Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaaka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Shacbaan Ibraahim oo maanta shir guddoomiyay kalfadhiga afaraad kulankiis 6-aad.
Kulanka maanta ayaa ajandihiis waxa uu ahaa; Akhrinta Seddexaad ee Hindise Sharciyeedka Qaxootiga iyo Magan-galyo doonka iyo Akhrinta labaad hindise-sharciyeedka Hawlgabka iyo Liiltirka Shaqaalaha Rayidka ee Dowalda.
Ugu horrayn, waxaa la guda galay ansixinta sharciga Qaxootiga iyo Magangalyo doonka kaddib markii Guddoomiyaha Guddiga arrimaha Gudaha Senator Deeqa Xasan Xuseen iyo xubnaha kale ee Guddigu ka soo shaqeeyeen sharciga, waxayna Sanatarrada la wadaagtay xogta akhrinta saddexaad iyo sida ay isu waafajiyeen aragtida Sanatarrada, waxaana codka kalsoonida siiyay 28 Sanatar wax diiday ma jirin wax ka aamusna ma jirin.
Intaas kaddib, Guddoomiyaha Guddiga arrimaha Bulshada Aqalka Sare Senator Cismaan Maxamuud Maxamed (Dufle) ayaa Sanatarrada la wadaagay warbixinta akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Hawlgabka iyo Liiltirka Shaqaalaha Rayidka ee Dowaladda, oo ay Sanatarradu aragtidooda ka dhiibteen.