What's Hot
Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Maamulka Puntland ayaa si wayn uga soo horjeestay go’aanadii xalay ka soo baxay shirkii wadatashiga qaran ee Muqdisho lagu soo gabagabeeyay. Madaxwaynaha maamul goboleedka Puntland Saciid Cabdulahi Deni oo maanta khudbad jeedinayay ayaa sheegay in Puntland aysan qeyb ka ahayn go’aanadaasi. Mr Deni ayaa carrabka ku adkeeyay in go’aanadii ka soo baxay shirkii wadatashiga qaran uusan Puntland quseyn. “Waxaa aad ii dhibeysa marin habaabinta hoggaanka dalka ka socota, waxaan rabaa halkan inaan ka caddeeyo waxyaabaha golaha wadatashiga qaranka ka socda wax Puntland ay qeyb ama raalli ka tahay ma aha ” ayuu yir Deni. Go’aanadii shirka ka soo baxay ayuu…
Labo wiil oo walaalo ah oo wax ka baranayay mid ka mid ah jaamacadaha ugu caansan Mareykanka ayaa lagu eedeeyay inay 12 ilbiriqsi gudahood ku xadeen lacag dhan 25 milyan oo dollar. Anton Pirari Bueno oo 24 jir ah iyo James Pirari Bueno oo 28 jir ah ayaa lagu soo oogay dacwado la xiriira lacag dhaqis iyo wax isdaba marin, waxaana lagu eedeeyay in xatooyada ay tahay tii ugu horeysay ee nooceeda ah, sida ay sheegtay waaxda cadaaladda ee Mareykanka. Dacwad oogayaasha ayaa maxkamada ka hor sheegay in labada wiil ee walaalaha ah, oo wax ku bartay Machadka Teknolojiyada Massachusetts…
Iyadoo ay cirka isku sii shareereyso xiisadda u dhaxeysa Xisbullah iyo Israa’iil ee ka taagan xuduudka koonfureed ee dalka Lubnaan, ayaa dadka u kuur gala waxa ay rumeysan yihiin in labada dhinac ee iska soo horjeeda ay qarinayaan nooca hubka ay adeegsanayaan, gaar ahaan ururka Xisbullah oo xilliyada qaar soo bandhiga hub cusub oo ay ku bartilmaameedsadaan gudaha Israel. Maalmihii la soo dhaafay, Xisbullah ayaa ku dhawaaqday hubka ay isticmaalayso markii ugu horreysay tan iyo markii ay billaabatay xiisadda xudduudda ee u dhexeysa Lubnaan iyo Israa’iil, waxaana ugu dambeysay Khamiistii, markii xisbigu bayaan uu soo saaray ku shaaciyay adeegsiga gantaallada…
Muqdisho(Radiohalgan.com)- Xildhibaanada Wasiirka Beelaha Xawaadle ee Ku matalo Dowladda Federaalka Soomaaliya oo la rabay in u doodan Xaquuqta Beeshu ayaa kaalintii ku lahyeen ayaa ka soo bixi waayay? Haste Hase ahaate Xogta Radio halgan heshay ayaa ah qoysaska beesha xawaadle ee dagan dhulka dabdamiska oo Maalmo ka-hor dowlada Federaalka Amar ku bixisay dhamaan bulshda dagan iney ka guuuran Dhulka dabdamiska,arintan oo xasarad iyo iska hor-imaad sababay dhimisho iyo dhaawac. Beesha xawaadle oo degaanka 56 qoys ay kadagan tahay xafada dabdamiska ayaa waxay Cabasho ka muujiyeenin la dafiray xuquuqdii ay ku lahayen Dhulka dabdamiska,ayadoo , Beesha sacad habrgidir kali ah Loo…
Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee maalmihii dambe ka socday magaalada Muqdisho, gaar ahaan Madaxtooyada Qaranka ee Villa Somalia ayaa laga soo saaray war-murtiyeed. War-murtiyeedkan oo ka kooban Afar qodob ayaa waxaa lagu sheegay in dhinacyada ay ku heshiiyeen qodobo ay kamid yihiin; 1- Sugidda amniga iyo la-dagaalanka argagixisada, 2- Dhameynstirka dib-u-eegista dastuurka iyo xoojinta dimuqraadiyeynta iyo 3- Arrimaha bani’aadamnimada. https://youtu.be/cyzmVRWFhrY?si=2RX8cHXsOgQ-KQ6h Golaha ayaa wuxuu isku raacay in la dardar-geliyo dhaqan-gelinta heshiisyadii horay loo galay, ayada oo goluhu uu ku dhiiri-galiyay baarlamaanka inay dardar-geliyaan ansixinta cutubyada harsan ee dastuurka iyadoo la tix-gelinayo heshiisyadii golaha wadatashiga qaran ee kaabayay dhameystirka dastuurka. Hoos ka…
Mudane Cosoble Celadhaan Waxaa ii muuqata siyaasadda Madaxweyne Xasan Shekh Maxamud ee ku wajahan Gobolka Hiiraan iney fashil tahay, waxaana caddeyn u ah dadka uu soo dirsaday ee uu rabo iney ka fuliyaan Gobolka Hiiraan siyaasadda dowladdiisa. Mudane Madaxweyne uma heysan in sidaa sahalka ah laguu indha sarcaadin karo oo aad aamineyso qorshaha iyo talada dad aad si fiican u taqaan oo iney wax ku cayaaraan mooyee aan weligood waxba hagaajin. Mudane Madaxweyne waxaan kugula talinayaa inaad u soo dirsato Gobolka Hiiraan dad isku wadi kara iskuna xiri kara Xawaadle iyo dowladda dhexe, inta eysan xeero iyo fandhaal kala dhicin…
Xuseen Macalin Lataliyaha Amniga Qaranka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in Dowladda oo kaashanaysa Dowlad-Goboleedyada Xubnaha ka ah iyo Shacabka ay sii kordhinayaan dagaalka ka dhanka ah ‘AS’. Xuseen ayaa sheegay in kacdoonka ka dhanka ah ‘AS’ uu kasoo dhex billowday Dadka rayidka ah oo uu ku sifeeyay in ay fahmeen dhibaatooyinka ay u gaysanayaan sida xoolahooda, nasabnimadooda & naftooda beegsanayaan waa sida uu hadalka u dhigay. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu sheegay in ay ka faaiidaysatay kacdoonka Shacabka iyada oo u gurmatay isla markaana xoojisay sidaasina uu ku billowday kacdoonka haatan ka socda deegaanno kala duwan oo…
Waddamada Carabta ee ka qaybgalay shirkii ka dhacay Dalka Baxrayn waxa uu soo jeediyeen in la helo ciidamo nabad ilaalin ah oo la kala dhex dhigo Falastiin iyo Israaiil si loosoo afjaro dagaalka daba-dheeraaday. Siyaasiyiin badan ayaa ka falcelisay arrintaan waxaana ay ku sifeeyeen in howshaan uu Maraykanka ka muumayo Daaha gadaashiis isla markaana horay ay u diiday ciidamadaan dhaqdhaqaaqa Xamaas. Carabtii shirtay ayaa qodobkaan diiradda saartay waxaana ay doonayaan in ciidamo kala dhalasho duwan oo safka hore ka noqon karaan kuwa intooda badan la safan Maraykanka kuna qanacsan tahay Israaiil halkaas la geeyo. Dowladaha xoogga saaraya ololahaan waa kuwa…
Dawladda Maraykanka ayaa hirgelinaysa nidaam cusub oo ay doonayso in si degdeg ah go’aan looga gaadho, kiisaska magangelyo doonka ah ee horyaalla maxkamadaha kala duwan ee Maraykanka, kuwaas oo haatan qaata muddo sannado ah, hase ahaatee waxaa hindisahan cusubi dhigayaa, in kiisaska magangelyo doonka ah lagaga go’aan gaadho qiyaastii muddo lix bilood ah. Tallaabadan ayaa maamulka Biden wuxuu doonayaa inuu wax kaga qabto, walaaca kala duwan ee ay qabaan, codbixiyayaasha Maraykanku. Hindisahan cusub oo lagu dhawaaqay Khamiistii shalay, ayaa sheegaya in qofka muhaajirka ah ee qaangaadhka ah ee soo galay dalka Maraykanka isla markaana u socda shan magaalo oo gaar…
Madaxweynahii Koowaad Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa Barta Facebook iyo Twitter ku leeyahay ayoow ku qoray qoraal hoos ka Muuqdo. Mudane Cosoble ayaa yiri Shirka looga soo horjeedo Ugaska Xawaadle ee hadda la caleemo saaray ee la rabo in lagu qabto degmada Maxaas waxaa wada koox danley ah oo rabta iney kala qeybiyaan beesha Xawaadle, ujeedkoodana waa iney masabidaan Cali Madaxweyne kuna sheegaan inuu ka baxay Xawaadle. Waa shir xaaraan ah. Waxgaradka aqoonyahannada iyo dhaqanka beesha Cali Madaxweyne raali kama aha, weligoodna raali kama noqon doonaan, shir Cali Madaxweyne looga saarayo beesha Xawaadle. Cid walba ee u dhalatay beesha…