Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Guddiga maamulka sare ee Premier Bank ayaa si rasmi ah ugu magacaabay Dr. Maxamed Geedi Jimcaale agaasimaha cusub ee maamulka Premier Bank. Tallaabadan ayaa looga golleeyahay la jaanqaadidda horumarka iyo isbeddelada dhaqaale ee dalka ka socda iyo hirgelinta qorshayaasha isku ballaarinta bangiga ee gobolka. Halkan hoose ka Aqriso War Saxaafadeed ka soo baxay Maamulka Sare ee Bangiga Premier
SSC- Khaatumo ayaa dowladda federaalka Soomaaliya ku eedeysay in mashaariicda loogu tala-galay deegaanadeeda loo soo marsiiyay Somaliland, taasi oo ay sheegeen mid aysan aqbaleyn marnaba. Ku-xigeenka hoggaamiyaha SSC-Khaatumo Dr. Maxamed Shiine ayaa waxa uu sheegay in tallaabadan ay qaaday dowladda dhexe ay muujinayso inay weki aaminsan tahay in deegaanada SSC-Khaatumo ay ka tirsan yihiin Somaliland, xilli ay SSC si madax banaan u maamulato deegaanadeeda. “Waxyaalaha la yaabka leh waxaa kamid ah, mashaariicaha la leeyahay Somailand baa la marinayaa, xaggee laga fulinayaa? soo waddankii dadkii lahaa gacanta kuma hayaan,” ayuu yiri Ku-xigeenka hoggaamiyaha SSC. Waxa uu sheegay in aan la aqbali…
Somaliland oo markale ka hadashay arrimo la xiriira maamulka hawada ayaa shaaca ka qaaday in mar kale uu shil diyaaradeed ka dhici gaaray hawada, ayada oo hagayaasha diyaaradaha ee Muqdisho ku eedeysay inay sababi gaareen in ay isku dhacaan laba diyaaradood oo ay kala leeyihiin Emirates Airways iyo Ethiopian Airlines. Sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday Hay’adda Duulimaadyada Somaliland labada diyaaradood ayaa waxaa la siiyay xog sababtay in ay ku duulaan joog isku mid ah, taasi oo sababi gaartay inuu shil dhaco, waxayna falkaas ku eedeysay maamulka hawada Muqdisho. Dhacdadan ayaa dhacday 24-kii bishaan, waxayna Somaliland soo bandhigtay warbixin ku…
Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay duqeyn culus oo maanta Al-Shabaab lagula weegtay deegaanka Daaru-Nimca ee gobolka Shabeelaha Dhexe xilli ay weerareen saldhig ku yaalLa halkaas. Fariisinta ciidan ee la wareeray ayaa waxaa deganaa ciidamo ka tirsan dowladda ee qeybta ka ah gulufka dagaal ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Duqeynta dhacday kadib weerarka ayaa waxaa fuliyay diyaaradaha dagaalka ee saaxibada caalamiga ah oo hawada ka taageeray ciidamada Xoogga iyo kuwa deegaanka oo saaka aroortii hore ay Al-Shabaab kusoo qaadeen weerar gaadmo ah oo ka dhacay deegaankaasi. Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in duqeyntan…
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa qabtay shir jaraa’id oo arrimaha dastuurka uu kaga hadlay, isagoo sharaxaad ka bixiyey qodobada ay ku diidan yihiin madaxweyne Xasan Sheekh oo doonaya in deg deg loo meelmariyo qorshihiisa dhameystirka dastuurka. Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in qorshaha dowladda Soomaaliya ay wado uu yahay dastuur la bedelayo, balse uusan aheyn dastuur la dhameystirayo, isagoo ka deyriyey xaaladda ay Soomaaliya cagaha la sii geleyso. “Dalkeennu wuxuu maanta ku jiraa xaalad adag, gudaha iyo dibaddaba. Maanta ayaana ugu baahi badannahay midnimo iyo wadajir, balse ma dooneyno in la kala fogeeyo dadkii Soomaaliyeed ee…
Israa’iil ayaa meesha ka saartay kulamo ay ku yeelan lahayd Washington ka dib markii Maraykanku uu ka gaabsaday inuu codka diidmada qayaxan ee Veto u adeegsado baaqii u golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ku baaqay xabbad joojin ka dhaqan gasha Qasa. Ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa ku eedeeyey Maraykanka inuu “isaga dhaqaaqay” siyaasadiisii hore. Ismaandhaafkan ayaa yimid ayadoo ay jiraan baaqyo la xiriira in si degdeg ah looga baaqsado macaluul ka dhacda Qasa. Tan iyo markii uu dagaalku billowday, Maraykanku wuxuu awoodda Veto u adeegsaday seddex qaraar oo uu golaha amaanka ee Qaramada Midoobay soo saaray, kuwaasoo ku baaqayey…
Deegaanka Wanlaweyn ee gobolka shabeelada hoose maalinimadii shalay ayaa waxaa lagu dilay Saynab Xuseen Cumar oo ahayd hooyo dhashay 3 carruur ah, dilkeedda waxaa gaystay Cabdullaahi Xuseen Dheesoow oo ahaa nin ay horey u isku qabeen Saynab. Dilka gabadha ayaa sababay muran dhexdooda ka dhashay oo muddo socday intii u dhaweydna ay ka war hayeen. Shalay xilligii uu dilka gaysanaayay Cabdullaahi waxuu wacay xaaskiisii hore oo saddex carruur ah u haysay isagoo u sheegay in uu carruurta rabo in uu u iibiyo dharka ciidda. “Waxaa naloo sheegay in muddo ah in uu muran ka dhexeeyay labadooda kaas oo ku saabsanaa…
Dhammaantood iyaga oo leh calaamado muujinaya dhaawacyo ku yaalla ayay ka soo hor muuqdeen maxkamad ku taala caasimadda ruushka, waa afarta nin ee ku eedaysan in ay gaysteen weerarkii lagu dilay ugu yaraan 139-ka qof ee dhacay Moscow. Waxay afartuba ku eedaysanyahiin in ay gaysteen fal argagaxisonimo Jimcihii tagay, ayay rag hubaysan gudaha u galeen masrax ku yaala magaalada Krasnogorsk ee oo dhacda waqooyiga magaalada Moscow, waxayna rasaas ku fureen dadweynihii masraxa daawanayay, ilaa 6,000 qof ayaana kasoo qayb galay bandhig faneed halkaa ka socday. Kooxda weerarka soo qaaday ayaa sidoo kale waxa ay sababeen dab xoogan oo ku fiday…
Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa deegaanka iyo ‘AS’ ayaa ku dagaalamay deegaanka Daaru-Nicma Gobolka Shabeelaha Dhexe Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan oo Mustaqbal la hadlay. Dagaalkaan ayaa yimid kaddib markii Rag hubaysan oo katirsan ‘AS’ ay weerar ku qaadeen saldhigyada Ciidamadaan ay ku leeyihiin Deegaanka Daaru-Nicma Aroornimadii hore ee Maanta oo Talaado ah waxaana halkaas ka dhacay iska hor imaad xooggan. Inkasta oo aanay la ogayn inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha ka dhashay dagaalkaan balse waxaa jira warar soo baxaya oo sheegaya in la maqlay qaraxyo loo badinayo in loo adeegsaday Gawaari lagu soo raray…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Feseraalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiikiisa ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika, Danjire Xue Bing. Kulanka Wasiirka koowaad ee Xukuumadda iyo Ergeyga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika ayaa diiradda lagu saaray, “xoojinta xiriirka iyo iskaashiga soo Jireen ka ah ee u dhaxeeya labada dal,” sida lagu yiri qoraal ka soo baxay kulanka. Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa uga mahadceliyey Dowladda Shiinaha taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay siiso Soomaaliya, isaga oo xusay guulaha waawayn ee ay Soomaaliya xaqiijisay muddaddi la soo dhaafay, haddana loo diyaar garoobayo isbeddel mug leh…
