Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa ku dhawaaqday wareeggii koowaad ee cunaqabateyn sida uu dhigayo amar fulineed cusub oo lagu beegsanayo kuwa rabshadaha ka wada Daanta Galbeed. Cunaqabataynta cusub oo xannibaysa hantidooda maaliyadeed kana mamnuucaysa inay yimaadaan Maraykanka ayaa bartilmaameedsaday afar qof oo Israel u dhashay. War qoraal ah oo uu soo saaray Khamiistii, Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka Antony Blinken waxa uu ku sheegay in “Israa’iil ay tahay inay wax badan ka qabato sidii ay u joojin lahayd rabshadaha ka dhanka ah dadka rayidka ah ee ku sugan Daanta Galbeed ayna la xisaabtanto kuwa mas’uulka ka ah. Talaabadan ayaa…
Xafiisyada Gaza ee hay’adda horumarinta Belgium ee Enabel, ayaa lagu burburiyay wax ay mas’uuliyiinta Belgium ku tilmaameen duqeyn ay geysteen ciidamada Israel Wasiirka arrimaha dibadda Belgium Hadja Lahbib ayaa la wadaagay warbaahinta sawirada dhismaha xafiiska oo dhulka lala simay. “In la beegsado dhismayaasha rayidka waa wax aan la aqbali karin,” ayey tiri Lahbib, iyadoo intaa ku dartay in iyada iyo wasiirka horumarinta Belgium Caroline Gennez ay u yeeri doonaan safiirka Israel si ay u caddeeyaan wax walba. Hadafka koowaad ee wakaaladu waa “in la hirgeliyo mudnaanta siyaasadda iskaashiga dawladda Belgian iyo in kor loo qaado horumar caalami ah oo waara,”…
Maraykanka ayaa si taxader leh uga fekeraya, inuu qunsuliyad ka furto dalka Afghanistan, isaga oo aan wax aqoonsi ah u fidinin xukuumadda Taliban ee dalkaas maamusha, sida ku cad warbixin istaraatejiyadeed oo ay baahisay wasaaradda arrimaha debedda ee Maraykanku. Tallaabadan uu qaadayo Maraykanku ayaa u muuqata, isbedel weyn oo ku yimi siyaasaddii Maraykanka ee ku wajahnayd ururka Taliban, iyada oo haatan uu Maraykanku ka fikirayo inuu maamulkaas kula macaamilo, siyaasad xadidan, oo looga danleeyahay lagu gaadho arrimo dhinaca amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha la xidhiidha. Warbixintan oo loogu magacdaray, istareetejiyadda isku dhafan ee dalka Afghanistan, oo la meelmariyey bishii October ee…
Dhalinyaro Muslimiin ah oo kasoo jeeda UK ayaa baaskiil ku goynaya fogaan dhan 550 km, waxa ayna dhallinyaradan doonayaan in indhaha caalamka kusoo jeediyaan xaalada Gaza ,sidoo kale u sameeyaan yabooh dhaqaale. Labadan dhalinyarada oo da’da 40 jirka jooga waxay qorsheynayaan inay si fudud hiigsigooda ku gaaraan kahor bisha Ramadaan. Hadafka iyo ujeedka ay ka leeyihiin socdaalkan ayay ku sheegeen inay rabaan yabooh inay ugu sameeyaan Muslimiinta Gaza ee xilligan la joogo wajahaya xaalado adag oo dhinaca bani-aadannimada ah. Dagaalkii ay Yuhuuddu ku qaaday Gaza wuxuu naafeeyey nolosha Muslimiinta reer Falastiin, waxaana – ka sokow dhimashada iyo dhaawaca – uu…
Waddamada caalamka qaarkood ayaa sirdoon ahaan u adeegsada xayawaano nuucyo kala duwan si ay xoggo u helaan, waxaana xayawannadaasi qaarkood soo helaan xoggo sirdoon oo looga diro dalal ama meelo kale oo la qorsheeyay. Dowladad Hindiya ayaa muddo ku dhaw sannad waxa ay meel gaar ah ku xabistay Qooley nooca loo yaqaanno Xamaam , waxa ayna Qoyleydaan Hindiya uga shakisay in ay sirdoon u tahay dalka ay dariska yihiin ee Shiinaha. Baaritaano dheer kaddib ayaa dowladda Hindiya oo shimbirtan ku heysay isbitaalka xayawaanada ee dalkaas u oggolaatay in ay duusho, waxaana la waayay tuhunkii horey looga qabay shimbirta. Qooleydan laga…
Ciidamada milatariga dalka Ukraine ayaa war ay soo saareen ku shaaciyay in ay bur buriyeen oo quusiyeen markab nuuca dagaalka ah oo ay leeyihiin ciidamada Ruushka, xilli markabkaasi uu ku sugnaa badda madow. Wasaaradda difaaca Ukraine ayaa sheegtay in markabka Ivanovets oo siday gantaallo uu ku quusay xeebta Crimea ka dib markii ay si toos ah u garaacen dhowr doonyood oo ah kuwa aan wadaha laheyn . Dowladda Ruushka ayaan ka hadlin warkan kasoo baxay Ukarine ee sheegaya in ay quusiyeen markab nuuca dagaalka ah, waxaana la sii daayay muuqaalo muujinayay waqtiga weerarka iyo qaraxyo dhacayay. Ukraine ayaa marar badan…
Kooxda kubadda cagta Chelsea waxa ay jabisay sharciga dhaqaalaha, waana in laga jaro dhibco marka uu soo dhamaado baadhitaanka lagu samaynayo, sida uu shaaciyey khabiir ku takhasusay sharciga dhaqaalaha kubadda cagta oo hore ula soo shaqeeyey Manchester City. Sharciga dhaqaalaha Premier League, ayaa bilihii ugu dambeeyey si aad ah loo hadal hayay, waxaana hore dhibco looga jaray Everton bishii November iyadoo wali ay socdaan baadhitaannada Chelsea iyo Manchester City, halka la sugayo waxa laga yeelo Nottingham Forest oo bishii hore la xaqiijiyey in lagu helay inay sharciga dhaqaalaha jabisay. Chelsea oo tan iyo markii uu Todd Boehly la wareegay May…
Tababaraha kooxda kubadda cagta Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa shaaciyey, in uu kooxdiisa ka dhaawacmay weeraryahanka reer Uruguay ee Darwin Nunez, isla markaana aanu hubin inuu taam u noqon doono kulanka Axadda ee Arsenal. Nunez oo Afjar jeer birta garaacay kulankii Chelsea ee Salaasadii, isla markaana loo diiwaangeliyey rikoodhka nasiib-laawaha, ayaa waxa uu rajaynayay inuu diyaar u noqon doono ciyaarta Arsenal ee Emirates Stadium oo uu kusoo laaban doono dhalinta goolasha. Laacibkan ayaa garoonka Anfield ka baxay Salaasadii isaga oo dhaawac ah oo xidhan kabta lugta ilaaisa, waxaana sawirro laga qaaday ay muujiyeen in aanay wax jabniin ah jirin faraha…
Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa toddobaadkan ay ballansan yihiin kooxo waaweyn iyadoo sanka ay isku soo hayaan kulamo cidhiidhi ah oo kooxaha u diidaya inay nafis iyo firaaqo helaan. Ciyaarta ugu weyn ee toddobaadkan la sugayo waa kulanka adag ee Arsenal iyo Liverpool ee maalinta Axadda ee garoonka Emirates Stadium, halkaas oo labada kooxood ay mid walba hagalan u mari doonto sidii ay guul uga keeni lahayd. Liverpool oo shan dhibcood hoggaanka ku haysa shan dhibcood oo nadiif ah, ayaa haddii ay ka adkaato Arsenal waxay tegi doontaa siddeed dhibcood oo ay ka sarraynayso Gunners, waana arrin aanay…
Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester City ee Pep Guardiola ayaa ka jawaabay wararka sheegaya in Erling Haaland uu nacay horyaalka Premier League oo uu doonayo inuu tago kooxda reer Spain ee Real Madrid. Haaland oo toddobaadkan kusoo laabtay garoomada kaddib laba bilood oo uu dhaawac u jiifay, isla markaana beddel kusoo galay ciyaartii Burnley ee Arbacadii ay 3-1 ku khaarajiyeen, ayaa waxa ay wararku sheegayaan in aanu ku faraxsanayn nolosha Ingiriiska. 23 jirkan oo Man City u dhaliyey 52 gool oo dhamaan tartamada ah xilli-ciyaareedkii hore, ayaa waxa la sheegay in uu doonayo inuu ka guuro England marka uu dhamaado…