Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Qoyska Luul C/casiis oo ah hooyo Soomaaliyeed oo dhowaan lagu gubay magaalada Muqdisho ayaa shaaciyey iney go’aansadeen aaska gabadhooda oo muddo ku dhow bil ku jirta qaboojiye. Talaabadan ayaa ku soo beegantay xili maanta Maxkamada gobolka Banaadir ay xukun dil ah ku riday eedeysane Sayid Cali Macalin Daa’uud oo lagu helay inuu si bareer ah u gubay Luul oo xaaskiisa aheyd. Qoyska gabadha ayaa horey u sheegay ineysan aasi doonin ilaa gabadhooda ay ka hesho cadaalad. Aabe C/casiis oo ah Luul aabaheed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay iney go’aansadeen iney aasaan meydka gabadhiisa maadaama maalmo la kadib la guda…
Liverpool ayaa tartan adag kala kulmaysa kooxaha Man City iyo Arsenal xilli tartanka horyaalka premier League xilli ciyaareedka 2023/24 uu marayo heerkii ugu dambeeyay. Dhammaan saddexda kooxood ayaa hadda haysta 11 kulan oo kale oo ay ciyaaraan ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan iyadoo Reds ay hadda hal dhibic ka sarayso Cityzens halka ay laba dhibcood ka sarayso Gunners. Iyadoo loollanka loogu jiro hanashada horyaalka uu sii xoogeysanayo, Sky Sports ayaa sameysay sawir ay isku bar-bar dhigayso 11-ka kulan ee u hadhay 3-da kooxood. Liverpool ayaa haysata kulamo adag oo ay ugu horeeyaan kulamada ay la ciyaari doonto kooxaha Man City Man…
Barcelona ayaa wacday Mikel Arteta, sida uu sheegay Alex Pintanel ee Relevo. Catalans waxay ka warqabtaa in ay adkaan doonto saxiixa tababare Arteta dhamaadka xilli ciyaareedkan. Si kasta ha ahaatee Madaxweynaha Barcelona iyo Agaasimaha kooxda ee Deco ayaa tageere u ah tababaraha Arsenal. Horraantii sanadkan, Arteta laftiisu wuxuu ku tilmaamay wararka xanta ah ee ku saabsan ka bixitaankiisa xagaaga ‘been abuur’. Waxyaabuhu way is badali karaan iyadoo ku xidhan sida ay Gunners u dhamaysato xilli ciyaareedka. Mikel Arteta ayaa seddex koob kula guuleystay Arsenal tan iyo 2019, isagoo si tartiib tartiib ah kooxda Premier League ka dhigay kuwo ku tartama…
Ciyaartoyda Manchester United ayaa filaya in Erik ten Hag la ceyriyo dhamaadka xilli ciyaareedkan, sida laga soo xigtay Daily Mail. Wargayska Ingariiska ayaa ku waramaya in kooxda Man United ay aqbashay in ay ku dhawdahay in aysan suurtogal ahayn in Ten Hag uu sii joogo kooxda ilaa xilli ciyaareedka 2024-25. Imaanshaha Sir Jim Ratcliffe oo ah Milkiilaha saamiga yar ayaa lagu soo waramayaa in uu masuul ka ahaan doono saxiixyada iyada oo taas keenaysa in uu tababaruhu lumiyo awoodiisa. Daily Mail ayaa ku warameysa in rajada kaliya ee uu Ten Hag ku sii joogi karo kooxda ay tahay in uu…
Muuqaalada saaka laga soo duubay garoonka diyaaradha Muqdisho ayaa muujinaya jahwareerka ka taagan garoonka diyaaradha ee magaaladda Muqdisho. Boqolaal ruux oo shacab ah oo doonayay inay u dhoofaan gobolada dalka ayaa ku xaniban gudaha garoonka. Mid kamid ah dadkaas aya aah xildhibaan Cali Siciid Fiqi oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya, isaga oo BBC da u sheegay in uu dhawr saacadood ku xaniban yahay qaybta lagu sugo duulimaadka. “Saaka aroortii hal saac iyo bar ayaan imid garoonka diyaaradha, markaan imid ayaa nalgu yiri, ‘war maanta diyaarad in ay jireyso iyo in kale lama oga’…ilaa iyo hadeertaan oo ay mareyso tobankii…
Jimcahii lasoo dhaafay wiil dhallinyaro ah oo Soomaaliyeed ku nool dalka Norway gaar ahaana magaalada Lørenskog ayaa sida la sheegay walaalkiis ku dilay iyaga oo ku sugan gurigooda. Wiilka ku eedaysan in uu dilka geystay ayaa walaalkiis Axmed Saciid Muuse oo ahaa 26 sanno jir waxay ahaayenen labadii da’ood ee isku xigtay. Xilliga dilku dhacayay labada waalid ee wiilasha ayaan labaduba joogin dalka Norway. Hooyada dhashay labada wiil oo ganacsato ah ayaa ku maqnayd Dubai halka Aabbaha dhalay wiilasha isna uu ku jiray Ingiriiska. Labada waalid ee dhalay wiilasha waa kuwo aan isqabin. Hadda wiilashase waxay la noolaayeen Hooyadood. Ciidamada…
Waxaa dhibaato badan iyo qisooyin xanun badan laga so sheegayaa marinka Gaza ee dagaalladu ay ka socdaan. Dhibaatada ugu daran ayaa waxay hadda soo food saartay carruurta reer Gaza. “Carruurta gaajadu hayso maxay ku dambayn doonaan, ma heli doonaan cid badbaadisa mise way dhiman doonaan, wiilkaygii Cali isaga mar hore ayuu dhintay”. Aabbaha dhalay Cali oo ah wiil yar oo Falastiini ah oo dhawaan nafaqo darro iyo fuuq-bax ugu dhintay isbitaalka keliya ee ku yaalla waqooyiga Gaza, ayaa codsaday in la caawiyo carruurta kale ee lagu daweynayo halkaas, iyadoo Qaramada Midoobey ay ka digayso macaluul haddii aan loo kordhin gargaarka.…
Kani waa majaajileystaha jilaaga ah ee reer Nigeria John Okafor, oo loo yaqaano Mr Ibu, oo aan inta badan u baahnayn in uu afka furo si uu dadka uga qosliyo. “Hal mar ayaa la ii doortay ina an dhaqtar ka jilo filin, markii aan imid goobta anigoo sida dhakhtar u lebisan, dhammaan shaqaalihii ayaa qosol la dhacay, xitaa aniga oo aan waxbaa dhihin,” ayuu yiri isaga oo dib u xasuusanaya. Jilaagan oo 62 jir ku dhintay ayey geeridiisu murugo ku reebtay qoyskiisa, asxaabtii iyo taageerayaasha shirkadda filimada ee Nigeria ee Nollywood oo si fiican looga daawado guud ahaan Afrika. Waxa…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka dib ugu soo laabtay ayaa kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda dalka Norway, Mudane Andreas Kravik oo booqasho ku yimid caasimadda Muqdisho. dal, iskaashiga dhinacyada horumarinta, amniga, la-dagaalanka argagixisada iyo xasilinta deegaanada laga xoreeyay Khawaarijta. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey dowladda Norway taageerada ay la garab taagan tahay Soomaaliya, dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo dowlad dhiska. Sidoo kale, Madaxweynaha wuxuu ku boorriyay Norway in ay sii kordhiso doorka ay ka qaadato horumarinta, wax ka qabashada saamaynta isbaddalka cimmilada, xasiloonida Soomaaliya iyo gobolka. Dhankiisa, Wasiirka Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Norway ayaa…
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibaan Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi oo maalmahii la soo dhaafay safar shaqo ugu maqnaa wadanka Tanzania ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka. Wasiirka ayaa magaalada Muqdisho ka soo dejiyey calanka ururka dhaqaalaha bulshada bariga Afrika oo maalmo ka hor ay Soomaaliya si rasmi ah ugu biirtay ururkaas, waxaana halkaasi ku qaabilay wasiiro iyo madax kale oo ka tirsan dowladda. Wasiir Jibriil ayaa sidoo kale 4-tii bishaan March, 2024 wuxuu calanka Soomaaliyeed iyo dukumentiyadii ansixinta heshiiska ku biirista ururkaasi geeyey xarunta ururka dhaqaalaha bulshada bariga Afrika oo ku taalla magaalada Arusha ee dalka Tanzania. Arusha…