Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay mas’uuliyiin kala duwan ee Dowladda iyo kuwa maamul gobolleedyada in ay u istaagaan ka shaqeynta horumarka dalka Waxaa uu carabka ku adkeeyay in uusan diyaar u ahayn muddo kororsi ayna doorashada waqtigeeda ay ku qaban doonaan. “Horay ayaan dalkan Madaxweyne uga soo noqday kursigana iskuma dhajin haatana diyaar uma ihi muddo kororsi, xaqna uma lihi in aan iska joogo.” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ay muhiim tahay inaan yareyno shakiga iyo cabsida ka muujineyno xaalada dalka, isla markaana qof kasta uu ka shaqeeyo…
Guddoomiyaha degmada Maxaas Ciise Waayeel oo xariga ka jaray Daljirka Dahsoon ee deegaanka Waab-weyn oo dadka deegaanka isku tashi ku dhisteen. Siyaad Show https://youtu.be/hVilicVZ_kA?si=5jJdAiMpOdhSpux-
MADAXWEYNAHA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO U MAHADCELIYAY XUBNIHII KALA QEYBGALAY SAFARKII SHAQO Siyaad Show https://youtu.be/ay2Vr8Oieh8?si=gFQB5Oi8Zjyaaz__
Madaxda Maamulka Gobolka iyo Kan Degmada Baladweyne oo War Kasoo Saaray Dilka Gudoomiye ku xigeenka Maaliyada Magaalada. https://youtu.be/QbNcwpFBwxw?si=gIox7w_roF-m8g2W
Xildhibaan Maalik Abdalla “Shiid iyo gaajo lagama baxayo hadii beeraleyda aanay helin qalab casri ah”. https://youtu.be/Iie-O6Co7b0?si=NkNSTxtjsuyGc5gb
Gaadiidleyda Hiiraan Shir ay soo agaasimeen ayay maanta u qabteen Culimada, Odoyaasha Dhaqanka, Dhalinyarada iyo qeybaha bulshada Beledweyne. Ujeedka Shirka ayaa ahaa sidii wax looga qabaan lahaa isbarooyinka faraha badan ee maalin kasto si kordhaayo taas oo lagu dhibateeyo gaadiidka iyo dadka masaafurka. Odayaasha iyo Culimada oo si guud u qiray dhibatada ay arintaas leedahay ayaa isla qaatay in 7-maalin lagu qaado guud ahaan isbarooyinka lana fuuro wadada dheer si ay u nabad helaan masaafurka iyo gadiidka intaba. Waxaa leeska gartay Shir kale oo balaaran in leeysugu yimado Oday walbana u saxiixo in la qaado Isbaarooyinkasi si lo helo Nabad…
Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), Guddoomiyaha Barlamaanka Mudane Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed, Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Mudane Mahad Xasan Cusmaan, Xubno ka kala tirsan Golaha Wasiiradda, Baarlamaanka, Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye iyo Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida ayaa ka qeyb galay munaasabad soo dhaweyn oo Golaha Deegaanka Jowhar ay u sameeyeen Wafdigii Madaxweynaha. Guddoomiyaha Degmada Jowhar ahna Duqa magaalada Mudane Cusmaan Baareey ayaa Madaxweynaha iyo wafdigiisa caasimada kusoo dhaweeyay. Munasaabadda caawa waxaa kaalin wacyigelin oo weyn ka qaatay Fannaaniinta Nimcaan Hilaac, Iqra Happy, Xuseen…
Daawo:- Sida adag ee maanta looga hadlay Isbarooyinka faraha badan ee daasan duleedka magaalada Beledweyne. https://youtu.be/o3gswk3Kkdo?si=PEEKL00EmN2rULkh
Wararka ka imaanaya magaalada Hargaysa ayaa sheegaya in alat ay magaaladaas ku geeriyootay fanaanadda Asma Xasan Aadan (Asma Saban). Warar soo baxaya, balse aan xaqiiqo rasmi ah loo heyn ayaa sheegaya in gabadhaasi ay is dal dashay. Dadka qaar waxay soo weriyeen in aysan is dilin ee maanta uu xanuun ku soo booday, kaasi oo sababay geerideeda. Fanaanada geeriyootay ayaa ka mid ahayd Kooxda Xidigaha Geeska ee ka dhisan Somaliland. Warar soo baxaya, balse aan xaqiiqo rasmi ah loo heyn ayaa sheegaya in gabadhaasi ay is dal dashay. Dadka qaar waxay soo weriyeen in aysan is dilin ee maanta uu…
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar qaraxyo ah oo xalay lagu qaaday saldhigga booliska degmada Beled-xaawo ee gobolka Gedo, kaas oo sababay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac. Qaraxyada oo ahaa bambaanooyin ayaa waxaa lagu ekeeyay saldhigga, halkaas oo ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen qaar kamid ah askartii ku sugnayd. Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhintay weerarka, halka ay ku dhaawacmeen 4 kale, sid ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah Askariga booliska ah ee dhintay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Bile Hufood, wuxuuna sidoo kale horay usoo noqday guddoomiye ku xigeenkii hore ee degmada Beled-xaawo. Xubnaha…