What's Hot
Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Qarax ismiidaamin ah ayaa ka dhacay caawa wax yar ka hor salaadii maqribka magaalada Muqdisho kaasoo geystay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac. Sida wararku nagu soo gaarayaan qaraxa ayaa ka dhacay halka loo yaqaan Al-Naciim oo ku taalla degmada Dharkenley ee magaalada Muqdisho. Goob joogayaal ayaa sheegaya in goob ay ku qayilayeen askar ka tirsan ciidamada dowlada iyo dad shacab ah uu isku qarxiyey qof watay mooto qaraxyo lagu soo xiray oo xawaare sare ku socotay. Ugu yaraan lix qof oo ka tirsanaa dadkii halkaas fadhiyey oo u badan askar ayaa la soo sheegayaa iney ku dhinteen weerarkaas, halka…
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmed Firin ayaa maanta tababar u soo xiray ciidan cusub oo ka kooban 70 askari. Askartan ayaa kamid noqonaysa qeybta hab-maamuuska gaar ahaan ee Baanda Musikada Booliska Soomaaliyeed, sida uu shaaciyay taliska booliska. Munaasabadda tababarka loogu soo xiray ciidankaas ayaa waxaa goobjoog ahaa taliye ku-xigeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed S/Guuto Cusmaan C/llaahi Maxamed (Kaniif) iyo saraakiil kale. Ciidankan cusub ayaa muddo ku qaadanayay tababarka dugsiga Tababarka ciidanka booliska ee S/Guuto Kaahiye oo ku yaalla magaalada Muqdisho, kaasi oo ay maanta ka qabsoomtay munaasabadda loogu soo xirayay tababarka. Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sanadihii dambe si…
Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan oo So Jeediyay Hal Arin oo Muhiim ugu Ah Beelaha Xawaadle Hoos ka daawo Muqaal Ugaaska Beelaha Xawaadle https://youtu.be/gdhieYLDpR8?si=mFiMje-bK4PMxiRs
Odayaashii Ku so dhaweeyay Deegaanka Gasle ee Gobalka Hiiraan Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan. HOOSE KA Daawo https://youtu.be/iBwWV3QQL3Y?si=KWoV22hdm75CHMNh
Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed, haatanna ah xildhibaan katirsan baarlamaanka aqalka hoose, Dr Cali Saciid Faqi ayaa sheegay inay jiraan, warar sheegaya in dowladda Soomaaliya ay ka dalbaneyso Fawzia H. Adam in ay ka tanaasusho musharaxnimadeeda gudoomiyaha Guddiga Midowga Afrika. Dr Cali Saciid Faqi ayaa sheegay, haddii uu warkaasi uu dhab noqdo uu ahaan doono mid aad looga xumaado maaddaama ay Soomaaliya ku noqon doonto khasaare weyn sida uu sheegay. “Doorka guddoomiyaha AUC wuxuu xambaarsan yahay saameyn aad u weyn, mana aha oo kaliya mid waxtar u leh dalka laakiin sidoo kale wuxuu kor u qaadayaa maqaamkeenna qaran,”…
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo Xalay ka dhacay meel u dhaw deegaanka Ceel baraf ee gobolka Shabeellaha dhexe. Weerarka oo ahaa mid dhaba gal ah ayaa maleeshiyo beeleed hubeysan ay ku qaadeen ciidamo ka tirsan Danab oo sida la sheegay ka ambabaxay magaalada Jowhar, islamarkaana kusii jeeday gobolka Hiiraan. Ciidamada Danab iyo maleeshiyaadka weerarka dhabagalka ah ku qaaday ayaa waxaa dhexmaray dagaal mudo kooban socday oo sida lasoo warinayo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo kala gaaray labada dhinac, walow si rasmi ah aanan loo ogeyn inta uu dhan…
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa mar kale cunaqabateyn ku soo rogay hoggaamiyeyaal ka tirsan Al-Shabaab. Cabdiqaadir Maxamed Cabdiqaadir, Maxamed Cumar Maxamed iyo Maxamed Maxamuud Mire ayaa lagu eedeeyay inay ka qayb qaateen maalgelinta, qorsheynta, fududaynta, iyo diyaarinta dhaqdhaqaaqyada Al-Shabaab War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in saddexda hoggaamiye lagu daray liiska cunaqabateynta ee hoos yimaada Qaraarka Golaha Ammaanka ee tirsigiisu yahay 2713. Waxaa lagu soo rogay cunaqabayn ka dhan ah lacagaha ugu kaydsan bangiyadooda iyo xayiraad dhanka socdaalka ah. “Al-Shabaab waa Argagixiso rabshado badan, oo mas’uul ka ah dhimashada rayidka, hawl-wadeennada, shaqaalaha gargaarka iyo suxufiyiinta, waa in lala xisaabtamo,” ayaa…
Daawo waa sideed Qowsaskii ka Barakacay Beledweyne https://youtu.be/11A_3rGm70M?si=_9w72NixMPcd7BG0
Madaxweyne Guudlaawe Madaxweynaha Hirshabelle Ali Gudlawe Hussein ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Jowhar waxana garoonka diyaaraddaha Maxamed Dheere kusoo dhaweeyay Duqa magaalada, xubno ka kala tirsan labada Gole ee Wasiirrada iyo Baarlamaanka, Saraakiisha Ciidamada iyo qeybaha bulshada. Madaxweynaha ayaa maalmihii lasoo dhaafay arrimo shaqo u joogay magaalada Muqdisho waxana uu ka qeyb galay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran iyo kulamo gaar gaar ah oo uu la qaatay qaar ka mid ah Danjirayaasha dalalka Caalamka u joogo Soomaaliya.
Magacaabis : Gudoomiyaha iyo Ku-xigeenada Degmada Ceelbaraf Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose Hirshabelle ayaa maamul cusub u magacaabay Degmada Ceelbaraf ee Gobolka Shabeelada Dhexe waxuuna u kala magacaabay : 1. Yusuf Xasan Xuurshoow Guddoomiyaha Degmada Ceel-baraf 2. Maxamed Ciidoole Hiraabe Guddomiye ku-xigenka Amniga & Siyasadda 3. Yaxye Maxamud Maxamed Guddomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda 4. Saalax Muxumad Abukar Guddomiye ku-xigenka Arrimaha Bulshada 5. C/raxiin Xasan Maxamed Xoghayaha Deg Ceel-baraf DHAMAAD . XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA IYO DOWLADAHA HOOSE HIRSHABELLE