Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku guulaystay in xabsiyo ku yaalla Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo kasii dayso in ka badan 50 qof oo Soomaali ah oo Maalmihii lasoo dhaafay ku xirnaa Xabiyo ku yaalla Dalkaas. Sii daynta Muwaadiniintaan waxaa kaalin weyn ka qaadatay Safaaradda Soomaaliya ee Tanzania, Danjire Ilyaas Cali Xasan oo la kulmay Safiirka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ee Tanzania Jean Pierra Massala ayaa kala hadlay sii daynta dadkaas. Qoraal uu soo dhigay bartiisa xiriirka Bulshada ayuu uga mahadceliyay Dowladda Congo sida ay u aqbashay codsigooda la xiriira in xorriyaddooda dib loo siiyo Muwaadintiinta Soomaaliyeed ee xabsiyada dalkaas lagu xiray ee haatan…
Boqortooyada Ingiriiska ayaa ku dhawaaqday in taageero cusub oo dhaqaale ah laguna xoojinayo dhinaca Amniga Soomaaliya, lacagtaan oo meelo kala duwan la marinayo ayaa ujeedkeedu yahay in lagu xoojiyo nabadgalyada Dalka sida hadalka loo dhigay. Kaalmada Ingiriiska waxaa lagu kala bixinayaa howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM & Ciidamada Amniga Soomaaliya oo loo marinayo Xafiiska taageerrada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya loona soo gaabiyo UNSOS. In ka badan $30 Milyan oo doollar una dhiganta £22.5 Milyan oo Pound, tani waxa ay sal adag u tahay taageerrada kala guurka amniga Soomaaliya, waxaana usii dheer $8 Milyan oo doollar iyo $22 Milyan oo kale…
Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay, in ka badan 30 kalena way ku dhaawacmeen qarax gaari oo xooggan oo ka dhacay afaafka hore ee xarunta ciidamada ilaalada xuduudaha Pakistan ee magaalada Quetta, caasimadda gobolka Balochistan. Qaraxa oo dhacay Talaadadii ayaa waxaa si degdeg ah xigay rasaas culus, iyadoo qaraxu ka dhacay meel u dhow Zarghoon Road, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha deegaanka. Bakht Muhammad Kakar, wasiirka caafimaadka gobolka, ayaa sheegay in labo kamid ah dadka dhintay ay ahaayeen ciidamada amniga halka inta kale ay ahaayeen rayid. Muuqaal lagu faafiyey baraha bulshada ayaa muujiyey gaari u socda dhanka xarunta gobolka ee…
War-saxaafadeed ay soo saartay Dowladda Masar ayaa looga hadlay qoddobada ka soo baxay wada hadal ay yeesheen Wasiirka Difaaca Masar, Cabdul Majiid Saqr, iyo dhiggiisa Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi. Masar ayaa sheegtay in wada hadalladan diirada lagu saarey iskaashiga milatari iyo taageeridda xasilloonida guud ahaan qaaradda Afrika. Sidoo kale, Masar ayaa sheegtay in ay ballaarineyso taageerada Soomaaliya, iyagoo tilmaamay in ay isku arragti ka yihiin arrimaha gobolka Geeska Afrika. Wasiirka difaaca Masar ayaa mar kale xaqiijiyay in ciidamada Masar ee qaybta ka ah Hawlgalka Taageerada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ay dhowaan imaan doonaan gudaha Soomaaliya. Howlgalka AUSSOM ayaa beddelay…
Kooxda Taalibaan ee heysa talada dalka Afganistan, ayaa la sheegay in hawada ka saareen adeegga internetka ee dalkaasi, waxaana tallaabadaasi ay qaaday Taalibana ka dhashay xaalad adag oo soo wajahday dadkii ku xirnaa internetka. Markii hawada laga saaray adeegga internetka ee dalka Afganisdtan , ayaa waxaa hawada ka baxay adeegga taleefoonnada gacanta, waxaana la joojiyay duulimaadyo badan dalkaasi tagi lahaa, waxaa sidoo kale khal khal uu soo wajahay ganacsiyada adeegooda uu ku xirnaa internetka. Lama oga ilaa hadda sababta rasmig aah ee hawada looga saaray adeegga internetka ee dalka Afganistan, waxaana horey masuul katirsan maamulka Taalibaan u sheegay in hoggaamiyaha…
Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ee maamulka Puntland, ayaa maanta ku fulisay dil toogasho ah ku fulisay Deeq Cabdul Cawil oo 15kii Febraayo ee sannadkii 2024, magaalada Gaalkacyo ku dilay ganacsade Axmed Tahliil Xaaji Aadan. Guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ciidanka qalabka sida ee 5-ta gobal ee Puntland , taliyaha qaybta booliska gobalka Bari iyo hoggaanka CID gobalka, ayaa goobjoog ka ahaa fagaaraha xukunka dilka ah lagu fuliyay oo kuyaalla magaalada Boosaaso. Fagaaraha xukunka dilka ah lagu fulinayay waxaa goobjoog ka ahaa ehelada marxuumka horey loo dilay iyo sidoo kale ehelada ninka xukunka qisaasdta ah lagu fulinayay, waxaa sidoo kale…
Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo Maxkamadda gobolka Banaadir hor geeyay eedeysane Cali Dhagadiish, kaa oo lagu eedeeyay in ilmo yar uu god ku riday kuna aasay l, isaga oo kadib ka duubay muuqaal uu ku baahiyay Baraha Bulshada. Ninkan oo doonayay in uu caan ka noqdo barta Tiktok, ayaa sameeyay muuqaal dad badan ka careysiiyay, kaddib markii uu god ku riday kuna aaday carruur la sheegay in xaaskiisa dhashay.
Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, ayaa magaalada Qaahira kula kulmay Wasiirka Gaashaandhigga Masar, Sareeye Gaas Cabdulmajiid Saqar, iyo saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada qalabka sida ee dalkaas. Kulanka ayaa looga wada hadlay xoojinta iskaashiga dhinaca milateriga ee labada dal iyo taageeridda dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida gobolka. Wasiir Fiqi ayaa ku bogaadiyay Masar kaalinta muuqata ee ay ka qaadato nabadda iyo xasilloonida gobolka, isagoo xusay in labada dal ay wadaagaan aragti mideysan oo ku aaddan arrimaha istiraatiijiga ah ee danaha labada dhinac. Dhankiisa, Wasiirka Gaashaandhigga Masar ayaa muujiyay sida uu dalkiisu diyaar ugu…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daah-furay kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka 11aad sida uu dhigayo qodobka 90aad ee Dastuurka Dalka, waxa uu ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysay. Madaxweyne Xasan waxaa dhinac taagnaa Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka, Duqa Muqdisho & Mas’uuliyiin kale, waxa ugu horrayn hadlay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ku dheeraaday waxqabadka kalfadhigii hore. “Qorshaha kalfadhiga 7aad ee Aqalka Sare waxaa horyaalla meelmarinta dhammaystirk Dastuurka, dhismaha Golaha Garsoorka sare, Maqaamka Muqdisho, Shuruucda la horkeenno aqalkaan oo aan ka talo gelino Dowlad-Goboleedyada” Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Guddoomiyaha Aqalka Sare…
Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya loona soo gaabiyo AUSSOM ayaa loo raadinayaa dhaqaale lagu xoojiyo sidii socoshadiisa si looga hortago caqabadaha saamaynta taban ku reebi kara sida hadalka loo dhigay. Kulan gaar ah oo ay kasoo muuqdeen Guddoomiyaha Midowga Afrika Maxamuud Cali Yuusuf, Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres iyo wakiillo kale ayaa lagu gorfeeyay xaaladdaan iyo sida degdega ah jawaabta loogu baahan yahay. Shirkaan dhaqaale u raadinta AUSSOM ayaa lagu soo bandhigay xasiloonida Soomaaliya & dagaallada ay gaysanayaan ‘AS’ haddii aan laga hortagin sida uu howlgalkaan bilaa natiijo kusoo idlaan doonno waa haddii aan la helin kahortag.…
