Author: radiohalgan.com

Soomaaliya ayaa heshiis la saxiixatay Sanduuqa Caalamiga ah ee Horumarinta Beeraha (IFAD) kaas oo ay ku heli doonto lacag dhan $31.22 milyan oo doollarka oo loogu talagalay barnaamijyada taageerada ee la xiriira sugnaanta cunnada iyo reer miyiga. Lacagta waa in la marsiiyaa barnaamijka u adkeysiga hab-nololeedka miyiga (RLRP), kaas oo looga gol leeyahay in lagu wanaajiyo sugnaanta cuntada iyo adkeysiga dhulka miyiga ah. Wasiirka Beeraha iyo waraabka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa BBCda u sheegay in talaabadani ku timid xoogaysiga dowladdnimada dalka iyo daynti dalka laga cafiyey. โ€œSoomaaliya waxaa u furmay maalgashiga iyo mashaariicdii horumarinta ka dib dayntii dalka…

Read More

Booliiska magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa lacag dhan $17.5 milyan ku bixinaya dacwad ay so gudbiyeen labo haween Muslimiin ah oo lagu qasbay inay xijaabka siibaan mar ay sawirro ka qaadayeen booliiska laga shakisan yahay. Dacwaddan oo ku muddeysneyd 2018 ayaa lagu sheegay in xoriyadda diimeed ee Jamila Clark iyo Ariwa Aziz meel looga dhacay sidoo kalena arrimahooda u gaarka ah loo dhacay. Sida laga soo xigtay qareennada, in ka badan 3,600 oo qof ayaa laga yaabaa inay helaan lacagta sida la qorsheeyay. Siyaasadda booliiska ayaa oggolaatay in sawir lagu galo xijaabka afar sano kahor. Maamulka Magaalada New…

Read More

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaaย  kulan gaar ah kula qaatay dalka Boqortooyada Sacuudiga dhaxal sugaha dalkaas Amiir Maxamed Binu Salmaan Binu Cabdicasiis. Labada hoggaamiye ayaa kulankooda uga arinsaday xoojinta iskaashiga iyo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Sacuudiga iyo Arrimaha Dhaqaalaha, Maalgashiga, Ganacsiga, Difaaca iyo Amniga, madaxbannaanida. Waxaa sidoo kale ay ka wada hadleen labada masuul xaalada gobolka, gaar ahaan heshiiska sharci darrada ahaa ee Itoobiya la gashay bilowgii sanadkaan maamulka Somaliland. Boqortooyada Sacuudi Cadabiya ayaa ku tilmaamtay heshiiskaas Itoobiya ay la gashay Somaliland mid gaf ku ahaa midnimada iyo madax…

Read More

Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta musiibooyinka maamulka Jubbaland ayaa soo saartay digniino ku aadan cabsi laga qabo iney dhibaatooyin ka dhashaan roobabka Guga ee ka curtay ee qeybo ka mid ah deegaanada maamulkaas. Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta musiibooyinka maamulka Jubbaland Aadan Faarax Gaarane ayaa faray shacabka ku nool Jubbland iney ka feejignaadan halista ka dhalan karta daadka roobabka Guga. “Waxaan u sheegayna dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Jubbaland iney u diyaar garowaan caqabado iyo dhibaatoyin ka dhalan kara daadad iyo fatahaado ka dhalan kara markale roobabka Guga oo la filayo ibey yihiin kuwa xoogan oo da’madooda u dhaxeeyso…

Read More

Ciidamada Amaanka Somaliland ayaa xabsiga dhigay 4 askari oo shalay si xoog ah Hargaysa ugu xidhay fannaan reer Jigjiga ah oo lagu magacaabo Maxamed Xuseen Habane ‘Maxamed Yare’, iyada oo fannaankiina la sii daayay. Qaar kamid ah hobolada magaalada Hargaysa oo shalay ka qayliyay xadhiga Maxamed Yare, ayaa sheegay in xabsiga loo taxaabay askartii falka gaysatay, loona haysto danbi sharci jabin ah. “Waxaanu sheeganaynaa in nala xaal mariyay oo waliba raggiina noo xidhanyihiin, sharciga ayaana naloo marinayaa, sharci kumay socon, madaxdoodana amar kamay haysan, way soo dhamaatay Maxamedna wakaa bannaanka jooga, nimankii kalena sharci ayay noogu xidhanyihiin” Hoobal Maxamed Bakaal…

Read More

Ciidamada amniga Puntland ayaa gacanta kusoo dhigay eedeysane loo haysto inuu magaalada Garowe ee caasimadda Puntland ku dilay askari katirsan ciidanka amniga gobolka Nugaal. Askarigaan ayaa lagu dilay bartamaha suuqa magaalada Garowe, isagoo kamid ahaa ciidan loo xilsaaray nabad galyada suuqa dharka lagu iibiyo, maaddaama lagu jiro maalmihii ugu dambeeyay ee u diyaar garowga ciidda. Hay’adaha amnigu ma sheegin sababta uu u dilay askarigan oo lagu magacaabo Cabdixakiin Fiqi, balse warar aanu ka helnay ilo kala duwan ayaa sheegaya in gacan ku dhiigluhu uu ahaa darawal mooto Bajaaj, kaasoo askarigaan u dilay muran ka dhashay markii uu kasoo xiray mootadiisa…

Read More

Ciidanka nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka oo kaashanaya ciidanka booliiska, ayaa howlgal qorsheysan ay ka fuliyeen deegaanno hoostaga degmada Baled Xaawo ee gobolka Gedo, waxa ay kusoo badbaadiyeen nin ajnabi ah oo u afduubnaa kooxda Al Shabaab. Howlgalka ay ciidanka huwanta ah fuliyeen ayaa si gaar ah uga dhacay deegaannada Najax iyo Abdi Ducaale oo hoostaga Baled Xaawo, waxaana halkaasi ka kala firxaday dagaallamaal katirsanaa Al Shabaab oo goobtaasi ku sugnaa. Ciidanka ayaana goob ay ka carareen kooxda Al Shabaab ugu tagay nin kasoo jeeda dalka Itoobiya gaar ahaan Oromada oo u afduubnaa Al Shabaab, ninkan ayaana ka xirnaa gacmaha…

Read More

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Alper AktaลŸ, kaas oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo Iskaashiga walaalnimo ee u dhexeeya labada dowladood. Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa Danjiraha la wadaagay tacsida muwaadin u dhashay dalka Turkiga oo isaga oo gargaar qeybinaya ay dileen kooxaha Khawaarijta ah ee banneystay daadinta dhiigga dadka muslimiinta, xilligaan lagu jiro tobankii ee bisha barakeysan ee Ramadaan. Dhankiisa, Danjire Alper AktaลŸ ayaa xaqiijiyay sida ay uga goโ€™an tahay sii wadidda taageerada ay la garab taagan yihiin dadka Soomaaliyeed ee walaalahood ah,…

Read More

Nin Turki ah oo qariyay magaciisa, xogtiisa iyo halka uu sida gaarka ah uga degen yahay Dalkaas ayaa gurigiisa iibiyay si loo gaarsiiyo Shacabka ay barakiciyeen Ciidanka Yuhuudda ee aanay haysan goobo ay gabbaad uga dhigtaan qabowga habeenkii iyo kuleelka maalintii. Waxa uu iibiyay hal guri oo qoyskiisa degenaayeen kaddib markii uu arkay xaaladda adag ay ku nool yihiin Shacabka Falastiin, guri ayuu u kireeyay si reerkiisa u dejiyo maadaama gurigii hoyga u ahaa uu iibiyay Ninkaan. Markii uu lacagta gacanta ku dhigay waxa uu iibiyay Teendhooyin gaaraya 150 Xabo oo ah kuwa casriga ah ee awooda in…

Read More

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabis iyo xil baddel ku sameeyay qaar kamid ah Wasiirradiisa waxaana uu buuxiyay boosas ay banneeyeen wasiiro katirsanaa Xukuumaddiisa. Xamsa ayaa boosaska uu buuxiyay waxaa kamid ah Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah waxaana loo magacaabay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta XFS Axmed Macallin Fiqi. Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Fiqi laga soo wareejiyay waxa uu Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre u magacaabay Cali Yuusuf (Cali Xoosh) halka Wasiirka Amniga oo booskaas banneeyay Danjiraha Soomaaliya Qatar loo magacaabay Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag. Wasiiradda kale ee…

Read More