Ka dib wada hadalladii Madaxwayne Xasan Sheekh iyo Madaxwyanayaashii hore dhex maray ee ku dhamaaday inay heshiisiiyaan Madaxweyne Deni iyo Federaal ka ayaa isla xalay fiidkii waxaa wadahadal khadka taleefanka ah uu dhexmaray Madaxwayne Siciid Deni iyo labada Madaxwayne ee hore Mudane Maxamed Farmaajo iyo Mudane Shariif Sh. Axmed iyo Mudane Siciid Deni oo ku sugan Qardho ayaa soodhaweeye dhexdhexaadinta ay wadaan madaxdii hore ayna haboon tahay in lasii wado wuxuuna codsaday in safarkiiisa uu ku maraayo gobollada Puntland uu dhameysto oo dib ay u yeeshaan wada hadalladaas.
Madaxwaynayaashii hore ayaana aqbalay codsiga Madaxweyne Siciid Deni. Sidoo kale Madaxwayne Xasan ayaa maqriibkii ka hor Xamar kusoo laabtay ayaa laga sugayaa ku dhawaaqista shirka Garoowe xiliga iyo ajandahaba.