Gobolka Shabeelaha Dhexe Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle waxaa ka socda howlgallo ka dhan ah ‘AS’ waxaana wadajir isaga kaashanaya Ciidamada Federaalka & Dadka deegaanka ee loo yaqaan Macawiislayda.
Howlgalkaan waxa uu si gaar ah uga socdaa deegaanka Fiidow ee hoostaga Degmada Mahadaay Gobolka Shabeelaha Dhexe Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle ayuu si gaar ah howlgalkaan xooggiisa uga socdaa.
Saraakiil katirsan ciidamada Dowladda Federaalka ayaa sheegay in ay toogteen xubno katirsan ‘AS’ Inkasta oo aysan sheegin tirada xubnahaas iyo haddii ay jirto dhankooda waxyeello kasoo gaartay waa sida hadalka ay u dhigeen.