Author: radiohalgan.com

Golaha wasiirada Soomaaliya oo maanta shirkoodii todobaadlaha ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa waxaa la horgeeyay warbixin xasaasi ah oo ku saabsan wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab iyo heshiis difaac oo dhawaan ay Soomaaliya lasoo gashay dowladda Kenya. Shirka Golaha Wasiirrada oo uu shir-guddoomiyay ku-simaha ra’iisul wasaaraha ahna ra’iisul wasaare ku-xigeenka XFS Salah Jama ayaa ugu horrayn warbixinta amniga looga dhagaystay wasiirrada amniga iyo gaashaandhigga. Wasiirada labada wasaaradood ayaa waxay golaha la wadaageen abaabulka iyo diyaar-garowga wejiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, xilli bilihii dambe uu ku yimid gaabis, kaasi oo maalmahan dhiig cusub lagu shubayo Sidoo…

Read More

Waxaa magaalada Muqdisho ka socda shirka Goalaha Wadatashiga Qaran, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa guddoominaya shirka. Kulankaan ayaa baaqday bishii hore kadib markii ay cudur daarteen Lafta-gareen iyo Axmed Madoobe. Sida aan horey u baahinay kulankaan waxaa diirada lagu saaraya doorashooyinka maamul goboleedyada, dastuurkii talo la’aanta uu madaxweynaha beddelay iyo dhismaha guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka qaranka. Laakiin Villa Somalia waxay ku darsatay la-dagaalanka argagixisada, xilli siddeedii bilood ee lasoo dhaafay aan la qaadin wax dagaal ah, tii oo madaxweynaha ku mashquulsanaa arrimaha dastuurka iyo colaadinta mucaaradkiisa Madaxda afarta maamul goboleed ee Galmudug, HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa la sheegayaa in…

Read More

Israel ayaa maanta sheegtay in shan kamid ah askarteeda ay ku dhinteen rasaas ay fureen taankiyada ciidanka ka dagaalamaya Gaza. Militariga Israel ayaa sheegay in shanta askari ay dhinteen Arbacadii kadib markii laba taanki ay si khalad ah u duqeeyeen dhisme ay askarta ku sugnaayeen, intii lagu guda jiray isku dhac ka socday xerada qaxootiga Jabaliya ee waqooyi. “Shan askari oo ka tirsan guutada 202-aad ayaa xalay lagu dilay dhacdo khasaare xoogan gaystay oo ka dhalatay rasaas ay fureen ciidamadeenna,” ayuu yiri milateriga oo intaas ku daray inay kaga dhaawacmeen toddoba askari oo kale. Dagaal culus ayaa mar kale dib…

Read More

Magaalada Manama ee dalka Bahrain waxaa maanta lagu wadaa in uu ka furmo meertada 33-aad ee Shirka Jaamacadda Carabta kaas oo ay isugu imaanayaa dhammaan hoggaamiyayaasha dalalka xubnaha ka ah ururkaan kuwaas oo wada gaaray halkaas. Soomaaliya shirkaan waxaa ku matali doona Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo gaaray xalay dalka Bahrain, iyada oo halkaas ay ku soo dhaweeyeen Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya iyo madax loogu talagay in ay soo dhaweyso wufuuda. Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Axmed Macallin Fiqi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in shirkaan ay Soomaaliya ku soo bandhigi doonanta guulaha…

Read More

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa gaaray magaalada Manama ee Dalka Bahrain. Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa dalka Baxreyn uga qeyb galaya meertada 33-aad ee Shir Madaxeedka Jaamacadda Carabta. Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa shirka ka jeedin doona khudbad dhinacyo badan taabanaysa, oo la xariirta qadiyadaha looga hadlayo shirka berri ka furmaya Magaalada Manama. Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka warbixiyay ahmiyadda ay Soomaaliya u leedahay meertada 33-aad ee Shirka Jaamacadda Carabta, oo uu Ra’iisul Wasaare Xamsa kaga qayb galayo Magaalada Manama ee dalka Bahrain. Fiqi ayaa sheegay in…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa fariin hambalyo iyo dhiirogelin ah u diray dhallinyarada Soomaaliyeed gaar ahaan dhallinyarada Hirshabeelle iyadoo 15-May ay ku asteysan tahay maalin u gaar ah dhallinyaradeenna. Sannadihii u dambeeyay dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa door weyn ku lahaa kobaca dhaqaallaha, Waxbarrashada iyo Siyaasadda waxana ay aad ula jaanqaadeyn nidaamka dunida ay u guurtay ee Tiknoolajiyadda. “Kaalin firfircoon oo muuqato ayay dhallinyarada ku leeyihiin horumar kasta oo dalkooda ah. Maalintan waxa ay kusoo aaday iyadoo loo diyaar-garoobayo wejiga 2-aad ee dagaalka Khawaarijta markale waxaa nala gudboon heeryada inaan iska tuurno.” Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle…

Read More