Maxkamadda sare ee Dalka Kenya ayaa shaacisay go’aan ay ku sheegtay in ay mamnuucday Garyaqaan sare Axmed-Naasir Cabdullaahi oo si joogta ah eedeymo ay ku tilmaamtay in uusan soo bandhigin caddaymo u jeediyay.
Maxkamaddu waxa ay sheegtay in uu ninkaan ku howlan yahay olole ka dhan ah 7da garsoore ee muddada dheer ka shaqaynaya maxkamadda sare Dalka Kenya isaga oo ku eedeeyay in ay ku dhaqaaqeen falal la xiriira musuq ama wax isdabamarin.
Axmed-Naasir ayaa dhankiisa ka falceliyay go’aanka Maxkamadda Sare Kenya ka gaartay isaga oo qoraal uu soo dhigay bartiisa X ee horay looga baddelay Twitter ku sheegay in taariikhda dalkaas uusan jirin qareen isaga lamid ah oo laba mamnuucay maxkamadda.
Waxa uu si cad u sheegay in muddo 30 sano ah uu ku howlanaa shaqada garsoonimada isla markaana tallaabada ay qaadday maxkamaddu ay tahay markii labaad si looga mamnuuco fursadaha uu ka heli karo maxkamadda sare Kenya.