Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
DEG-DEG: Madaxtooyada Magaalada Beledweyne ayaa waxaa goor dhow la wareegay saraakiil ciidan oo uu hoggaaminayo Guddoomiyahii hore ee Gobolka Hiiraan Cabdifitaax Xasan Afrax. Xubnaha caawa qabsaday madaxtooyada & xafiisyada maamulka ayaa ujeeddadoodu tahay raadinta xuquuqda dastuuriga ah ee Gobollada Hiiraan & Shabeellaha Sare, waxa uuna qorshuhu yahay in ay ku dhawaaqaan halgan Umadeed oo Labada gobol kaga baxeyaan Hirshabeelle. Berri ayaa la qorsheynayaa in siyaasiga Cabdifataax Afrax & saraakiishu ay si rasmi ah u qabtaan shir jaraa’id oo quseeya Xuquuqda dastuuriga baadi goobka labada Gobol ee Hiiraan & Shabeellaha Sare.
Waxaa weli taagan xiisadda u dhaxeysa dalalka Pakistan iyo Hindiya, ka dib markii ay Hindiya shalay gantaallo ku weerartay dalka Pakistan iyo qeybta ay Pakistan maamusho ee Kashmir, oo labada dhinac ku muransanyihiin. Labada dal ayaa is dhaafsanaya hadallo kul kulul. Raysal wasaaraha Pakistan, Shabaz Shariif, ayaa sheegay in Hindiya ay ku degdegtay go’aankii ay ku weerartay Pakistan, isagoo wacad ku maray inay u aari doonaan dhigii daatay. Hadalkan ayuu sheegay xili uu khudbad u jeedinayay shacabka dalkiisa. Tallabada Hindiya ayu uku tilmaamay mid “fuleynimo ah. Waxaa uu sheegay in ciidamadooda cirka ay soo rideen diyaarado dagaal oo ay leedahay…
Da’idda roobka gu’ga ee sannadkaan oo ka duwan saadaashii horay loo qabay. Saddexdii maalmood ee ugu dambaysay roobka gu’ga ayaa si xooggan uga hooray meelo kala duwan oo dalka Soomaaliya ah, iyadoo bariga, bartamaha, koomfurta, waqooyiga iyo galbeedkaba raxmadda roobku gaartay, inkastoo gobollada roobku ku kala badanyahay, welina ay jiraan deegaanno da’idda roobku ay aad u hoosayso. Inkastoo weli heerka barwaaqo uusan gaarin halkii u sarraysay, haddana waxaa aad hoos ugu dhacday saadaal horay loo qabay oo muujinaysay gu’gaani in uu noqon karo mid seeg-seeg ah, siiba marka la joogo Puntland, Kicinka cireed ayaa weli ah mid…
Ciidamada Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka gobolka Hiiraan ayaa caawa Toogtay Dhagar qabe ka tirsan Khawaarijta oo watay Biskoolad iyo Bambooyin isla markaana doonayay in uu wax yeelo gaarsiiyo ciidamo Boolis ah oo bar-koontarool ku leh afaafka hore ee Buundo-weyn. Taliyaha Ciidamada Nabad-sugidda magaalada Beledweyne Abdi Aweys Mohammed Ali ayaa u mahadceliyay ciidamada howlgalkaasi fuliyay waxuuna ballan qaaday in dhagarta Khawaarijta gudaha iyo furimaha gobolka uga hor tagaan. howlgalkaasi Ciidamada hay’adda NISA ayaa xaafadda Buundoweyn kusoo bandhigay Meydka dhagar qabaha hubkii uu watay. Ciidamada Hay’adda Nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka qeybta dhar-cadka ayaa siweyn uga howlgala xaafadaha magaalada…
Warar soo baxaya , ayaa sheegaya in maamulka Puntland uu soo iibsaday diyaarado nuuca dagaalka ah , kuwaa oo loo adeegsanayo sirdoonka iyo sidoo kale duqeymaha ka dhanka ah kooxaha argagaxisada ah ee ku sugan buuraha gobolka Bari. Saraakiil katirsan maamulka Puntland, ayaa xaqiijiyay in maamulka Siciid Deni soo iibsadeen diyaarado Puntland u adeegsaneyso duqeymaha kooxaha argagaxisada ah, waxa ayna diyaaradahan kaalin wen ka qaadan doonaan howlgalka ka socda buuraha Calmiskaad. Xogta aan helnay, ayaa sheegeysa in Puntland soo iibsatay afar diyaaradood oo nooca dagaalka ah, kuwaa oon la shaacin dalka laga soo iibiyay , waxaana diyaaradahaasi labo kamid ah…
DEG DEG: Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud ayaa kulan Laqaatay Taliyaha Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan la yeeshay Jeneraal Michael E. Langley, oo ah Taliyaha Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM), ayagoo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga amni ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka. Kulanka ayaa sidoo kale waxaa diiradda lagu saaray dardar-gelinta dadaallada wadajirka ah ee lagu ciribtirayo Khawaarijta iyo xoojinta isku-duwidda howlgallada la xiriira iskaashiga ballaaran oo ay qeybta ka yihiin AUSSOM. Madaxweynaha ayaa muujiyey muhiimadda taageerada joogtada ah ee dowladda Mareykanka…
maxbuus dib ugu noqday halkii maalin ka hor laga sii daayay. Mid kamid ah Maxaabiistii Somaliland ee dhowaan laga sii daayey Laascanood ayaa dhinaca Itoobiya kasoo galay Buuhoodle wuxuuna dib isugu dhiibay Maamulka SSC-khaatumo. Sida radiohalgan.com u xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan maamulka Khaatumo sarkaalkan ayaa sheegay in uu doorbidayo la noolaanshaha dadka reer SSC iyo deganaanshaha magaaladii uu maxbuuska ku ahaa Laascanood.
Raisalwasarihii hore Ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan la qaatay Ugaas Yusuf Ugaas Hassan Ugaas khalif oo ka mid ah Ugaasyada aad looga qadariyo gayigeena Soomaaliyeed. Raisalwasare Rooble iyo Ugaaska ayaa iska wareystay xaalada guud ee Dalku ku sugan yahay gaar ahaan arrimaha Amniga iyo Siyaasada. Rooble ayaa si gaar ah Ugaaska u gaarsiiyay fariin Bogaadin iyo Mahadcelin ah una diray shacabka Gobolka Hiiraan doorkooda taariikhiga ah ee la dagaalanka Khawaarijta. sidoo kale waxa uu u mahadceliyay Xildhibaannada, Siyaasiyiinta iyo Ganacsatada ku wehliyay kulankaan.
Maamulka gobolka Banaadir, ayaa maanta si buuxda ula wareegay milkiyadda guri kuyaalla degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir, kaddib markii la sheegay in gurigaasi loo adeegsanayay falal liddi ku ah amniga guud ee caasimadda. Gurigan maanta la wareegeen maamulka gobolka Banaadir, ayaa milkiyadiisa waxaa iska laheyd haweeney lagu magacaabo Fahmo Warsame Kabayare, waxa uuna maamulka gobolka sheegay in la wareegida gurigan loo maray habraac sax ah. Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir oo aqriyay qoraal kasoo baxay maamulka sare ee gobolka , ayaa sheegay in gurigan ka socotay waxyaabo liddi ku ah amniga caasimadda, waxaana lala wadaagay oo fasaxay la wareegidda gurigan…
Shirka Golaha Wadashiga Qaran ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho, iyada oo ay ka qeyb galayaan Madaxda dowlad goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle, Koofur Galbeed, SSC Khaatumo iyo Maamulka Gobolka Banaadir. Kulanka oo ay albaabada u xiran yihiin ayaa waxaa guddoominaya Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, iyada oo sidoo kale uu goobjoog yahay Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre iyo Ra’iisul wasaare ku xigeenka kowaad. Qodobbada ugu muhiimsan ee la filayo in laga doodo waxaa ka mid ah dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo qabanqaabada doorashooyinka golaha deegaanka oo loo qorsheeyay dhammaadka bisha June ee soo socota. Shirka ayaan waxaa ka maqnaan…