Author: radiohalgan.com

Maamulka Puntland iyo Ethiopia ayaa maanta heshiis horudhac ah oo dhinacyo badan taabanaya ku gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimada waddankaasi. Wasiirka Maaliyadda Puntland iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa kulan xasaasi ah Addis Ababa kula qaatay masuuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Ethiopia. Kulankaan ayaa lagu gaaray heshiis dhowr qodob ah, oo ugu weyn yahay iskaashiga kaabayaasha dhaqaale ee labada dhinac, kaasi oo ku qotoma dhinacyada ganacsiga, maalgashiga iyo iskaashiga tamarta. “Puntland iyo Ethiopia ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir qoto dheer oo iskaashi ku dhisan,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Ethiopia. Xukuumadda Addis Ababa ayaa xilligaan…

Read More

Warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa caawa baahisay hordhaca muuqaal ay duubeen kaamirooyinka ku xiran wadooyinka Muqdisho, kaas oo lagu soo bandhigayo sii uu u dhacay weerarkii Hotel SYL. Muuqaalkaan oo hordhac ah ayaa la balamiyey in habeen dambe oo Khamiis ah la baahi doono, waxaana ka soo muuqanaya xubno loo qabtay weerarkaas oo qiranaya inay fududeeyeen. Labo gaari oo nooca raaxada ah ayaa lagu geystay weerarkaas, waxaana gaadiidka la arkaya markii ay dhaafayaan isgoysyada Tarbuunka, Shaqaalaha, Dabka, Sayid ilaa Hotelka SYL oo labada gaari ay ku qarxeen. Ragga weerarka fuliyey ee toos u dagaalamay oo afar nin ahaa ayaa gaariga ka…

Read More

Waxaa soo baxaya faahfaahin la xiriirta dilka allaha u naxariistee Nabadoon Xasan Cali Muude oo xalay lagu diley deegaanka Casarmaal ee gobolka Sh/dhexe. Dilka nabadoonka ayaa la sheegay inay ka dambeeyeen rag hubeysan oo tiradooda lagu sheegay inay gaarayeen illaa saddex nin. Wararka ayaa sheegaya in mid ka mid ah raga dilka geystey ay dileen dadka deegaanka halka mid kalana la qabtay. Lama oga sababta ka dambeysay dilka nabadoonka hase yeeshee balse haatan uu baaritaan socdo. Waa markii ugu horeysay oo dil noocan oo kale ah uu ka dhaco deegaanada ka xiga Koofur bari degmada Jowhar ee caasimada dowlad goboleedka…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo casuumaad rasmi ah ka helay Boqorka Dalka Sucuudiga Mudane Salmaan Binu Cabdicasiis ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Jidda. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Boqor Salmaan Binu Cabdicasiis ayaa ka wadahadli doona xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya labada dowladood, amniga, ganacsiga iyo iskaashiga miro-dhalka ah ee ay labada dal wadaagaan. Soomaaliya iyo Sucuudiga waxaa ka dhaxeeya xiriir walaaltinimo oo qotodheer, iyada oo ay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed xasuusan yihiin garab istaagga ay u muujiyeen walaalahooda Boqortooyada, xilliyaddii adkaa.    – Advertise

Read More

Qubaro badan oo xaalada Soomaaliya u kuur galay waxay sheegeen in horumar weyn lagasugeyn dalka inta Qofka meel masuul ka ah uu ka fikiryo oo kaliya naftiisa iyo qoyskiisa waana mida dalka cuuryaamisay. Masuulka dhabta ah waa in uu ka fikiro dadka maauulka uu u yahay ka hor naftiisa. Si kasta oo xoolaha dadweynaha u dhacdo ama u dhacdo casabadaada adiga iyo casabadaada ma dhisan kartaan magaalo idiin gooniya oo laga helo adeega bulshada sida Isbitaal, Iskuul, Amni iyo wax kasta. Inta aad noolaan doonto waa yar tahay, waxa cunayso adiga iyo qofka faqriga ah ee tuugsada isku cunimo ayaa…

Read More

Kooxda gargaarka ee fadhigeedu yahay Mareykanka ee World Central Kitchen ayaa xaqiijisay in toddobo ka tirsan shaqaalaheeda ay Israel  ku dileen duqeyn xagga cirka ah oo laga sameeyay Gaza . Hey’adda ayaa sheegtay in shaqaalahaasi  lagu dilay weerar toos ah oo ay fuliyeen Israel,waxaana dadka la dilay ay ka soo kala jeedaan Falastiin, Australia, Poland, UK, iyo labo heysta dhalashada Mareykanka iyo Canada. Kooxda World Central Kitchen  waxay millatariga Israa’iil ugu baaqeen inay joojiyaan dilka aan kala sooca lahayn ee Gaza loogu geysanaayo dadka ratidka ah iyo shaqaalaha gargaarka. Maamulka dhakhaatiirta aan xuduuda lahayn ayaa sheegay in cisbitaalka al-Shifa ee…

Read More

Ugu yaraan 11 qof ayaa lagu dilay weerar loo aaneeyay Israa’iil oo ka dhacay dhismaha qunsuliyadda Iran ee Dimishiq Isniintii. Dadka dhintay waxaa ka mid ah Sarreeye Guuto Maxamed Reza Zahedi oo ka mid ah saraakiisha ugu sarraysa ee ilaalada kacaanka, sida uu sheegay ururkan ka tirsan ciidamada qalabka sida ee Iran. Weerarka ayaa burburiyay dhismo dhowr dabaq ah oo ku dhagan safaaradda Iran ee ku taal degmada Mezzeh ee caasimadda Suuriya. Wasiirrada arrimaha dibadda ee Iran iyo Suuriya ayaa cambaareeyay weerarka, waxayna farta ku fiiqeen Israa’iil oo ciidankeedu ay ka gaabsadeen inay ka hadlaan. Sida laga soo xigtay Wasaaradda…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa markii ugu horreysay si adag ula hadlay siyaasiyiinta kasoo horjeeda ansixinta wax ka beddelka dastuurka oo Sabtidii meel-mar noqday. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in aan la aqbali karin in la is-hortaago go’aamada ay gaarayaan hey’adaha dastuuriga ah, isaggoo ku af-gobaadsaday inay xukuumadda ka go’an tahay dhageysiga ciddii tabasho qabta. ‘Xukuumadda waxaa ka go’an in ay dhageysato ciddii tabasho qabta, balse lama aqbali karo in la is-hortaago go’aamada ay gaaraan hey’adaha dastuuriga ah ee dalka iyo wax kasta oo dhaawacaya midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre. Sidoo kale…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa Aadan Faarax oo ah siyaasi kasoo jeeda dawlad deegaanka Soomaalida u magacaabay xilka ra’iisul wasaare ku-xigeenka dowladda Itoobiya. Warkan oo kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegaya in magacaabista Aadan Faarax ee darajada ra’iisul wasaare ku-xigeen loogu cusboonaysiiyay masuuliyadiisii shaqo. Shir ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Addis baba oo uu hoggaaminayay ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa waxaa kasoo qayb galay axsaabta siyaasadeed oo ay Soomaaliduba kamid yihiin. Inta shirku uu socday waxaa mas’uuliyiin badan oo shirka kasoo qayb galay ay su’aalo ku weydiinayeen ra’iisul wasaaraha, iyadoo Soomaalidu ay qayb ka ahayd, waxana qaarkood…

Read More

Horjooge Ismaaciil Xasan Cali oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ayaa xalay isku soo dhiibay ciidanka deegaanka ee ku sugan deegaanka Xinlabi ee Gobalka Mudug. Horjoogahan isa soo dhiibay ayaa xiriir la soo sameeyey saraakiisha ciidanka deegaanka, sii uu dowladda isugu dhiibo, ayada oo ugu dambeyn maanta lagu wareejiyay ciidanka hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee NISA. Ninkaan ayaa waxaa la marsiin doona habraaca loo diyaariyey xubnaha isa soo dhiiba ee ka soo hara fikirka guracan ee kooxda Al-Shabaab, waxaana hadda gacanta ku haya hay’adda NISA, qeybteeda Galmudug. Shalay ayey aheyd markii NISA ay soo bandhigtay Shabaab badan oo kasoo goostay…

Read More