Radiohalgan.com(Radiohalgan.com)- Lataliyaha Madaxweynaha Xiriirka Dowlad Goboleydyada Mudane Mohamed Hassan Ibrahim (Qoono) ayaa yiri
Waxaan maanta kulan la qaatay odayaaaha dhaqanka ee kaso jeeda gobalka Hiiraan,
waxaana kawada hadalnay xaaladaha gobalka, guud ahaan maamulka Hirshabelle iyo doorashada kuso food leh maamulkaas.
Kulanka wuuxuu ujeedkiisu ahaa dib u heshisiin, wada hadalka labada gobal iyo in si wada jir ah loo aado doorashada nagu so aadan ee maamulkaas.
Waa in ay si dhaqsa ah isugu yimadaan duubabka dhaqanka, odayaasha, wax garadka kaso jeeda labada gobal si loo wada hadlo, loona sameyo dib u heshisiin waarta iyo maamul loo dhanyahay.
Gababadii odayaaaha dhaqanka ayaan isla qaadanay in si dhab loo sameyo dib u heshisiin si loo helo wadajir iyo dowlad wanaag lagu so dhiso maamulka Hirshabelle.
Lataliyaha Madaxweynaha Xiriirka Dowlad Goboleydyada Mudane Mohamed Hassan Ibrahim (Qoono)