Author: radiohalgan.com

Siyaasadda casriga ah, hoggaamintu ma aha mid ku dhisan hal qof oo keliya, balse waa nidaam ku dhisan wada-tashi, isu-tanaasul iyo ka faa’iidaysi aragtiyo kala duwan. Si kastaba ha ahaatee, waxaa muuqata in madaxweynaha Xasan sheikh maxamuud uu muddo ku socday siyaasad u eg hal-ku-dhigga ah “Aniga ha i eedo”, taas oo si dadban u muujinaysa go’aan qaadasho ku urursan hal dhinac, iyadoo aan la siin mudnaan ku filan talo-wadaag iyo ka-qaybgal siyaasadeed oo ballaaran. Marka hoggaanku noqdo mid isku koobay awoodda iyo go’aamada, waxaa hoos u dhac ku yimaada kalsoonida saaxiibada siyaasadeed iyo xubnaha xisbiga. Taasi waa waxa…

Read More

Cabdisalaam Maxamed Xasan, Cabdullahi Cusmaan Maxamed, Cabdinaasir Cumar Axmed Subeyr, Faadumo Cismaan Subeyr Cali iyo Leylo Seef Faarax Axmed, Ayaa lagu Eedeeyay in ay siyaabo kala duwan ugu lug yeesheen Howlo Basaasnimo iyo Gabaadsiinta Xubno ka tirsan Argagixisada. Eedeysane Cabdisalaam Maxamed Xasan (Aamusane) ayaa si gaar ah loogu Eedeeyay Tan iyo 2014 Inuu Ka tirsanaa Qeybta Dhagaraha Argagaxisada, Gaar ahaan Basaasida Dilalka gaadmada iyo qeybta Qaraxyada. Waxa uu qabtay Shaqooyin ay ka mid yihiin Sahminta guryo Saraakiil daganaayen, Indho indheynta xarumaha Degmooyinka Xamar jajab iyo Xamarwayne, Gudbinta Xogo ku saabsan xarumaha lagu bixiyo ID ga NIRA Iyo Bixinta Macluumaadyo…

Read More

Madaxweyne ku xigeenka Dowlad-Goboleedka Galmudug, Cali Daahir Ciid ayaa soo dhaweeyay dedaallada lagu doonayo in lagu xaliyo xiisadda siyaasadeed ee ka jirta deegaannada Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ee waxgaradku ay billaabeen. Cali Daahir Ciid ayaa sheegay in xiisadda siyaasadeed u dhaxaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Koofur Galbeed loo baahan yahay in wadahadal lagu xaliyo si looga hortago wax weliba oo kala qaybinta Bulshada abuuri kara. Waxa uu xusay in aanay awood sheegasho ama qori caaraddii lagu maamuli Karin siyaasadda sidaas awgeed loo baahan yahay in xoogga la saaro wadahadalka si meel loo wada dhigo waxyaabaha dhaliyay khilaafka sida uu…

Read More

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maamul cusub u magacawday Degmada Waajid ee Gobolka Bakool ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed, mas’uuliyiinta cusub ayaa la faray in ay gutaan waajibka ka saaran adkaynta amniga & ka shaqaynta adeegyada Bulshada. Warqadda Magacaabista ah oo uu ku saxiixan yahay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in magacaabistaan ay timid kaddib markii laga maarmi waayay. Halkaan ka aqriso Magacyada mas’uuliyiinta loo magacaabay Waajid

Read More

Magaalada Jabuuti waxaa laga dhagax-dhigay Magaalo cusub oo leh in ka badan 7,000 oo guri oo si casri ah loo dhisay, waxaana dhagax-dhigay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyada oo ay goobjoog ka ahaayeen mas’uuliyiinta Salaam Real Estate, Ganacsato & Qurbajoog doonaysa in ay iibsato guryahaan. Xaafadda Salaam City waxaa mashruucaan maalgeliyay Salaam Real Estate oo kamid tahay Salaam Group of Companies, Baaxadda dhulkaan waa 2.4 Milyan oo Mitir laba jibbaaran oo isugu jira 7 Dugsi, Isbitaal & Xarumo Caafimaad, Masaajid Dhexe, Goobo Ganacsi & Xaafado, Dukaamo & Adeegyo Xaafadeed, Beero iyo goobo Madadaalo. Mashruucaan oo laga fuliyay goob istaraatiiji…

Read More

Madaxwaynihii Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo walaac ka muujiyey xaalaadda siyaasadeed ee ka taagan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa ka digay halista ku gadaaman qorshaha dhiillada wata ee ay Dowladda Federaalku ku wajahday. Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale tilmaamay in xaaladdan cakiran ay halis ku tahay xasilloonida deegaanka, badqabka shacabka reer Koonfur Galbeed iyo dadaallada geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo ayaa muujiyey inay weli jiraan fursado iyo xal siyaasadeed oo lagu dejin karo xaaladdan cakiran haddii Dowladda Federaalku ay la timaaddo niyad wanaag iyo wadahadal dhab ah oo ay ka gasho arrimaha doorashooyinka dalka.

Read More

Ciidamada Sida Gaarka ah u Tababaran ee Kumaandooska Danab ayaa xalay fuliyay howlgal qorsheysan oo lagu beegsanayay bar kontorool sharci-darro ah oo ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Cali Farxaane, oo 10 km u jira Kuunya Baroow ee gobolka Shabeellada Hoose. Howlgalkan oo si taxaddar leh loo qorsheeyay ayaa lagu soo khaarijiyay horjoogayaal iyo maleeshiyaadka ku sugnaa barta kontoroolka. Ujeeddada howlgalka ayaa ahayd in la burburiyo goobaha ay maleeshiyaadku canshuuraha sharci-darrada ah kaga qaadaan shacabka iyo gaadiidka mara waddooyinka, gaar ahaan jidka weyn ee isku xira Shabeellaha Hoose iyo Jubada Hoose. Tallaabadan waxay si toos ah u xoojinaysaa xorriyadda isu…

Read More

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa shaaciyay in dowladda Mareykanka ay si ku-meel-gaar ah u hakisay weerarradii militari ee ka dhanka ahaa dalka Iran, kadib wada-hadallo socda oo lagu doonayo in lagu soo afjaro colaadda Bariga Dhexe. Qoraal uu ku daabacay baraha bulshada, Trump ayaa sheegay in 48-dii saac ee u dambeysay ay jireen wada-hadallo “wax ku ool ah oo miro dhal ah” oo dhex maray Mareykanka iyo Iran, kuwaas oo diiradda saaraya xal kama dambeys ah oo laga gaaro colaadda. Wuxuu sidoo kale tilmaamay inuu amar ku bixiyay in muddo 5 maalmood ah dib loo dhigo duqeymaha lagu bartilmaameedsanayo xarumaha…

Read More

Mas’uuliyiinta dalka Colombia ayaa sheegay in 66 askari ay dhinteen kadib markii diyaarad ciidan oo nooceedu ahaa C-130 ay ku burburtay meel u dhow xadka Peru. 125 askari iyo shaqaale ayaa saarnaa diyaaradda. Dad badan ayaa ku dhaawacmay shilka, qaar ayaana lagu soo warramayaa in dhaawacoodu uu daranyaha. Waxaa socda gurmad iyo dadaalo xooggan oo ay wadaan laamaha ammaanka.

Read More

Midowga Yurub ayaa walaac xooggan ka muujisay xaaladda siyaasadeed ee ka sii dareysa ee ka taagan Koofur Galbeed, xilli ay jirto xiisad u dhaxeysa hoggaanka maamulkaas iyo Xasan Sheekh Maxamuud. Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Francesca Di Mauro, ayaa sheegtay in xaaladda si dhow loola socdo, isla markaana ay muhiim tahay in la helo wadahadal degdeg ah oo xal u keena khilaafka jira. Qoraal kasoo baxay xafiiska Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa lagu adkeeyay in xaaladdu u baahan tahay is-afgarad iyo xal nabadeed, halkii laga sii hurin lahaa khilaafka. “Midowga Yurub wuxuu si walaac leh ula socdaa xaaladda sii xumaaneysa…

Read More