Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Itoobiya ayaa kamid noqotey Wadamada ugu kobaca dhaqaalaha sareeya Dunida sanadkan 2025, wuxuu kobaca dhaqaalaha Itoobiya gaadhay 6.4 sida ku xusan warbixinta ay soo saartey IMF, sidoo kale waxaa la filayaa in GDP-ga Itoobiya uu gaadho 127.3 bilyan oo dollar. Arinta xusida mudan ee warbixinta lagu sheegay waa in la filayo inuu si wayn hoos ugu dhaco sicir bararka ka jira Itoobiya, waxayna IMF saadaalisey in sanad miisaaniyadeedka 2025/2026 uu sicir bararka Itoobiya gaadhi doonto 10%, taasoo noqon doonta heerkii ugu hooseeyay tobankii sano ee lasoo dhaafay. Isbadaladan waxay IMF u sababeysay talaabooyinkii dib u habeynta dhaqaalaha ee Itoobiya ay…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay dhiirigelinta waxsoosaarka gudaha oo muhiim u ah horumarinta dhaqaalaha dalka iyo in la gaaro iskufilnaansho cunto. Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay daahfurka Shirweynaha Qaran ee Maalgashiga Cuntada iyo Beeraha, oo lagu soo bandhigay caqabadaha waaweyn ee ku hor gudban kor u qaadista wax soo saarka dalka, ayaa ugu boorriyay ganacsatada Soomaaliyeed in ay maalgashadaan beeraha dalka, si looga maarmo wax yaabaha dibadda laga soo dhoofiyo, iyada oo gudaha dalka laga heli karo. Mudane Xamsa, oo warbixinno ka dhageystay qaar ka…
Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho ka furmi lahaa Maanta ayaa mar kale dib u dhac ku yimid ka dib markii qaar ka mid ah Madaxda Maamulada ee ka qeyb geli lahaa oo aan weli imaan Muqdisho Waxaa xusid mudan in madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland aysan dhankooda wali ka soo dabcin halkii ay ka taagnayeen ka qeybgalka Shirka taas oo caqabad ku noqon doonto habsami u socdka shirka iyo in laga soo saaro natiijo wadar ogol ah. Wakiilka QM ee Somaaliya Jemes Swan ayaa maalmahaan waday dedaalo uu ku qabsoomayo shirkaan balse warar madaxbanaan ayaa sheegeya in…
Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa xaqiijiyay in dalkiisu uu diiday codsi ka yimid Madaxweynaha Israa’iil, Isaac Herzog, oo doonayay in uu isticmaalo hawada Turkiga si uu uga qeyb galo shirweynaha cimilada ee COP29 oo ka dhacay magaalada Baku ee dalka Azerbaijan. Erdoğan ayaa sheegay in go’aankan uu yahay mid ka tarjumaya mowqifka adag ee Turkiga ka qaatay weerarada Israa’iil ee Gaza iyo Suuriya. Diidmada Turkiga ayaa sababtay in safarkii Herzog uu baaqdo, iyadoo xafiiska madaxweynaha Israa’iil uu sheegay in go’aankaasi uu ku saleysnaa “xaalad amni”. Si kastaba ha ahaatee, warbaahinta Turkiga ayaa sheegtay in sababta dhabta…
Ciidanka Booliska Puntland ayaa sheegay inay qabteen 2 eedaysane oo loo haysto dil xalay ka dhacay magaalada Garoowe Warsaxaafadeed ay soo saareen bilaysku ayaa u qoraa sidan: WAR-SAXAAFADEED: CIIDANKA BOOLISKA PUNTLAND AYAA QABTAY LABO EEDAYSANE Ciidanka Booliska Puntland, gaar ahaan Taliska Qeybta Booliska Gobolka Nugaal, ayaa xaqiijiyey in laamaha amniga ay ku guuleysteen in gacanta lagu soo dhigo labo eedeysane oo loo haysto dil ka dhacay magaalada Garoowe habeenkii xalay. Falkaan dilka ah ayaa dhacay abbaare 2:00 habeenimo, bannaanka hore ee Hotel ku yaala Garoowe, waxaana lagu dilay laba ruux oo midkood uu ahaa waardiye ka tirsanaa shaqaalaha hotelka. Dabley…
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed oo la kulmay Safirka Mareykanka ee Soomaaliya.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo la kulmay Safirka Mareykanka ee Soomaaliya. Waxaan maanta kulan kuwada yeelanay Magaaladda Muqdisho safiirka dowladda Mareykanka ee Soomaaliya U.S. Embassy Mogadishu, ambassador Richard Riley, innagoo kulankeenna diiradda ku saarnay xiriirka taariikhiga ah ee labada dal, xaaladda guud ee Soomaaliya gaar ahaan Amniga, siyaaasadda iyo sida ay muhiim ugu tahay horrumarinta geedi-socodka dowlad dhiska iyadoo ay mar walba saldhig u tahay xasillooni siyaasadeed. Waxaan dhinaca kale uga mahadceliyay dowladda Mareykanka taageerada ay dalkeenna ka siiso dhincyadda Ammaanka, la dagaalanka kooxaha argagixisada ah, dhaqaalaha iyo gargaarka bini’aadanimo.
Yaman oo duqeysay Talabiib, xirtayna Gegida Diyaaradaha Ben Gurion Gantaal nooca xawaaraha sare ayey Yaman la beegsatay Gegida Diyaaradaha Ben Gurion, kaas oo toos u abbaaray gegida sababeyna in eeraboorka la xiro. Yaman ayaa digniin u dirtay diyaaradaha caalamka ee ka soo dega gegidaas in aysan dib danbe u isticmaalin Ben Gurion. Shacabka Is>raa-iil ayaa aad uga cabanaya hawlgalka Mareykanka ee ka dhanka ah Yaman ayaga oo leh, duqeynta Mareykanku waxba tarimayso oo Yaman annagay naguu ciil-baxaysaa. Markasta oo Yaman ay gantaal la beegsato Talabiib waxaa godadka dhulka hoostiisa ee looga gabado gantaalada gala dad ka badan 2 milyan oo…
Laascaanood oo Dameeraha laga Saaraya. Dowladda Hoose ee degmada Laascaanood ee caasimadda maamulka SSC-Khaatumo ayaa Amar kusoo saartay in 3 cisho gudahood dadka dhaqda Dameeraha ay gudaha magaalada kaga saaran dameeraha.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa booqday furimaha hore ee dagaalka si uu ugu dhiirrigeliyo ciidamada qalabka sida ee halkaas ugu sugan halganka Dagaal ee Dalka lagaga Xureynayo maleeshiyada AS Madaxweynaha ayaa kulan gaar ah la yeeshay saraakiisha hoggaanka ciidamada, isagoo warbixin ka dhageystay xaaladda amni, guulaha laga gaaray dagaalka, iyo caqabadaha jira, isagoo uga mahadceliyay Ciidamada geesinimada iyo naf-hurnimada ay u muujiyeen difaaca dalka.
Hoggaamiyaha Dawlad Goboleedka SSC-Khaatumo, Md Cabdiqaadir Axmed AW-Cali, ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay ku-simaha Danjiraha Dowladda Norway ee Soomaaliya, Mudane Carsten Carlsen. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray arrimaha nabad-dhiska, horumarinta siyaasadeed, barnaamijyada xasillinta, iyo iskaashiga mustaqbalka ee u dhexeeya labada dhinac. Kulanka wuxuu qayb ka yahay dadaallada SSC-Khaatumo ay ku xoojinayso xiriirka caalamiga ah iyo horumarinta deegaannada ay mas’uulka ka tahay.