Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Bixi Imaan Cige ayaa kulan la yeeshay xarunta Wasaaradda Maaliyadda Wakiilka Bangiga Adduunka ee Soomaaliya, Kristina Svensson.
Shirka oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Maaliyadda ayaa looga hadlay taageerada farsamo iyo maaliyadeed ee Bangiga Adduunka uu siiyo Soomaaliya. Waxa sidoo kale shirkaa diirada lagu saaray arrimaha dib-u-habaynta dhaqaalaha iyo xoojinta hannaanka Maamulka Maaliyadda Guud.
Shirka ayaa waxaa sidoo kale looga hadlay mashaariicda horumarineed ee uu Bangiga ka waddo Soomaaliya iyo sidii ay si dhaw ugu wadashaqeyn la hayeen Bangiga Adduunka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Hey’addaha ku shaqada leh dhaqangelinta Mashaariicda.
“Waxa aan ku faraxsanahay in maanta ku soo dhaweeyo xarunta Wasaaradda Maaliyadda, Kristina Svensson oo ah Wakiilka Bangiga Adduunka ee Soomaaliya iyo xubnaha kale ee Bangiga. Waxaan ka wada hadalnay barnaamijka dib -u – habeynta maaliyadda ee socda, xoojinta Dowlad wanaagga iyo mashaariicda Bangigu naga taageero ee ku aadan dib-u-habeynta iyo horumarka dhaqaalaha dalka,” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Imaan Cige.
Bangiga Adduunka ayaa Soomaaliya siiyo taagero maaliyadeed iyo mid farsamo, si uu gacan uga siiyo horumarinta dhaqaalaha dalka iyo xoojinta hannnanka horumarinta Hey’addaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.