Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Turkiga iyo Israa’iil oo qarka u saaran Dagaal dhex maro. Taageerada Erdogan ee aan qarsoonayn ee Xamaas ayaa muujisay fahamka falcelinnada kasoo baxay ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu dowladdiisa taasi oo dhalisay isweydaarsiga eedeymaha dhaleecaynta iyo xoojinta xiriirka Israa’iil ee Kurdida Suuriya, taasi oo Ankara ay muddo dheer u aragtay halis, sida ay qoraagu sheegtay. “Gobol aan horayba u sii degenayn, colaad u dhaxeysa, labo kamid ah kuwa ugu awoodda badan ee milatariga- oo labaduna saaxiib la ah Maraykanka- ayaa laga yaabaa inay dhaliso jabinta isu dheelitirnaanta awoodda, ” ayay qortay. Qoraaga ayaa eegaysa colaadda u dhaxeysa…
Wararka laga helayo degmada moqokori ee gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamo katirsan Alshabaab ay gudaha u galeen magaalada halkaas oo tan iyo saaka ay kasocdeen dagaallo xoogan iyo qaraxyo ismiidaamin ah. Dawladda Soomaaliya ayaan ilaa hada war rasmi ah kasoo saarin xaalada moqokori xilli dowladda ay waddo qorshe ay ciidanka haramcad ugu daad guureyneyso deegaanada puntland oo arimo siyaasadeed kataaganyihiin.
Dagaal xoogan ayaa ka socda Deegaanka Gumare ee Degmada Moqokori. Dagaalkaan ayaa yimid kadib Markii Kooxda AS ay Weerar qaraxyo ku Bilowday kusoo Qaadeen Ciidamada Deegaanka iyo Kuwa Xooga dalka oo isku Diyaarinaayay ineey Weeraraan Kooxdaan Diidan Nabada. Dagaalka wuu socdaa Waana Guulaysanaynaa Hadii Alle idmo.
Wararka naga soo gaaraya degmada Moqokori ee gobalka Hiiraan ayaa waxey sheegayaan in qarax ismiidaaminn ah uu kadhacay qeybo kamid ah degmada Moqokori. Qaraxan oo la sheegay inuu ahaa mid ismiidaamin ah ayaa waxaa loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa iyadoo gaarigaas lagu weeraray goob ay ku sugnaayeen ciidamo deegaan ah iyo shacab. Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa kadhashay qaraxan walow aan faahfaahin rasmi ah laga heynin tirada dadka kudhintay qaraxaas. Faahfaahinta halkan kala soco.
Warqad Furan oo Talo Bixin ah: Ku: Hoggaanka Sare ee Dagaalka Khawaarijta Og: Saraakiisha Ciidamada, Qeybaha Amniga iyo Ciidanka dib u xureeynta degaanka (Macawisley) Ujeedo: Talo ku saabsan Hagaajinta Istaraatiijiyadda Dagaalka Khawaarijta Asalaamu Caleykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuhu, Anigoo ka damqanaya dhibaatada Khawaarijtu ku hayaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan gobolka Hiiraan iyo nawaaxigeeda, waxaan jeclahay inaan si daacad ah oo wadaniyad ku dheehan tahay u soo jeediyo talooyin dhaxal gal ah, si kor loogu qaado guulaha laga gaarayo dagaalka lagula jiro cadowga nabadda iyo horumarka. Talooyinka Aan Soo Jeedinayo Waa: 1. In Howlgallada Loo Yeesho Afhayeen Rasm ah: Si loo helo hal…
Markabkii Oruc Reis ee dhawaan Sahminta Shidaalka ka sameeyay gudaha Soomaaliya ayaa gaarey dalka Turkiga, halkaasi oo uu ku soo bandhigi doono xogaha uu aruuriyay. Markabka iyo shaqaalaha saarna ayaa nabad tagey dalkooda, markii ay dhammeeyeen howlihii ay ka hayeen gudaha dalkeena Soomaaliya, sida ay qorayaan Warbaahinta Caalamiga. 15 ka bishii ina dhaaftay ee june ayaa masuuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya markabka ka sagootiyeen xeebaha magaalada Moqdisho. Markabkan ayaa sahamin ka sameeyay saddex goobood oo ku yaalla xeebaha Soomaaliya, iyadoo masaafo ahaan lagu qiyaasay 4 kun oo kiiloomitir oo laba jibbaaran. Natiijoyinka hordhaca ah ayaa sheegaya in goobaha uu sahmintan…
Waxaa soo baxay khilaaf cusub oo u dhexeeya Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo ganacsadaha caanka ah Elon Musk. Donald Trump ayaa ku eedeeyay Elon Musk in uu ka faa’iidaystay deeqaha dowladda ee lagu taageero shirkadaha korontada ku shaqeeya. Wuxuu sheegay in Musk helay kaalmada ugu badan taariikhda, haddii laga jari lahaana uu shirkadihiisa xiri lahaa. Trump wuxuu xusay in dalku lacag badan badbaadin lahaa haddii la joojiyo deeqahaas, isagoo ku taliyay in guddiga DOGE ay arrintaas baaritaan ku sameeyaan. Elon Musk oo ka jawaabay hadalka Trump wuxuu si cad u sheegay: “Ha la joojiyo dhammaan. Hadda.” Tani waxay muujisay in…
Ra’iisul-wasaaraha JFS, Xamse Cabdi ayaa dhagax-dhigay xarunta dhexe ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo
Ra’iisul-wasaaraha JFS, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa dhagax-dhigay xarunta dhexe ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah. Wasiirka Wasaaradda, Mudane Axmed Xasan Aadan, oo Ra’iisul Wasaaraha ku soo dhoweeyay munaasabadda dhagax-dhigga, ayaa ka warbixiyay shaqadii laga soo maray ee lagu dhisayo xarunta cusub ee wasaaradda, taasoo ay ku howlgali doonto. Wasiirka ayaa sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha u bandhigay qalabyo muhiim ah oo wasaaradda keentay, kuwaas oo isugu jira gawaari, mootooyin qaboojiyaal ah, iyo agab kale oo lagu hormarinayo kalluumeysatada dalka. Ra’iisul Wasaaraha Xamse Cabdi Barre ayaa tilmaamay in mustaqbalka Soomaaliya horumarsan uu ka iman doono dhanka badda, isla markaana Wasaaradda…
Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa hambalyo u diray guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed munaasabadda 1-da Luulyo oo ku asteysan maalinta xornimada Gobollada Koonfureed iyo midowgii Waqooyi iyo Koonfur ee Soomaaliya. Madaxweynuhu wuxuu sheegay in maalintani tahay xusuus qaran oo mudan in la xuso, isagoo yiri: “Waxaan guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyaynayaa munaasabadda 1-da Luulyo, oo ku asteysan 65 sano guuradii kasoo wareegtay xornimada Gobollada Koonfureed ee dalkeenna, markii ay ka xoroobeen gumeystihii Talyaaniga. Munaasabaddan qiimaha leh, waxay astaan u tahay halgankii naf-hurnimada lahaa ee ay sameeyeen halyeeyadii Soomaaliyeed ee dhiiggooda iyo maskaxdooda u huray xoriyadda…
DEG DEG: Dagaal Culus oo Ka Socda Deegaanka Miir-Khaliifa ee Hoostaga Magaalada Wardheer, Gobolka Doollo Wararka naga soo gaaraya deegaanka Miir-Khaliifa, oo hoostaga magaalada Wardheer ee gobolka Doollo, ayaa sheegaya in uu ka socdo dagaal culus oo u dhaxeeya beelaha Reer Bicidyahan iyo Reer Dalal. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaya in ugu yaraan 4 qofood ay ku dhinteen iska horimaadka, halka tiro kale ay ku dhaawacmeen. Dagaalka ayaa la sheegay in uu ka dhashay muran la xiriira dhul daaqsimeed, iyadoo labada dhinac ay adeegsanayaan hub culus. Xaaladda ayaa ah mid aad u kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in khasaaruhu…
		