Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Duqeymo cirka ah oo ay Israa’iil ka geysatay koonfurta Lubnaan ayaa lagu dilay taliye sare oo ka tirsan ciidamada Xisbullaah oo ka tirsan ciidanka gaarka ah ee Radwan, sida ay wakaaladda wararka ee Reuters u sheegeen saddex ilo amni. Wakaaladda wararka ee AFP oo soo xiganeysa ilo dhanka ammaanka ah ayaa sheegtay in taliye sare oo door hoggaamineed ku lahaa maareynta howlgallada Xisbullah lagu dilay weerar ay Israa’iil ku bartilmaameedsatay baabuurkiisa oo marayay koonfurta. Warbaahinta dawladda Lubnaan ayaa sheegtay dhaawacyo ka dib duqayn ay dayuuradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil ku qaadeen gaari nooca Skoda Rapid tabankii iyo rubi barqanimo…
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay aad uga xun tahay tallaabooyinka gurracan ee maamulka Somaliland isugu dayayo in uu ku af qabto warbaahinta iyo dadweynaha gobollada waqooyi ee dalka ee ka dhiidhinaya Is-afgaradka sharci daradda ah ee xadgudubka ku ah gobonimada iyo sharafta dadka Soomaaliyeed ee uu Muuse Biixi la soo galay dowladda Itoobiya. In la beegsado weriye iyo warbaahin si madax banaan oo dheelitiran u tabinaysa wararka iyo xaqiiqda deegaanada Somaliland ka taagan maanta ee ay ku kaceen laamaha amniga ee Somaliland waa nasiib darro muujinaysa halka uu taagan yahay heerka ku xadgudubka xaquuqda aadanaha iyo ku dhaqanka sharciga. Dareenka…
Kooxda Arsenal ayaa lagu Soo waramayaa in ay si lama filaan ah ugu dhaqaaqayso saxiixa Xiddiga kooxda Barcelona ee Robert Lewandowski si ay ugu xaliyaan dhibaatada weerarka ee xilli ciyaareedkan. Arsenal ayaa si weyn ugu dhibaatoonaysa weerarka xilli ciyaareedkan. Dhaleecayn weyn ayaa saran xiddigaha Jesus iyo Nketiah kuwaas oo aan kooxda u Dhalin goolal ku filan. Wararka ayaa haatan sheegaya in ay Arsenal si lama filaan ah Ugu dhaqaaqayso Saxiixa Robert Lewandowski suuqa January. Robert Lewandowski ayaa dhinaciisa ku dhibaatoonaya kooxda Barcelona waxa Laga yaabaa in ay kooxda xavi iska fasaxdo Xiddiga.
Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Liverpool Alexis Mac Allister ayaa ka hadlay guushii ay kooxdiisu ka gaadhay Arsenal kulan ka tirsanaa FA Cup-ka. Xiddiga Alexis Mac Allister ayaa door ka ciyaaray kulankii ay kooxdiisu ku garaacday Arsenal kulan ka tirsanaa FA Cup-ka. Xiddiga ayaa sheegay in ay kooxda Arsenal ahayd kooxda fiican qaybtii hore ee ciyaarta laakiin ay wax ka badaleen qorshohooda qaybtii dambe isla markaas wax sexeen. Waxaa laga yaabaa in qeybtii hore ay ahaayeen kuwo naga fiican isla markaas helay fursado ka badan kuwii aan helnay”ayuu yidhi. “laakiin qeybtii labaad si fiican ayaan u difaacnay, waxaana muujinay maskaxdeena”.…
Tababaraha kooxda Arsenal Mikel Arteta ayaa difaacay go’aankii uu kursiga kaydka ku dhigay Eddie Nketiah kadib guuldaradii Gunners ka soo gaartay wareegii saddexaad ee FA Cup-ka Liverpool. Gunners ayaa guuldaro 2/0 ah kala kulantay Liverpool kulan ka dhacay Emirates iyada oo labada gool wakhti dambe oo ciyaarta ah yimaadeen. Arsenal ayaa maamulaysay ciyaarta 45-kii daqiiqo ee ugu horeeyay waxana ay awoodeen in ay dilaan ciyaarta qaybtii hore marka loo eego fursadihii ay heleen. Si kasta ha ahaatee Arsenal ayaa ku fashilantay in ay ka faa’iidaysato fursadihii ay heleen ciyaarta. Kadib dhaawaca Gabriel Jesus waxa la filayay in uu xiddiga Nketiah…
Sida laga soo xigtay Fabrizio Romano, Manchester United wali ‘ma cadda’ nooca ciyaaryahan ee ay doonayaan inay la soo wareegaan suuqa January. Taasi waa sababta ay uga hareen tartanka saxiixa Timo Werner iyada oo xiddiga reer Germany ku dhawyahay in uu ku biiro Kooxda Tottenham. Imaanshaha Sir Jim Ratcliffe waxa ay ahayd in uu wax ka badalo kooxda, gaar ahaan marka ay timaado suuqa kala iibsiga laakiin waxa uu u baahanyahay in uu sugo ugu yaraan 6 bilood ay Premier League u xaqiijiyaan iibkiisa. Khal-khal ayaa ka taagan kooxda iyada oo ayna ilaa haatan ogayn xiddigaha ay doonayaan in ay…
Waxa si Rasmi ah u furmay suuqa kala iibsiga January iyada oo kooxuhu bilaabeen in ay xoojiyaan meelaha ay ka jilisan yihiin. Xiddigo badan ayaa la filayaa in ay ku biiraan kooxo kale iyaga oo doonaya in ay u tartamataan koobabka qaybta dambe ee ciyaarta. Halkan kaga bogo wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga. Xiddiga Kooxda PSG ee Kylian Mbappe ayaa heshiis la gaadhay si uu ugu biiro kooxda Real Madrid dhamaadka xilli ciyaareedka (Foot Mercato). Real Madrid ayaa Mbappe oo heshiiskiisu dhacayo dhamaadka xilli ciyaareedkan ayaa u soo bandhigtay lacag ka yar lacagtii ay u soo bandhigtay xiddiga…
Waxa bilaabanaya suuqa January iyada oo kooxaha kala duwan dadaal u Gali doonaan sidii ay u heli lahaayeen saxiixyada ay doonayaan. Kooxda Chelsea ayaa bilowday suuqa iyaga oo sameeyay saxiixoodii ugu horeeyay. Hada waxa aan warbixintan ku soo bandhi doonaan saxiixyada dhaca inta uu furanyahay suuqa xagaaga. Timo Werner: Kooxda Tottenham ayaa dhamaystirtay saxiixa xiddiga Timo Werner kaas oo ay kala wareegayso kooxda RB Leipzig. Kooxaha Tottenham iyo RB Leipzig ayaa si buuxda uga heshiiyay saxiixa xiddiga Werner isaga oo noqday saxiixii ugu horeeyay ee Tottenham. Vitor Roque -> Barcelona: Kooxda Barcelona ayaa si Rasmi ah u dhamaystirtay saxiixa xiddiga…
Miyuu Christopher Nkunku Ciyaari Doonaa Kulanka Middlesbrough Ee Barri? Pochettino Ayaa Ka Jawaabay.
Tababaraha Kooxda chelsea ee Pochettino ayaa ka warbixiyay xaalada xiddiga Christopher Nkunku ka hor kulanka Middlesbrough ee Semi-final-ka tartanka Carabao cup-ka. Kooxda chelsea ayaa Salaasada la ciyaari doonta kooxda Middlesbrough kulan ka tirsan lugta 1-aad ee Semi-final-ka tartanka Carabo cup-ka. Pochettino ayaa xaqiijiyay xiddiga Christopher Nkunku uu seegi doono kulanka sabab la xidhiidha dhaawac soo gaadhay. Christopher Nkunku ma ciyaari doono kulanka bari, waa in aan ka taxadarno, waxan rajaynayaa in uuna muddo dheer maqnaan”ayuu Pochettino yidhi. “Wax tababar ah ma qaadanayo haatan waxa uu ka soo kabsanayaa dhaawac laakiin ma ahan dhaawacii horay u soo gaadhay”ayuu sii raaciyay Xiddiga…
Sanadkii dhammaaday ee 2023-ka Soomaaliya waxa ay u ahayd sanad ka duwan sannadihii hore, marka loo eego dhanka; horumarka dhaqaalaha, amniga iyo Siyaasadda, iyada oo dowladda uu hoggaamiyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ay gaartay guulo waaweyn. Dowladda oo dadaal ugu jirta sidii loogu gun gaari lahaa amniga dalka ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa uu Muqdisho ku qaabilay madaxda waddamada dariska, iyada oo caasimadda ay soo gaareen Madaxweynayaasha dalalka Djibouti iyo Kenya iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya. February 1, 2023-ka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shir afar-geesood ah oo ay wada qaateen madaxda,…