Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Nin seef ku hubeysnaa ayaa maanta weerar khasaaro geestay ka fuliyay meel ku dhow saldhiga laga raaco tareenada dhulka hoostooda mara ee deegaanka Hainault ee kuyaalla waqooyi bari ee magaaladda London. War kasoo baxay booliiska magaalada London ayaa lagu sheegay in ninka seefta watay uu dhaawacyo kala duwan gaarsiiyay shan qof oo labo kamid ah ahaayeen askar, halka saddexda qof kalana ay shacab ahaayeen. Ciidamada booliiska ayaana ku guuleestay in ay si deg deg ah gacanta ugu dhigaan ninkii weerarka geestay oo 36-sanno jir ahaa, booliiska ayaana weerarkan ku tilmaamay in uusan aheyn mid argagaxiso. Duqa magaalada London Sadiq Khan…
Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Janeraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa shir ay qabatay Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya kaas oo Muqdisho ka socda saddex maalin ku tilmaamay in uu yahay mid burburinaya hawsha Qaranka. Shirkaan oo Muqdisho ka furmay todobaadkaan gudihiis gaar ahaan maalinta Axadda ayaa ciwaankiisa ahaa hannaanka Federaaleynta Asluubta Soomaaliyeed, iyada oo u jeedka shirka Wasaaradda ku sheegtay faham qaadashada Farsamada qaab dhismeedka nidaamka hannaanka federaleynta Asluubta Soomaaliyeed iyo sidii loo heli lahaa heshiis ku saabsan hagaajinta iyo hirgalinta lagama maarmaanka u ah hannaanka federaaleynta Soomaaliyeed. Qabashada shirkaan ayaa waxaa qaadacay Taliyaha Ciidanka…
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa maanta kulan gaar ah oo looga hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab la qaatay Taliyaha ciidamada gaarka ah ee Mareykanka Kornel David Haskell. Taliye Ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa Saraakiisha Mareykanka ee qaabilsan Howlgallada gaarka ah wuxuu Kala hadlay inay ka qeyb qaataan dagaalka ,isagoo xusay inuu dhawaan bilaaban doono howlgalka. Wafdigaan uu hoggaaminaya Taliyaha ciidamada gaarka ah ee Mareykanka Kornel David Haskell ayaa ku soo aadaya xilli fadeexad ka dhalatay ciidanka sida gaarka ah u tababara ee Danab kuwaas uu tababaro Mareykanka ka dib markii la leexsaday Saadkooda. Wasaaradda Gaashaandhigga…
Agaasimaha Nabadsugida dalka Turkiga ee (MIT) Ibrahim Kalin ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, iyada oo si weyn loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde. Wafdiga Agaasimaha ayaa garoonka waxaa ku soo dhaweeyey saraakiil sarsare oo ka tirsan dowladda, iyada oo markii dambe laga soo galbiyey garoonka Aada Cadde. Socdaalka Agaasimaha ayaa daaran yahay iskaashiga iyo xoojinta xiriirka labada Sirdoon ee Soomaaliya iyo Turkiga, iyadoo ay qeyb ka tahay la dagaalanka Al-Shabaa, oo uu Turkiga si weyn ugu taageerayo dowladda Soomaaliya. Agaasime Ibrahim Kalin oo markii ugu horreysay yimid magaalada Muqdisho ayaa la filayaa in uu kulamo…
Magaalada Detroit, Dearborn, waa magaalo ay si weyn ugu badan yihiin dadka ajaanibta ee carabta ah kuwaas oo si weyna ugu faafiyey magaaladan dhaqanka iyo cunooyinka laga isticmaalo Bariga Dhexe. Dhaqanka magaaladan ayaan ka jiran meelo badan oo Maraykanka ah, waxaa fursad gaar ah la siiyaa dadka socotada ama safarka ah si ay wax u cunaan iyagoo helaya cunooyinka carbeed. Goob lagu gado macmacaanka Shatila, ee Dearborn, Michigan, waxaa galab Axad dad si saf ah u taagan ayaa isugu soo baxay hareeraha dukaamada oo danaynaya macmanaanaka Baklava, nooc macmacaanka reer Masar caanka ku yihiin ka mid ah iyo nooc kale…
Xildhibaan Tim Loughton oo ka tirsan xisbiga Conservative-ka ee Ingiriiska ayaa sheegay in laga musaafuriyay dalka Jabuuti sababo la xiriira xiriirka dhow ee dalka ku yaalla bariga Afrika uu la leeyahay Shiinaha. Ka dib musaafurintiisa ayaa waxa uu xildhibaanka yiri: “Jabuuti si wax ku ool ah ayey u tahay waddan Shiinaha ka tirsan – waxa Shiinuhu rabo, sababtoo ah Jabuuti in xildhibaan dhib badan oo Shiinuhu cunaqabatayn ku soo rogay uu albaabkooda yimaado waxay ahayd wax aanay doonayn inay ka kaftamaan.” “Tani waxay ahayd tusaale kale oo ku saabsan sida teendhooyinka Dawladda Shuuciga ah ee Shiinaha ay ugu fidayaan meelaha…
Waxay lahayd hammi iyo hiigsi nololeed, Najma Rashiid Cabdiqaadir, waxay ahayd gabar muddo kooban ka hor Gaarisa ka dhamaysay dugsiga sare, mustaqbalkeeduna u ahaa mid riyooyin badan leh. Najmo, waxay timi Nairobi bilo uun ka hor si ay u raadsato fursad shaqo iyadoo ku noolayd guri ay habaryarteed leedahay. Qoyskeeda ayay najmo uga tmid si ay u hesho fursad shaqo si ay u garab istaagto. Ruqiyo Kedsane Caraale, oo ah hooyada Najmo Rashiid, allaha u raxmadee oo BBC-du la hadashay ma awoodin inay nala hadasho, waxayna si dareen leh u sheegtay inay ku qanacday waxaa Alle qadaray. Waxay ku jirtay…
Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo ka mid ah kuwa ugu waaweyn ee ka jira Soomaaliya ayaa sanadihii ugu dambeeyay la kulmaysay weerarro qaraxyo ah iyo dilal toos ah oo lala beegsaday xarumaha iyo shaqaalaheeda. Dhacdadii ugu dambeysay ayay shirkaddu ku wayday lix ka mid ah shaqaalaheeda oo ku geeriyooday qarax lala eegtay gaari ay saarnaayeen oo marayey deegaanka Garasbaaley oo ka tirsan Muqdisho. War kooban oo ay shirkaddu soo saartay waxay sheegtay in qaraxan uu ka mid yahay qarayxo ka horreeyay oo lagu weeraray shaqaalaheeda iyo xarumaheeda oo 19-kii bishii Maarso oo la weeraray xaruntooda Daallo oo ku taalla degmada Howlwadaag…
Waxaa socda baadi-goobka Dad la sheegay in ay la rogmatay doon ay saarnaayeen oo marayay inta u dhaxaya Madoga & Gaarisa waxaana lagu qiyaasay in ay kor u dhaafayaan 30 ruux sida ay muujinayso xog laga soo xigtay saraakiil katirsan xubnaha ku howlan howlgalkaan. Doomo nooca yar yar ee dheeraaya ayaa lagu baadi-goobayaa si loo helo rag ama ruux Dadkaas la raadinayo iyada oo xubno badan oo ehelkooda ah ay sidoo kale qayb ka yihiin gurmadkaas socda sidaasi waxaa laga soo xigtay ilo kala duwan. Biyaha oo aad u badan ayaa la sheegay in aanay suuragal noqon Karin in dabaal…
Om Fahad oo saameyn ku lahayd baraha bulshada ee Ciraaq ayaa lagu toogtay bannaanka gurigeeda oo ku yaalla magaalada Baqdaad, sida ay sheegtay warbaahintu. Weerarka ayaa ka dhacay xaafada Zayne ee bariga magaalada caasimadda ah Jimcihii. Wasaaradda arrimaha gudaha ee Ciraaq ayaa bayaan ay soo saartay ku xaqiijisay in “Haweeney caan ka ahayd baraha bulshada” ay dileen kooxo aan la garanayn. Waxa ay intaa ku dartay in la sameeyay “koox gaar ah” si ay u baaraan xaaladaha ku xeeran dhimashadeeda. Om Fahad oo magaceeda saxda ah lagu sheegay Ghufran Sawadi, ayaa waxaa la sheegay in uu rasaas ku furay gaari…