Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Xassan Shiikh oo ku dhawaaqay Xisbi cusub (Sawirro)

    May 13, 2025

    Madaxweynaha Hirshabelle oo ku biiray ururka siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka

    May 13, 2025

    Muqdisho oo caawa Marti-gelinayaa Munaasabadda Daahfurka Urur Siyaasadeedka ku mideysan yihiin Madaxda Dowladda iyo saddex dowlad goboleed

    May 13, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Xassan Shiikh oo ku dhawaaqay Xisbi cusub (Sawirro)

      May 13, 2025

      Madaxweynaha Hirshabelle oo ku biiray ururka siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka

      May 13, 2025

      Muqdisho oo caawa Marti-gelinayaa Munaasabadda Daahfurka Urur Siyaasadeedka ku mideysan yihiin Madaxda Dowladda iyo saddex dowlad goboleed

      May 13, 2025

      DEG DEG Guddiga Doorashooyinka Somaliya Oo Shaaciyay in Khuburo Reer Somaliland ah ka Caawinayaan

      May 13, 2025

      DEG DEG Mareykanka iyo Sacuudiga ayaa kala saxiixday iskaashi dhaqaale oo istiraatiiji ah

      May 13, 2025

      Dood ka taagan diyaarad weyn oo hadiyad ahaan loo siinayo Trump

      May 13, 2025

      DEG DEG Dowladda Turkiga ayaa sii daysay barnaamij gaara oo lagu caawinayo

      May 10, 2025

      Akhriso:- Madaxweyne Donald Trump ayaa u muuqda inuu ka welwelsan yahay in Israel ay carqaladeyn karto safarkiisa Bariga Dhexe, taasoo abuurtay xiisado cusub.

      May 10, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      In ka badan 100 oo ku dhintay daadad ka dhacay bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo

      May 11, 2025

      DEG DEG Madaweyne Traoré oo qaaday talaabo kale oo cajiib ah

      May 6, 2025

      Xassan Shiikh oo ku dhawaaqay Xisbi cusub (Sawirro)

      May 13, 2025

      Madaxweynaha Hirshabelle oo ku biiray ururka siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka

      May 13, 2025

      Muqdisho oo caawa Marti-gelinayaa Munaasabadda Daahfurka Urur Siyaasadeedka ku mideysan yihiin Madaxda Dowladda iyo saddex dowlad goboleed

      May 13, 2025

      DEG DEG Guddiga Doorashooyinka Somaliya Oo Shaaciyay in Khuburo Reer Somaliland ah ka Caawinayaan

      May 13, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Ilhaan Cumar oo lagu dhegan yahay iyo olole xoogan oo lagu doonayo in la eryo oo socda

    Ilhaan Cumar oo lagu dhegan yahay iyo olole xoogan oo lagu doonayo in la eryo oo socda

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comFebruary 5, 20245 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Ilhaan Cumar ayaa ka wajaheysa cadaadiskii ugu weynaa tan iyo intii loo doortay xubinnimada aqalka baarlamaanka Mareykanka ee Congress, ee ay ku metesho gobolka ay Soomaalidu degto ee Minnesota.

    Gabadha xagjirka ah ee kula jirta Congress ee Marjorie Taylor ayaa aqalka baarlamaanka u gudbisay qaraar ku eedeynaya Ilhaan qiyaano qaran, iyo inay wakiil u tahay dowlad shisheeye.

    Guddoomiyaha gobolka Florida Ron DeSantis waxa uu isagu ku baaqay in Ilhaan laga la noqdo dhalashada iyo baasaboorka Mareykanka islamarkaas na la masaafuriyo.

    Qaraarka loo gudbiyay Congress iyo baaqa tarxiilka Ilhaan ayaa dabo-socday hadal ay ku durtay isfagaradka badda ee dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland, kaas oo ay ka jeedisay xaflad loo dhigay dib-u-doorashada madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdulaahi Deni.

    Waxa lagu maagay Ilhaan xilli ay isu-diyaarineyso doorasho

    Ilhaan Cumar oo ay kusoo wajahan tahay doorasho hor leh oo bishan ba olelaheedu bilaabanayo ayaa laga raacay khudbad ay Af Soomaaliga uga jeedisay xaflad Minnesota loogu dhigay dib-u-doorashada madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdulaahi Deni, oo noqday kii ugu horreeyay ee xilka madaxweynenimada oo uu ku fadhiyo dib loogu doorto.

    Ilhaan ayaa xafladaas ka dhaleeceysay heshiiska Addis Ababa iyo Hargeysa ee badda iyo saldhig Ciidan, kaas oo madaxweyne Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida uu ku sheegay inay ku bedelanayaan aqoonsi rasmi ah oo ay ka helaan taas – riyo iyo yididiillo ay soddon iyo dhowr sano naaweleysay Hargeysa.

    Heshiiskaas oo ay dowladda federaalka Soomaaliya ku tilmaamay ‘weerar qaawan oo lagu soo qaaday qaranimadeeda iyo dhulkeeda’ waxaa sidoo kale ka horyimid dalal uu Mareykanku ku jiro iyo urur caalami ah oo ka digay halis amni oo heshiiskaas u horseedi karo gobolka colaada u nugul ee geeska Afrika.

    Ilhaan, oo dureysa is-afgaradka ayaa tiri: “Inta aan xubin ka ahay Congress, qofna ma qaadan doono badda qaranka Soomaaliya, Mareykankuna ma taageerayo kuwa kale ee doonaya inay naga xadaan.” Waxay intaas raacisay: “Dowladda Maraykanku waxay samayn doontaa waxa aanu u sheegno.Taasi waa kalsoonida aan u baahanahay inaan helno Soomaali ahaan. Waxaan ku nool nahay dalkan. Waxaynu bixinaa canshuur.”

    Hadalkaas oo u eg in si khaldan loo turjumay ama qeyb ahaan laga tagay ayaa ku faafay internetka kadibna waxaa sii qaatay oo sii faafiyay warbaahinta garabka midig ee lagu xanto islaam iyo ajnebi naceybka.

    Eedeymaha qiyaamo qaran, iyo baaqyada ah in laga eryo aqalka baarlamaanka, iyo xitaa in la tarxiilo oo laga la noqdo dhalashada iyo baasaboorka Mareykanka waxay ka dhaceen hadalkaas, qeyb ahaan aan la wada turjumin.

    Laakiin waa hadal waxba uga duwaneyn halka Mareykanku ka istaagay heshiiska badda ee Itoobiya iyo Somaliland, iyo xitaa khudbadaha ay jeediyaan xildhibaanada kasoo jeeda dadka soogalootiga ah ee Mareykanka.

    Sida ay Ilhaan iyo xubnaha la midka ah looga eryi karo baarlamaanka Mareykanka

    Ma ahan markii ugu horreysay oo ay xubnaha xisbiga Republican ay ku baaqaan in Ilhaan Cumar, oo ah gabadhii ugu horreysay oo Soomaali ah loo doorto baarlamaanka Mareykanka, laga eryo Congresska.

    Horeyna, xubnaha Xisbiga Republican ee gobolka Alabama ayaa baaq kan la mid ah gudbiyay sanadkii 2019kii, markaas oo Ilhaan lagu eedeeyay yahuud naceyb.

    Horraantii sanadkii hore, xubnaha Republican ee Congress ayaa ku guuleystay inay Ilhaan ka eryaan guddiga awoodda badan ee arrimaha dibeda.

    Haddaba, weydiintu waxaa maxay qaadanaysaa in Ilhaan iyo xubnaha kale ee baarlamaanka Mareykanka laga ergo Congresska?

    “Ma ahan wax fudud in xildhibaan la soo doortay laga eryo baarlamaanka. Way ka adag tahay doorashada,” ayuu yiri qareen Amiin Haruun oo ka howlgala Minnesota. “Waxay ka mid tahay arrimaha dhif iyo naadirka ah ee horey u dhacay.”

    Saddex mudane oo lasoo doortay oo keliya ayaa laga eryay baarlamaanka Mareykanka boqol iyo lixdankii sano ee ugu dambeeyay. Xildhibaan George Santos – Jamhuurigii laga soo doortay New York oo looga maaro waayay beenlownimada islamarkaas ay ku socoto dacwada dowladda dhexe ee la xiriirta musuqmaasuqa, lacagta la dhaqay, xatooyada iyo xatooyadda aqoonsiga deeq-bixiyayaasha – ayaa noqday xildhibaankii ugu dambeeyay ee laga eryo golaha Congresska.

    Labadii ka horreysay oo ka wada tirsanaa xisbiga Dimoqraadiga, James Traficant iyo Michael Myers, oo lagu helay dembiyo dhowr ah oo ay ku jiraan laaluush-qaadasho, islamarkaas na diiday inay iscasilaan ayaa laga eryay baarlamaanka Mareykanka sanadkii 2002 iyo 1980kii.

    Waxay dhacdaa xaaladdo dhif iyo naadir ah. Waxay u baahan tahay isbiirsiga dhaqan xumo iyo u-adkeysi weysiga ficilada xishood la’aanta ah.

    Sidaas oo ay tahay, Dastuurka Mareykanka ayaa siinaya aqalka Congress awood weyn oo ay shaqada uga eryaan saraakiisha dowladda dhexe oo ay ku jiraan madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa, laakiin ma leh awood taas u dhiganta oo ay xilka uga eryi karaan, si fudud xubnaha la mid ah ee loo soo doorto sharcidejinta.

    Sababtu ma ahan wax kale, waa waa nidaamka sharciga dalkaas ayaa waxaa loo dhisay in lagu ixtiraamo rabitaanka cod-bixiyayaasha iyo xubnaha ay u doortaan baarlamaanka.

    Xubno iskood waa isu casili karaan, laakiin in la eryo waxay u baahan tahay inay u codeeyaan aqlabiyadda aqalka Congress, tiro u dhiganta labo meel saddex meelood xubnaha Congress. Ma shaqo aan si fudud lagu gaari karin.

    Sidaas oo ay tahay, xubinta laga eryayo Congress uma baahna inay gasho dembi, ama ay jabisho sharciga. Laakiin waa in la helaa saddex meelood, labo meel cododka aqalka si loo eryo.

    Jidkaas oo la maro ayaa Ilhaan Cumar looga eryi karaa aqalka Congress, waase howl u eg in aysan marna dhici doonin sababtoo ah xubnaha xisbiga Republican ma heli karaan cod ku filan oo ay Ilhaan uga eryaan Congress, si la mid ah siddii ay uga eryeen guddiga awwoodda badan ee arrimaha dibeda.

    Source-BBC

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Xassan Shiikh oo ku dhawaaqay Xisbi cusub (Sawirro)

    May 13, 2025

    Madaxweynaha Hirshabelle oo ku biiray ururka siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka

    May 13, 2025

    Muqdisho oo caawa Marti-gelinayaa Munaasabadda Daahfurka Urur Siyaasadeedka ku mideysan yihiin Madaxda Dowladda iyo saddex dowlad goboleed

    May 13, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Xassan Shiikh oo ku dhawaaqay Xisbi cusub (Sawirro)

    May 13, 2025

    Madaxweynaha Hirshabelle oo ku biiray ururka siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka

    May 13, 2025

    Muqdisho oo caawa Marti-gelinayaa Munaasabadda Daahfurka Urur Siyaasadeedka ku mideysan yihiin Madaxda Dowladda iyo saddex dowlad goboleed

    May 13, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.