Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

    October 4, 2025

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka Al-Shabaab ku qaadday Godka Jilacow

    October 4, 2025

    Maxaa ka soo kordhay dagaalka ka socda Godka Jilicow ?.

    October 4, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

      October 4, 2025

      Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka Al-Shabaab ku qaadday Godka Jilacow

      October 4, 2025

      Maxaa ka soo kordhay dagaalka ka socda Godka Jilicow ?.

      October 4, 2025

      DEG-DEG: Qarax ka dhacay Godka Jilocow &

      October 4, 2025

      Soomaali ku xirnayd Congo oo lasii daayay

      September 30, 2025

      Ingiriiska oo dhaqaale ku bixinaya sugidda Amniga Soomaaliya

      September 30, 2025

      Khasaare ka dhashay qarax ismiidamin ah oo ka dhacay dalka Pakistan

      September 30, 2025

      Madaxweyne Xasan Sheekh oo geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay sidii uu ula kulmi laha Donald Trump.

      September 27, 2025

      Dhaqaale la’aan caqabad ku noqon karta Howlgalka AUSSOM oo soo shaac baxday

      September 29, 2025

      Aqoonsiga somaliland suuro gal mayahay? waxaa faah faahiyay prof: cabdiwahaab sheikh.

      August 15, 2025

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

      October 4, 2025

      Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka Al-Shabaab ku qaadday Godka Jilacow

      October 4, 2025

      Maxaa ka soo kordhay dagaalka ka socda Godka Jilicow ?.

      October 4, 2025

      DEG-DEG: Qarax ka dhacay Godka Jilocow &

      October 4, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Guuleed oo soo saaray qoraal jawaab u ah qoraalkii Fahad ee Ismaaciil Cumar Geelle

    Guuleed oo soo saaray qoraal jawaab u ah qoraalkii Fahad ee Ismaaciil Cumar Geelle

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comJanuary 28, 20243 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Ergeyga Madaxweynaha JFS ee arrimaha Somaliland Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa soo saaray qoraal uu kaga jawaabay gef uu sheegay in Fahad Yaasiin uu u geystay Madaxweynaha iyo shacabka reer Jabuuti, isagoo Fahad ku tilmaamay nin warkaan loo soo dhiibay.

    Agaasimihii hore ee hey’adda NISA Fahad Yaasiin ayaa soo saaray qoraal uu ku sheegay in madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu wax badan ka ogaa heshiiska badda ee Muuse Biixi iyo Abiy Axmed ay kala saxiixdeen 1-dii bishaan, sidoo kale Fahad ayaa Madaxweyne Ismaaciil ku tilmaamay nin jecel jabka Soomaaliya.

    Cabdikariin Guuleed ayaa sheegay in reer Jabuuti aysan Soomaaliya ka mudneyn gefkaas, isla markaana uu ka raali gelinayo, sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay inay garanayaan cidda gefkaan u soo dhiibtay Fahad Yaasiin.

    Xukuumaddii Farmaajo ee Fahad ka tirsanaa ayaa dagaal diblomaasiyadeed oo adag la gashay dowladda Jabuuti, waxaana la aaminsan yahay in Fahad ay hadaladaan ka keenayaan xurguftii siyaasdeed ee kala dhaxeysay Jabuuti intii ay joogeen xukunka.

    Hoos ka akhriso qoraalka Cabdikariin Guuleed

    Tuulo ay fiita-waraar iyo horjoogayaalba ka yihiin rag af-gurucyaal ah ayaa waxaa soo degay nin caaqil ah oo garaad badni iyo aftahamo isku darsaday.  Muddo kooban gudaheed ayuu ninkii garaadkiisa iyo garyaqaannimadiisii kula wareegay tuuladii oo meel kasta ka yeertay WAR INA HEBAL GARTA IYO GUDDOONKA INOOGU GEEYA.

    Ragga xafiiltan iyo wax iska dhicin kama dhamaate waxaa arinkaas ka xumaaday geeridoodana u arkay raggii kale ee tuulada madaxda ka ahaan jiray, waxayna soo abaabuleen shirqool ay ku doonayaan in sharafta iyo karaamada oga xayuubiyaan ninkii caaqilka ahaa. Nin doqonnimo tuulada kaga caan baxay ayey Budh u soo dhiibeen si uu ninkii caaqilka ahaa ugu garaaco goob fagaare ah iyo geedkii garta lagu naqayey.

    Ninkii caaqilka ahaa goortii qaarta lagu qabadsiiyey shirkii dhexdiisa, wuu gartay halka colaaddu kaga socoto ayadoo meeshii laga sugayey in ninkii Caranka ahaa uu la fac noqdo intuu soo jeestay ayuu yiri WARYAADA HEBAL IYO HEBALOW MAAD USHA IGA DEYSAAN.

    Haddaba waa naqaana,  waana garaneynaa Fahad Yaasiin ciddda gefka iyo wax ka sheegga madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo Shacabka aan walaalaha nahay ee reer Jabouti u soo dhiibtay, cidda uu ku matalo gafeysa iyo cidda daaha gadaashiisa usha kaga soo dhiibtay. Waxaan kaloo garan karnaa waxa loola jeedo eedaymahaas iyo dhaleenceyntaas.

    Waa ka raali galineynaa madaxweyne Ismaaciil iyo shacabka reer Jaboutiba gafkaas aysan muteysan ee loo geystay, waxaana idin leenahay shacabka Soomaaliyeed waa ogyahay waxaad u tihiin, waxaad u gasheen iyo waxaad u qabateen intaba. Waxaad noo tihiin garab, waxaad noo tihiin HIIL WALAAL.

    Madaxweyne Ismaciil iyo reer Jaboutina ayagoo ku mahadsan gogol nabadeed oo aanu anaga ka codsanay ayey noo dhigeen, naguna sharfeen. Ayagoo juhdi iyo dadaal kastaba galiyey heshiinka iyo wadajirka dadka Soomaaliyeed

    Shacabka Soomaaliyeedna marnaba waxuusan iloobeynin halkii dib looga soo unkay dowladnmada aan maanta hoos harsameyno, oo ragga qaarkii ay madaxda iyo hogaanka ka noqdeen.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

    October 4, 2025

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka Al-Shabaab ku qaadday Godka Jilacow

    October 4, 2025

    Maxaa ka soo kordhay dagaalka ka socda Godka Jilicow ?.

    October 4, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

    October 4, 2025

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka Al-Shabaab ku qaadday Godka Jilacow

    October 4, 2025

    Maxaa ka soo kordhay dagaalka ka socda Godka Jilicow ?.

    October 4, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.