Author: radiohalgan.com

Hawada Soomaaliya ayaa la kulantay mid ka mida xiisadihii ugu adkaa, taas oo la xiriritay maamulka hawada iyo cidda la xiriireysa diyaaradaha isticmaala. Arrintan ayaa sababtay in duulimaadyo caalamiya ay la kulmaan warbixino duulimaad oo aan rasmi ahayn oo ay heleen, sida ay qireen Muqdisho iyo Hargeysaba, taas oo kor u qaaday khatarta heerka badqabka hawada ee Soomaaliya. Haya’adda duulista rayidka ee Soomaaliya ayaa sheegtay in hadda wax laga badalay habka isgaarsiinta ee lagula xiriiro diyaaradaha maraya hawada Somaliland, sababo la xiriira hubinta badqabka hawada, sida ay u sheegeen BBC da. Axmed Macallin Xasan oo ah maareeyaha Hay’adda Duullimaadyada Rayidka…

Read More

Sida aad ka war qabtaan, waxa sii badanaya dilalka ula-kaca ah ee ay geysanaayaan dadka rayidka ah, dadka rayidka ah waxan ula jeedaa qof kasto oo aan ka tirsaneyn ciidamada noocyadadooda kala duwan. Waxa aan filayaa in aad is weydiisay sababta ka danbeyso arintaas, sida aan aniguba isku weydiiyay. Marka aan isku dayay jawaabta su’aashaas, waxaa ii soo baxday in gaabiska Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee ku aadan fulinta xukunnada ay soo saaraan Maxkamadaha rayidka ah ee lagu rido eedeysanyaasha aan askarta ahayn ee ku kaco dilalka kaska ah, ay tahay sababta ugu weyn ee ka danbeyso kororka dilalkaas.…

Read More

Isku-duwaha Wasaaradda Maaliyadda ee gobolka Hiiraan Mudane Ciiloow Joobane Cawaale ayaa ku guuleestay in uu xalliyo tabashada aay qabeen Axmed Inji iyo Cabdicasiis Axmed Cadoow Jaaburi iyo Cabdiladhiif oo horay u sheegtay in aay uga mid ahaayeen maamulka kasoo horjeeda dowladda Hirshabelle. Isku duwe Ciiloow Joobane ayaa Jaaburi iyo Inji iyo Cabdiladhiif maanta ka amba baxshay magaalada Beledweyne waxa aayna ku wajahanyihiin magaalada Jowhar ee Caasimadda Hirshabelle si aay uga mid noqdaan nidaamka dowladda ee markii hore sida Sibiqda ah uga baxen,balse sida muuqata wax u dhaama soo waayeen. https://youtu.be/DjMK-RFj-FA?si=TdU66f1QsB1MEnZ6 Waa shaqadii ugu adkeyd ee masuul gobolka Hiiraan ah uu…

Read More

Ciyaaro jaan iyo jiibleh ayaa lagu qaabilayaa markay sidaas ciida faraha u dhigeenba caasimadda Soomaaliya – wafdi ka socda Boqortooyada Sucuudiga kuwaas oo daahfuraya mashaariic cusub oo gargaar ah kuwaas oo dowladda sacuudigu ku xoojinayso xiriirkedda Soomaaliya. Waloow heshiishkan yahay mid loogu deeqaayo buugaag carruuro iskuuleey ah iyo ceelal biyoodyo xoolahu ka cabaan, haddana qaar saraakiisha Soomaalida kamid ahi waxay qabaan in waxtarka Sacuudigu intaas ka bato, oo uu dhanka amaankana Soomaaliya ka caawiyo. Soomaaliya waxaa ragaadiyay dagaalo ay kula jirto sannado badan koox islaam sheegad ah. “Soomaaliya waxay ku jirtaa geedi dowlad dhis ah,” ayuu u sheegay AFP Cabdifataax…

Read More

Allaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Muqdisho diyaarad looga qaaday maydka gaasimihii waaxda diyaaradaha ee hey’adda duulimaadka rayidka Soomaaliya Cabdinaasir Muuse Dahable oo 18-ka bishan meydkiisa laga helay gurigii oo ku yaala Waaxda Janaraal Daa’uud, gaar ahaan Xaafadda Ceel Qalow. Marxuumka ayaa loo duuliyay magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, halkaas oo ay dagan yihiin ehelladiisa, si loogu aaso. Xildhibaano ka tirsan labada gole oo deegaan doorashadooda ay tahay gobollada waqooyi iyo mas’uuliyiin kale ayaa maydka marxuumka kusii sagootiyay garoonka Muqdisho. Kiiska Cabdinasaair Dahable ayaa dhaliyay shaki xoogan, waxaana soconaya baaritaan ku aadan dilkiisa oo loo soo xiray illaa 6 qof, sida…

Read More

Magaalada Muqdisho, gaar ahaan garoonka Aadan Cadde waxaa maanta ka ambabaxay ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka oo markii ugu horreysay dhoolatus weyn uga qayb-galaya dalka dibaddiisa, kadib burburkii dalkeenna. Dhoolatuskan oo ay ka qayb-galayaan dowlado kala duwan ayaa waxaa Soomaaliya ku metalaya saraakiil iyo askar ka tirsan ciidanka Danab oo maanta laga sagootiyay Muqdisho. Mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan Xoogga dalka ayaa ciidamadan kula hadlay garoonka, iyaga oo kula dardaarmay inay si wanaagsan u metalaan Soomaaliya iyo dowladeeda. Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Sarreeya Gaas Ibraahim Sheekh Muxyidiin oo horay u la kulmay ciidamada ayaa sheegay inay Soomaaliya ku metali…

Read More

Allaha u naxariistee waxaa todobaadkii hore magaalada Muqdisho ku geeriyooday xildhibaan hore Marxuum Axmed Aadan oo ka tirsanaa baarlamaankii hore ee dalka, kaas oo isaga oo xaalad adag ku sugan loogu tegay qolkiisa, kadibna markii loola cararay isbitaalka ku geeriyooday halkaasi. Warar kala duwan ayaa laga qoray sababaha keenay geerida marxuumka oo kasoo jeeday gobollada waqooyi, kuwaas oo baraha bulshada lagu baahiyay, isla markaana ahaa kuwa la sheegay inay xadgudub ku ahaayeen maydka xildhibaanka. Senator Laylo Axmed oo ka tirsan Aqalka Sare ayaa cambaareysay hadalladaas laga faafiyay geerida xildhibaanka oo ay sheegtay inuu si kadis ah ugu geeriyooday Muqdisho. Wuxuu…

Read More

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta duqeyn xoogan oo lagu laayay xubno badan oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ay ka dhacday deegaanka Jlib-Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose. Weerarkan oo dhacay saaka aroortii hore ayaa waxaa iska kaashaday ciidamada Xoogga dalka iyo saaxibada caalamiga ah, sida ay sheegtay dowladda federaalka Soomaaliya. Qoraal kasoo baxay dowladda ayaa sheegay in howlgalkan oo weli soo socda lagu dilay ugu yaraan illaa 30 ka tirsanaa maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab. “Ciidammada Qaranka iyo Saaxiibada caalamka ayaa hawlgalkan qorsheyn ka wada deegaanka Jilib-Marka oo hoostaga degmada Marka ee gobolka Shabeellaha hoose, kaas oo…

Read More

Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa maanta warbixin kasoo saaray kiisaska la xiriirta xadgudubka loo gaysto carruurta Soomaaliyeed. Yusra Cismaan Shariif oo ah ku xigeenka xafiiska xeer ilaaliyaha oo la hadashay warbaahinta ah ayaa shaaca ka qaaday inay sii kordhayaan dhibaatooyinka loo gaysto carruurta Soomaaliyeed, ayada oo soo bandhigtay tira koob ay sameeyeen sanadkii hore. Ku xigeenka xeer ilaaliyaha ayaa sheegtay inay inay diiwaangeliyeen illaa 53 carruur ah oo qaarkood looga dhuuntay isbitaallada Muqdisho, kuwa kalena lasoo dhigay waddooyinka. Carruurtaas 25 kamid ah ayaa ah gabdho, halka 28 kalena ay yihiin wiilal, sida ay warbixinteeda ku sheegtay Yusra Cismaan…

Read More