Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Faah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax lala beegsaday gaari ay saarnaayeen howlwadeenno ka tirsan Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom. Qaraxa oo ka dhacay deegaanka Garas-baalleey ayaa la xaqiijiyey inay ku geeriyoodeen dhamaan shaqaalihii saarnaa gaariga oo gaaraya 6 qof. Goobjoogayaal ayaa Caasimada Online u sheegay in isla goobta uu ku basbeelay gaarigii ay wateen, shaqaalaha la qarxiyey ee Hormuud. Wararka qaar ee la helayo ayaa xaqiijinaya in qaraxu ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso, taasi oo qabsatay gaariga. Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxa, maamulka Shirkadda Hormuudna wali kama hadlin dhacdadaan galaafatay lix ka…
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay fadeexadda musuq-maasuq ee hareysay taliska ciidanka Danab. Wasiir Jaamac oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Universal ayaa xaqiijiyay in dhacdadan ay dhacday laba todobaad kahor, taasi oo lagu leexsaday raashinkii loogu tala-galay ciidamada Danab ee xoogga dalka, isaga oo qiray in loo iib geeyay suuqyada waaweyn ee magaalada Muqdisho. Jaamac ayaa sheegay in falkan ay ku lug leeyihiin saraakiil sar-sare oo ciidamada kamid ah, islamarkaana lasoo xiray, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan. “Waxaa la xaqiijiyay in urur kamid ah guutada Danab raashiin loogu talagalay…
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta loo gudbiyay soo jeedin la xiriirta xal u halista caqabadaha biyaha roobka oo saameyn weyn ku yeesha caasimadda. Guddoomiyaha hay’adda maareynta musiiboyinka qaranka (SODMA) Maxamuud Macallim Cabdulle oo xafiiskiisa ku booqday guddoomiye Madaale ayaa la wadaagay soo jeedintan oo ah “in meesha laga saaro oo la dumiyo guryaha ka dul dhisan goobihii loogu tala galay in bullaacaduhu maraan,” si xal loogu heli caqabadaha ka dhasha roobka. Kulanka labada masuul ayaa diirada lagu saaray xal u helidda caqabadaha soo laa-laabtay ee caasamidda, fududeynta howlaha gargaarka iyo u diyaar-garowga…
Wasiirka Maaliyadda XFS Biixi Imaan Cige ayaa maanta magaalada Nairobi ee dalka Kenya uga qeyb galay shirka 21-aad ee Hay’adda Horumarinta Bangiga Adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo IDA, shirkaas oo ay ka soo qayb galeen Wasiirada Maaliyadda dalalka Qaaradda Afrika. Shirka ayaa inta uu socday waxaa looga dooday qodobada muhiim ka u ah wadamada Afrika uu Bangiga Adduunka maalgaliyo. Qodobada ay soo saaraan Wasiirada maaliyadda ayaa waxaa la hor dhigi doonaa kulanka kiisa xiga oo ah heer Madaxweyne, kaas oo qab soomi doona 29-ka April 2024-ka. Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay kulanka. Sidoo kale warka ka soo…
Weeraryahanka Liverpool Mohamed Salah ayaa sheegay in haddii uu hadlo “dab ayaa dhici doono” ka dib markii uu xeeyndaabka tababaraha ee khadka taabashada uu kula murmay tababare Jurgen Klopp kulankii barbardhaca ee 2-2 ee ay West Ham la ciyaareen. Salah ayaa u muuqday mid ay isku dhaceen Klopp xilli uu isku diyaarinayay in uu badal ku soo galo daqiiqadii 79-aad. Klopp ayaa sheegay in uusan shaacin doonin waxa ay dooddu ku saabsaneyd, balse weeraryahankii hore ee Liverpool Peter Crouch ayaa TNT Sports ka sheegay in aysan u muuqan mid u wanaagsan kooxda. “Salah waa ciyaaryahan lagu bilaabo inta badan kulamada…
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa la wareegtay kiis musuqmaasuq ah, kaas oo ku saabsanaa leexsashada deeq raashin ah oo loogu talagalay ciidamada Danab oo ah ciidamo si gaar ah u tababaran, kuwaas oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka. Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Universal ayaa faah faahin ka bixiyay fadeexadan, isagoo iftiimiyay heerka uu gaarsiisan yahay musuq maasuqa ka dhex jira taliska ciidamada Danab. Wasiir Cabduqaadir ayaa xaqiijiyay in falkaan uu dhacay labo todobaad ka hor markii qeyb ka mid ah raashiinkii loogu tala galay ciidamada Danab si…
Dibadbaxayaasha u badan dadka ehelkooda ay haysato Xamaas tan iyo 7dii Oktoobar sanadkii hore 2023 ayaa kordhiyay dibadbaxyadooda ka dhanka ah Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu si ay ugu qasbaan in uu wadahadal galo. Dibadbaxyada ayaa kusii siqiya waddooyinka iyo goobaha muhiimka ah sida xafiisyada ay ku shaqeeyaan xubnaha sare ee Xukuumadda Netanyahu si ay u joojiyaan howlaha shaqo ay wadaan sida ay sheegeen qaar kamid ah dadka dibadbaxya. Waddooyinka waa wayn ee Magaalada Tel Aviv ayay jareen iyaga oo iska caabbin xooggan kala hortagay ciidamo booliis ah oo damacsanaa in ay kahor istaagaan saldhigashada marinnada muhiimka ah balse waa…
mahadceliyay garab istaagga ay u muujiyeen in aanay lagu xadgudbin madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in heshiiska baalmarsan madaxbannaanida dhuleed ee jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Itoobiya shaacisay 1dii Janaayo 2024 uu noqday mid dhaliyay falcelin dhinacyo badan. Waxa uu sheegay in aanay dunida aqbalayn tallaabooyin kahor imaanaya shuruucda caalamiga ah ee kala xadaynaya Dalalka isla markaana ku xusan axdiyada ay ku dhisan yihiin ururrada iyo Hay’adaha caalanka ah ee xubnaha laga wada yahay. “Waxaan uga mahadcelinayaa dowladda iyo shacabka Tanzania taageerada iyo garab istaagga ay u muujiyeen madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda…
Ururka Xamaas ayaa baahiyey muuqaal muujinaya caddayntii ugu horreysay ee nolosha labo ka mida maxaabiista ay gacanta ku hayaan ee lagu haysto Qasa. Muuqaallada waxaa ka soo muuqday labo ka mida la haystayaal lagu kala magaacabo Keith Siegel iyo Omri Miran. Labaduba waxay ka mid ahaayeen maxaabiistii Xamaas ay ku soo qafaalatay weerrarkii ay ku qaadday koonfurta Israa’iil 7-dii October. Labadan ninba waxay ka hadlayeen xaaladooda iyagoo dareenkooda ku muujiyey farriin ay u direen qoysaskooda, waxayna codsanayaan in ala sii daayo. Miran, ayaa laga qafaashay gurigiisa oo ku yaala xaafadda Nahal Oz isaga oo ay hor taagan yihiin xaaskiisa iyo…
Magaalada Beledweyne ayaa lagu Dilay Elmi Abdulle jimcaale Alla ha’unaxariisto lama ogo sababta Dilka keenay Hase ahaate waxoow Dilka ka dhacay mid ka mid ah isbaaroyinka magaalada Beledweyne yaal. Maalmihii lasoo dhaafay Magaalada Beledweyne waxa ku soo badanyay dilaalka dhac waxana Magaalada ka jiro maamulo badan oo isdiidan. Hase ahaate Magaalada Beledweyne oo ah alow Sahal Amuuraha. Waxii warar ah oo ku soo kordho kala soco marwalba Isha wararka Radiohalgan.com