What's Hot
Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Sida lagu baahiyay bogga Waaxda Arimaha Dibadda Maraykanka, xoghaye Antony Blinken ayaa khadka taleefanka kula hadlay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibadda Maraykanka Matthew Miller ayaa sheegay in Antony Blinken iyo madaxweyne Xasan Sheekh ay ka wadahadleen arrimo ay kamid yihiin ammaanka Geeska Afrika, oo ay ku jirto sida loogu baahan yahay in hoos loo dhigo xiisadda ka jirta gobolka, iyadoo diiradda la saarayo ahdaafta ka hortagga argagixisada iyo gabagabeynta qorshaha kala guurka ee hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika (ATMIS). Matthew Miller waxa kale oo uu sheegay in Blinken iyo Xasan Sheekh ay ka wada hadleen kaalinta…
Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee maraykanka ayaa u sheegay Madaxweynaha Soomaaliya in uu hoos u dhigo kicinta “xiisadda gobolka”. Wada xidhiidh dhanka taleefanka ah oo dhex maray Antony J. Blinken iyo Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa dhinacyadu kaga wada hadaleen hawlaha gobolka. “Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Antony J. Blinken ayaa la hadlay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana ay ka wada hadleen danaha amni ee Geeska Afrika, oo ay ka mid tahay in la yareeyo xiisadaha gobolka.” ayaa lagu yidhi war ka soo baxay afhayeenka Aqalka Cad, Mathew Miller. Maraykanka ayaana Madaxweyne Xasan ugu baaqay in uu awoodda saaro “la dagaallanka…
MAGACAABIS : Duqa Magaalada Baladweyne Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Hirshabelle: Kadib markuu arkay baahida loo qabo dardar gelinta howlaha shago ee Magaalada Beledweyne, markuu arkay muhiimada ay leedahay xoojinta iyo Horumarinta adeegyada bulshada Dowladda hoose ee Magaalada Beledweyne markuu latashaday madaxda sare ee Dowladda Hirshabelle waxa uu xilkii ka qaaday: Cabdullaahi Salaad kugee Duqii Magaalada Beledweyne. Isla markaana waxa uu u magacaabay: Nadar Tabaax Maalin Duga Magaalada Beledweyne.. DHAMAAD XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA IYO DOWLADAHA HOOSE HIRSHABELLE
Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ka hor yimid hadal uu dhawaan warbaahinta siiyay Lataliyaha Amniga Qaranka ee Soomaaliya Xuseen Macalin, kaas oo ahaa in ciidamada itoobiya ay guud ahaan Soomaaliya ka bixi doonaan dhamaadka sanadkan. Warsaxaafadeed kooban oo ka soo baxay Wasaaradda Amniga Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed kaas oo lagu baahiyey barta Twitter ee hadda loo yaqaan X ayaa lagu sheegay in ciidamada Itoobiya ee ATMIS ay howl adag ka hayaan deegaannada maamulkaas. Warka ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu yiri, “Ciidamadda Itoobiya ee ATMIS waxay hayaan howl adag, waxa aanan uga mahadcelineynaa ka qeeyb qaadashadooda howlgalka nabad ilaalinta, waxayna sii wadi…
In ciyaartoygu dhaliyo Hal gool Final champions League waa mid xiddig kasta ku riyoodo ka Hor Final-ka. Laakiin in uu xiddiga dhaliyo 2 gool Final champions league ah waa mid cajiib ah Oo ay saameeyeen xiddigo tiro yar. Waxa jira xiddigo dhawr ah Oo Final champions league dhaliyay 2 gool. Maadama maanta la Ciyaari Doonto Final tartanka waxa aan Halkan ku Soo bandhigi Doonaa xiddigo dhaliyay 2 gool champions league final. Xiddigii Hore ee Real Madrid bale ayaa ah Xiddigii ugu dambeeyay ee 2 gool ka dhaliya final champions League ah. 2 Gareth Bale (Real Madrid 3-1 Liverpool, 26/05/2018) 2…
Tababare kasta waxa uu jecelyahay in uu Kooxdiisa gaadhsiiyo Final champions league. Laakiin tababarayaal yar ayaa nasiib u yeeshay in ay Marar gaadhaan Final-ka Champions League. Tababare Ancelotti ayaa caawa mar kale Ciyaari Doona final champions league Marka ay Kooxdiisu la Ciyaari Doonto kooxda Dortmund. Ancelotti ayaa haatanba ah tababaraha tirada ugu badan gaadhay ama koox hogaamiyay Final champions league. Halkan kaga bogo tababarayaasha gaadhay Final ka ugu badan champions league. 5 Carlo Ancelotti (AC Milan 2003, 2005, 2007; Real Madrid 2014, 2022) 4 Marcello Lippi (Juventus 1996, 1997, 1998, 2003) 4 Sir Alex Ferguson (Man United 1999, 2008, 2009, 2011) 4 Pep Guardiola…
Maamulka degmada Dharkenley oo howlgal culus qaaday ayaa ku guuleystay inay furaan waddooyin ku yaalla degmadaas oo ay shaqsiyaad gaar ah ay guryo ka dhisteen. Guddoomiye Yuusuf Xundubey oo howlgalkan horkacaya ayaa sheegay in dhammaan waddooyinka xiran ee degmada Dharkenley ay furi doonaan, si loo isticmaalo. “Waxaan kasoo shaqeynay oo aan ka rarnay dad deganaa jidadka oo guryo ka dhistay, haddana waxaa noo dhiman waddooyin kale oo aan ka shaqeyn doono” ayuu yiri Xundubey. Sidoo kale wuxuu guddoomiyuhu sii raaciyay “Qorshaheena waxaa waayay inaan furno dhammaan waddo kasta oo uu roob xiray iyo waddo kasta oo uu xiray Cali Garoob…
Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo ka socda gudaha degmada Bardaale ee gobolka Baay, kaas oo u dhexeeyo ciidanka Koonfur Galbeed iyo maleeshiyaad hubeysan. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii maleeshiyaadka hubeysan ay weerar ku qaadeen degmada Bardaale oo ay ku sugnaayeen ciidanka daraawiishta Koonfur Galbeed. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu yahay mid xoogan, isla markaana labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, sida ay soo sheegayaan dadka deegaanka. Dagaalkan ayaa sababay khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, waxaana kamid ah dadka dhintay saraakiil sar sare oo uu…
Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xiriir khadka taleefoonka ah la sameeyay Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dalka Mareykanka, Antony Blinken, iyaga oo ka wada-hadley xiriirka labada dal. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wasiirka arrimaha dibadda Mareykanka ayaa wada-hadalladooda diiradda ku saaray arrimo ay ka mid yihiin la-dagaalanka kooxaha argagixisada iyo qorshayaasha Dowladda Soomaaliya ee howgalka Midowga Afrika ee ATMIS marka uu dhammaado kadib. Blinken ayaa madaxweynaha Soomaaliya ku boggaadiyay dadaalka uu galiyay la dagaallanka Al-Shabaab, maadaama laga gaaray guullo waa wayn, lana xoreeyay dhul aad u ballaaran. Sidoo kale labada mas’uul ayaa isla soo hadal qaaday arrimaha amniga…
Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya maanta waxaa laga daah-furay barnaamij cajiib ah oo loogu magac daray “Hooyo u Hiilli Qaran-kaaga,” kaas oo lagu muujinayo kaalinta muhiimka ah ee hooyooyinka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin amniga iyo xasillinta dalka, waxaana furay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre. Ujeedka ah ayaa in kor loo qaado doorka haweenka ee ku aadan ka qayb-qaadashada howlaha hortebinta u leh dalka. Ra’iisul wasaare Xamza ayaa si qoto dheer uga hadlay sida ay haweenku u yihiin tiirarka ugu muhiimsan ee dhisidda nabadda iyo amniga, waxuuna tilmaamay in Hooyooyinku ay leeyihiin awood gaar ah oo ay ku baraarujiyaan bulshooyinka,…