaaciil Saylici. Kulankan ayaa lagu gorfeeyay arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin amniga, doorashooyinka, difaaca qaranka, caafimaadka, diyaar-garowga oddoroska miisaaniyadda 2025 iyo horumarinta kalluumaysiga. Golaha Wasiirradu ayaa war-bixin guud oo la xiriirta amniga dalka ka dhageystay wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin oo golaha uga warbixiyey amniga guud ee dalka iyo xaaladda nabad-gelyada mandaqadda geeska Afrika. Golaha ayaa sidoo kale waxa uu caddeeyey in doorashada Somaliland waqtigeedii lagu qabanayo, deegaannada Somaliland-na si adag looga difaacayo…

Read More

Patrick Opio Away oo ahaa kabtan ka tirsan ciidamada difaaca dalka Uganda ee UPDF ayaa lagu dilay gudaha Soomaaliya, ayada oo lala dhaawacay ku dhawaad lix askari oo kale kadib markii kolonyo ciidan oo ay la socdeen ay ku qaraxday miino wadada dhinaceeda lagu aasay. Ninkan ayaa ka tirsanaa saraakiisha ciidanka shisheeye ee Soomaaliya ku sugan, waxaana qaraxa lagu dilay uu ka dhacay tuullada Ceel-waarigoow, oo qiyaastii 70KM jihada Koonfur Galbeed kaga beegan caasimadada Muqidsho. Kabtan Away ayaa ahaa taliyaha kolonyada ciidanka lala eegtay weerarka miino, kuwaas oo xilligii ay la kulmayeen miinada ku sii jeeday deegaanka Ceel-jaale ee gobolka…

Read More

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarunta wasaaradda gaashaandhigga iyo taliska ciidanka xoogga dalka kulammo kula qaatay hoggaanka wasaaradda iyo viidanka xoogga. Saraakiisha ayaa la wadaagay madaxweynaha warbixinihii ugu danbeeyey ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, gaar ahaan xoreynta deegaanno ka tirsan Jubbaland oo lagu guuleystay. Sidoo kale waxay soo bandhigeen sida ay uga go’an tahay ciidamada qalabka sida inay sii wadaan halganka dalka lagaga xoreyanyo kooxda Al-Shabaab, kaasi oo dhawaan geli doona wejigiisa labaad. Madaxweyne Xasan oo horraantii bishaan tegay furimaha hore ee dagaalka ayaa dib u bilaabay dhaq-dhaqaaqyo xooggan oo lagu dar-dargelinayo dagaalka, isaga oo xaqiijiyay…

Read More

Dhawaan UK waxaa ka dhacday doorashada guud ee dalkaas, taasoo lagu soo doortay xubnaha baarlamaanka iyo ra’iisul wasaaraha oo xisbigiisu uu tartanka ku guulaystay. Xisbiga shaqaalaha ayaa 14 sano ka dib mar kale xukunka ku soo laabtay. Sidoo kale waxaa la soo doortay xubnaha labada aqal ee baarlamaanka UK oo ka kooban aqalka sare (Lords) iyo aqalka hoose (Commons). Siyaasiyiinta UK waxay aad ula socdaan ama ay si firfircoon ugu dhex jiraan siyaasadaha dunida, gaar ahaan geeska Afrika, waxaana sannadihii u dambeeyey jiray kudlad xildhibaannadaas ka mid ah oo aad ugu ololeynayey in UK ay aqoonsato Somaliland. Xubnaha kudladaas badaknood…

Read More

In ka badan 5 milyan oo tahriibayaal ah ayaa si sharci darro ah gudaha ugu alay dalka Maraykanka labadii sano ee la soo dhaafay, iyaga oo ka talaabayay xuduuda koonfureed ee dalka. Lakiin dadka ka imaanaya meelaha fogfog sida qaaradda Afrika iyo tan Aasiyaba, waxay heleen meel ay u maraan Maraykanka, waana Nicaragua taas oo noqotay marin ay ku gaaraan Wuqooyiga Maraykanka. Tahriibayaasha ayaa waxay maaro u heleen in ay ka badbadaan sii marista aagga Darien Gap, kaymaha qatarta badan ee u dhaxeeya Colombia iyo Panama iyo wadamada Honduras, Guatemala iyo Maxico – kuwaas oo ku gudbanaa riyadooda ahayd in…

Read More

Madaxweyne Kuxigeenka 1aad ee Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Degmada Luuq ee Gobolka Gedo. Wafdiga Madaxweyne Kuxigeenka Jubbaland ayaa isku dayaya in ay xaliyaan xiisadda beelo deegaanka ah oo ka taagan degmadaasi. Beelahan oo Jimcihii illaa iyo Axaddii ku dagaalamayay degmadaasi ayaa waxaa ku dhintay labaatan qof, iyadoo tiro kalena ay ku dhaawacantay. Dagaalka oo markii hore u dhaxeeyay laba beelood ayaa waxaa dib kaga biirtay beel saddexaad, taas oo sida la sheegayo ka carootay dil ay mid ka mid ah maleeshiyadaasi u gaysteen askari ka tirsanaa Saldhigga Booliska Luuq, laguna magacaabi jiray Cali…

Read More

Wargeysyada Ingariiska ayaa ku waramaya in kooxda Manchester United ay ku fikireyso in ay u dhaqaaqdo mid ka mid ah xiddigaha kooxda chelsea. Wargeyska “Daily Mail” ee ka soo baxa Ingiriiska ayaa sharaxay in Manchester United ay ka fiirsaneyso inay u dhaqaaqdo Ben Chilwell, daafaca bidix ee Chelsea, inta lagu guda jiro xilliga kala iibsiga xagaagan. Wargayska Ingiriiska ayaa sii waday in Man United ay wadahadalo la qaadatay xiddiga reer Spain ee Marc Cucurella. Isla wargayska ayaa sheegay in wadahadaladii u dhexeeyay labada kooxood uu burburay kadib markii ay ku guuldareysteen inay ay ogolaadaan qiimaha ay doonayso chelsea. Red Devils…

Read More

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Man United, Kobbie Mainoo, ayaa saameyn cajiib ah ku yeeshay masraxa caalamiga ah, isagoo door muhiim ah ka ciyaaraya guulaha xulkiisa ee tartanka Euro 2024. Sida laga soo xigtay Opta, Mainoo ayaa ku faanaya baaska ugu badan ee saxda ah tartanka Euro 2024 isaga oo dhamaystiray 138 baas una dhiganta 96%. Xiddiga ayaa muhiim u ahaa Man United sidoo kale waxana uu helay kalsoonida tababare Erik Ten Hag qaybtii dambe ee xilli ciyaareedka. Xiddiga Mainoo ayaan ku bilaaban kulamadii ugu horeeyay ee tartanka Euro 2024 xulkiisa waxana uu ku bilowday kulamadii ugu dambeeyay. Laakiin ku bilaabashada…

Read More