Qarax xooggan ayaa goordhoweyd ka dhacay magaalada Muqdisho, wuxuuna si gaar ah uga dhacay dhabarka danbe ee xarunta naamulka gobolka Banaadir.
Qof walxaha qarxa isku soo xiray ayaa isku qarxiyay maqaayad ku taalla dhabarka dambe ee darbiga xarunta Dowladda Hoose ee Xamar.
Illaa hadda si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay qaraxan ee dhimashada iyo dhaawaca, laakiin sida ay inoo xaqiijiyeen dad goobjoog ah waxaa jira dhaawacyo badan, waxaana goobta gaaray gawaarida Ambulance-ka oo halkaasi kasoo qaadaya dhaawacyada.
Is-miidaamiyaha ayaa beegsaday oo isku qarxiyay maqaayad saxmad ah oo ku taalla dhabarka dambe ee dowladda hoose ee Xamar. Sidoo kale waxaa halkaasi ka agdhaw wasaaradda maaliyadda Soomaaliya.
Halka uu qaraxa ka dhacay ee naftii haligaha uu isku qarxiyay ayaa ah halkii sanadkii hore 2023-ka ay dabley hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay ka galeen markii ay weerarayeen xarunta gobolka Banaadir.
Wixii kasoo kordha qaraxaan isha ku hay