Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay doorashada uu markale ku guuleystay madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ee maanta ka dhacday magaalada Garoowe. Madaxweyne Xasan ayaa hambalyo u diray madaxweynaha dib loo doortay ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, isagq oo u rajeeyey in uu ku guleysto waajibaadka loo igmaday. Sidoo kale wuxuu u rajeeyay dadka reer Puntland, maamul iyo bulsho-ba, xasillooni buuxda iyo horumar, sida lagu yiri qoraal kasoo baxay Villa Somalia. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muujiyey sida dowladda federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay in ay doorkeeda ka qaadato nabadda, wadajirka iyo horumarka maamulka Puntland Ugu dambeyntiina wuxuu ku…
Waxaa goordhow soo dhammaatay doorashadii madaxweynaha Puntland oo saaka ka bilaabay gudaha magaalada Garoowe. Doorashadan oo ahayd mid xasaasi ah ayaa waxaa la isla soo gaaray wareeggii saddexaad, waxaana isugu soo haray laba musharrax oo kala ah Saciid Deni yo Guuleed Saalax Barre. Deni oo mar kale dib loo doortay ayaa helay codad gaaraya 45 cod, halka musharraxii la tartamayay ee Dr Guuleed Saalax Barre uu isna helay 21 cod, sida uu natiijada rasmiga uu ku dhowaaqay guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland Cabdirisaaq Axmed Saciid. Saciid Deni ayaa noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee dib loogu doortay Puntland, tan iyo markii la…
Lataliye Sare Qoono ayaa yiri Waxaan hambalyo mug iyo miisaan leh u dirayaa Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane H.E Said Abdullahi Deni oo ku guuleystay doorashada saaka ka dhacday magalada Garowe. Madaxweynaha Puntland waxaan ugu hambalyeynaa hanashada markale in uu hoggaanka u qabto dowladda Puntland. Allaha kula garab galo masuuliyadda culus ee aad markale qabatay Alle ha kugu guuleyo waan hubaa inaad isbedel muuqda ka sameyn doonto Dowladda Puntland, waxaad-na mudantahay in laguugu deydo sida quruxda badan ee nidaamka Ku dheehan aad u maamushay doorashada. Lataliyaha Madaxweynaha Xiriirka Dowlad Goboleydyada Mudane Mohamed Hassan Ibrahim Qoono
Waxaa haatan si rasmi ah u bilaabatay codeynta doorashada madaxweynaha Puntland, taas oo ay ku loolami doonaan illaa 11 musharrax oo uu ku jiro madaxweynaha hadda talada haya ee Saciid Cabdullahi Maxamed (Deni). Hoolka doorashada ayaa waxaa diyaar ah musharraxiinta tartameysa, xidlhibaannada Puntland, guddoonka golaha, wasiiro, saraakiisha amniga, safiiro iyo marti sharaf kale. Dhammaan musharaxiinta ayaa inta aysan bilaaban doorashada waxaa laga saxiixay warqad ay ku caddeynayaan inay aqbalayaan natiijada, haddii laga guulaysto. “Aniga oo ah musharrax Saciid Cabdullaahi Deni, una tartamayo xilka madaxweynaha dowladda Puntland waxaan halkan ku caddeynayaa inaan aqbali doono natiijada kasoo baxda doorashada madaxweynaha Puntland oo…
Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal xalay ka dhacay qaybo kamid ah magaalada Muqdisho, kaas oo u dhexeeyay ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya, kaas oo saameyn ku yeeshay shacabka. Dagaalkan ayaa si gaar ah uga dhacay xaafadda Haanta Dheer ee degmada Dayniile, halkaas oo ay ku dagaalameen ciidamo ka kala tirsan booliska iyo milatariga Soomaaliya. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu ka dhashay muran hareeray dhul ku yaalla halkaasi oo booliska ku amreen inay ka guuraan dadka shacabka ah ee deggan. Amarka kadib ayaa waxaa la sheegay in xaafadda yimaadeen ciidamo kale oo milatari oo hubeysan, isla…
Baarlamaanka 6aad ee Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa maanta dooranaya Madaxweynihii 7aad ee Dowlad-Goboleedkaas iyo ku xigeenkiisa waxaana u tartamaya musharrixiin kasoo gudubtay shuruudihii la hordhigay. Saacadihii u dambeeyay Magaalada Garoowe waxaa ka socday kala xod-xodashada Xildhibaannada Codaynaya si musharrax weliba uu u helo codad uu kusii tashanayo kahor inta uusan gelin hoolka doorashada ka dhacaysa. Sidoo kale Musharrixiinta dhexdooda ayaa kulamo ka yeeshay sidii ay iskaashi u samayn lahaayen si qofkii ugu codad badnaado uu codadkoodu u heli lahaa xubnaha qarka u saaran in ay ka haraan wareegga xiga ee doorashada. Ammaanka Magaalada Garoowe ayaa aad loo adkeeyay waxaana la xiray…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay falcelinta ka dhalatay heshiis-beenaadkii Itoobiya ay la gashay Maamulka Somaliland oo ay ku damacsanayd in ay ku qaadato qayb kamid ah badda Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay dhinacyada ka falceliyay tallaabadaas. Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa tilmaamay in ay jiraan Dad ku sugan deegaannada Somaliland oo rasaas loo adeegsaday si loo kala eryo maadaama ay sameeyeen tallaabo ay ku diidayeen heshiis ku sheeggaas. Sawaxanka & qaylada kasoo yeeraysa Dadka diidan heshiiskaas is afgaradka ah ayuu ku sifeeyay mid ka tarjumaya dareenka Soomaalinimo ee qof weliba uu u hayo…
Weeraryahanka reer Germany ee Timo Werner ayaa dib ugu laabanaya horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League bishan January, waxaana uu amaah ku tegayaa Tottenham oo dhamaystirtay heshiiskiisa taas oo keenaysa inuu ka hor tago kooxdiisii hore ee Chelsea ee uu labada sannadood u ciyaaray balse markii uu la qabsan waayey uu dib ugu laabtay waddankiisa. 27 jirkan oo sannadkii 2020 ay Chelsea kasoo iibsatay RB Leipzig ayaa labadii sannadood ee uu joogay Stamford Bridge waxa uu u dhaliyey 23 gool 89 kulan oo uu u saftay, laakiin waxa uu kula guuleystay Champions League, UEFA Super Cup iyo Fifa Club Wolrd…
Taliska ciidanka milatariga waddanka Itoobiya ayaa markii ugu horreysay si faah-faahsan uga hadlay heshiiska badda ee ay dhowaan dowladdooda la gashay maamulka Somaliland, kana dhacay magaalada Addis Ababab. Qoraal uu soo saaray milatariga, laguna baahiyay boggooda Fecebook-ga ayaa waxaa lagu sheegay in Itoobiya ay lahaan jirtay bad, xilli dalal badan oo Afrika ah la gumeysan jiray. Sidoo kale milatariga wuxuu sheegay in ciidamada badda ee Itoobiya la dhisay sanadkii 1948, ayada oo ujeedadu ahayd inay sugaan amniga Badda Cas iyo Cadan. Arrinta heshiiska oo keentay buuq xoogan waxa ay sheegeen in aysan dhag jalaq usiin doonin, isla-markaana ay naftooda u huri doonaan…
Xildhibaan Maxamed Xuseen (Maydhane) oo kamid ah Xildhibaanada Golaha Wakiiladda Somaliland ee laga soo doorto gobolka Awdal ayaa si adag uga horyimid heshiis beeneedkii Addis Ababa ee Somaliland iyo Itoobiya. Xildhibaan Maydhane ayaa marka hore dambiile qaran ku tilmaamay madaxweyne Muuse Biixi oo isagu Itoobiya u saxiixay qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya, isaga oo ku dhowaaqay in reer Awdal difaacayaan baddooda. “Ma aqbalayno hadaa reer Awdal nahay hadduu qof naga hadhayo. Marnaba ma aqbaleyno inta uu qof naga nool yahay in badda laga kireeyo ciddii damacaa ee dooneysa ee xoogga ku qaadaneysa, in laga kireeyo ama laga iibiyo marnaba ma…