Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

    July 8, 2025

    Axmed Madoobe oo u mahad celiyey ciidamada Mareykanka (Sawirro)

    July 7, 2025

    DEG DEG Turkiga iyo Israa’iil oo qarka u saaran Dagaal dhex maro

    July 7, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Axmed Madoobe oo u mahad celiyey ciidamada Mareykanka (Sawirro)

      July 7, 2025

      DEG DEG Turkiga iyo Israa’iil oo qarka u saaran Dagaal dhex maro

      July 7, 2025

      DEG DEG:- Kooxda ee AS ayaa la wareegtay degmada Moqokori

      July 7, 2025

      War cusub oo ka soo kordhay Markabkii Oruc Reis ee ka baxay Somalia

      July 4, 2025

      Madaxweyne Trump iyo Elon Musk oo mar kale fooda is daray

      July 4, 2025

      Madaxweynaha Jubaland, Axmed madoobe ayaa hambalyo u diray guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed munaasabadda 1-da Luulyo oo

      June 30, 2025

      DEG DEG Isra’iil oo Wajahaysa Culeys Dhaqaale Kadib Dagaalkii Iraan 

      June 28, 2025

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Axmed Madoobe oo u mahad celiyey ciidamada Mareykanka (Sawirro)

      July 7, 2025

      DEG DEG Turkiga iyo Israa’iil oo qarka u saaran Dagaal dhex maro

      July 7, 2025

      DEG DEG:- Kooxda ee AS ayaa la wareegtay degmada Moqokori

      July 7, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » “Messi Ayaa Iga Codsaday Shaadhkayga, Waxa Aan Is-weydiiyey ‘Muxuu Ku Falyaa?’ Markii Dambe Ayaan Fahmay”

    “Messi Ayaa Iga Codsaday Shaadhkayga, Waxa Aan Is-weydiiyey ‘Muxuu Ku Falyaa?’ Markii Dambe Ayaan Fahmay”

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comJanuary 28, 20243 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Eloy Room waa goolhayaha kaliya ee uu xiddiga reer Argentina ee Lionel Messi weydiistay garankiisa kaddib markii ay dhamaatay ciyaar saaxiibtinimo oo uu xulka qaranka Argentina 7-0 ku xasuuqday Curacao bishii March ee sannadkii hore.

    Goolhayaha kooxda Vitesse ayaa badbaadiyey kubbado badan oo xulka Argentina uu goolasha kusii dheeraysan lahaa, waxaana uu qaybtii hore sameeyey bandhig heersare ah isagoo Lionel Messi ka joojiyey darbado xooggan iyo kubbado xeeladaysan oo uu masaafo dhow kaga ganay.

    Markii ay ciyaartu dhamaatay ayuu Lionel Messi oo garankiisa ay isku haysteen ciyaartoyda Curacao ka dalbaday Eloy Room oo 34 jir inuu siiyo gara kiisa, waxaanay taasi layaab ku noqotay goolhayahan oo isaguna si degdeg ah ugu siibay.

    Eloy Room oo ka sheekaynaya dhacdadan ayaa yidhi: “Qof walba waxa uu doonayay shaadhka Messi. Sidaa daraadeed wax rajo ah kama qabin in aan anigu helayogarankiisa. Cuco Martina oo ah kabtankayaga ayaa ka hor ciyaarta igu yidhi: ‘waxa aan doonayaa garanka Messi!’… Markaa anigu waxaan haystay dookh ah inaan garanka ka beddesho goolhaye Emiliano Martinez. Waa goolhaye heer caalami ah, waanan ku qasbanaa inaan iska illoobo Messi.

    “Qaybtii hore waxa aan kubbado badan ka badbaadiyey Messi, markii aanu kusii soconay qolka labbiska waqtiga nasashada ayaan arkay Messi oo agtayda socda, waanan ka faa’iidaystay fursadda anigoo ku idhi: ‘Ma isiin kartaa garankaaga marka ay ciyaartu dhamaato?’. Wuxuu iigu jawaabay, ‘Haa, waa caadi. Waan samayn doonaa marka ay ciyaartu dhamaato.’ Wali waxa aan rumaysnaa in aanay dhacaynin sababtoo ah qof walba ayaa doonayay inuu weydiistay, aniguna waxba kama filaynin.

    “Qaybtii labaad ayaan sidii hore oo kale kubbado badan oo laadad toos ahaa uga badbaadiyey Messi. Markii ay ciyaartu dhamaatayayaan arkay isaga oo jooga hortayda xerada ganaaxa dhaxdeeda, waxaanan ku idhi: ‘Hey, ma isiin kartaa garankaaga?’ wuxuu igu yidhi: “Haa, waa sax.’ Wuu sii jeedsaday oo garankiisa ayuu iisoo saaray. Waxa aan is-weydiiyey ‘Sidee ayey ku dhacday in Messi garankiisa ku siiyo.’

    “Kaddib wuu iisoo jeedsaday oo wuxuu igu yidhi: ‘si fiican ayaad u ciyaartay, waxa aad tahay goolhaye fiican.’ Markii uu iga sii tegayay, ayuu Messi igu yidhi: ‘Laakiin adiguna garankaaga ma isiin kartaa?’ Waxa aan isweydiiyey: ‘Muxuu Messi ku falayaa garankaaga? Waan siiyey, waanan gacan qaaday.”

    Eloy Room oo hadalkiisa sii wata ayaa ku daray: “Ma aanan fahamsanahay waxa uu ku falayo garankayga, laakiin mar dambe ayaan fahmay markii uu ciyaartoyga reer Argentian ee aanu u wada ciyaari jirnay Columbus Crew ii sheegay in Messi uu urursado garamada qiimaha u leh isaga. Waxa uu gurigiisa ku haystaa garamo badan. Waxa laga yaabaa in uu garankaygu ku jiro, sababtoo ah waxa aan ahaa goolhayaha uu ka dhaliyey goolkiisii 100aad ee uu u dhaliyo xulka qarankiisa Argentina. Waxa laga yaabaa in garankaygu uu ku jiro kuwa uu kaydsaday.”

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Thierry Henry Oo Sheegay Sababta Uu Bellingham Uga Niyad Jabsanyahay Mbappe.

    November 6, 2024

    Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Hirshabeelle Mudane Yusuf Cabdi Farax ayaa maanta magaalada Baladwayne ka furay qorshe howleedka nabadda iyo amniga

    November 5, 2024

    Carragher Oo Saadaaliyay Shaxda Ruben Amorim Ee Man United.

    November 5, 2024
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

    July 8, 2025

    Axmed Madoobe oo u mahad celiyey ciidamada Mareykanka (Sawirro)

    July 7, 2025

    DEG DEG Turkiga iyo Israa’iil oo qarka u saaran Dagaal dhex maro

    July 7, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.