Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Waxaa magaalada Makkah ee Dalka Sacuudiga ku geeriyootey Xaajiya Xaawo Raage Waberi oo ka mid aheyd Xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkan nasiibka u yeeshay in xajka tagaan, sida ay shaacisay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Soomaaliya. Marxuumada geeriyootay ayaa ka mid ahayd xujeyda ka timid Magaalada Boorama ee gobolka Awdal ee maamulka Somaliland, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta Shirkadaha Xajka ka shaqeeya ee Soo qaadey. Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu yiri, “Xafiiska Arrimaha Xajka Wasaarada Awqaafta iyo Arrimaha Diinta dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa tacsi u direy ehelada iyo Qaraabada Marxuumada, iyagoo Ilaah uga baryey Marxuumada in uu janatul fardowsa…
Taliyaha hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka ee NISA, Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay. Sanbaloolshe ayaa waxaa safarkan ku wehlinaya xildhibaanno iyo siyaasiin ay kamid yihiin madaxweynihii Koowaad ee HirShabelle Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble, ergayga madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha ciidamada deegaanka Cali Jeyte Cismaan, xildhibaan Cabdiraxmaan Gurey iyo guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cabdifitaax Xasan Afrax. Mas’uuliyiintan waxa ay marka ay tageen magaalada kusoo dhaweeyay maamulka demada Maxaas mas’uuliin kala duwan saraakiil ciidan iyo boqolaal dadweyne ah. Ujeedka taliyaha NISA iyo wafdi…
Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cali Dige oo haatan qayb ka ah wafdiga madaxweyne Xasan Sheekh ee ku sugan magaalada Oslo ee caasimada dalka Norway ayaa usoo jawaabay kooxda Nabad iyo Nolol iyo siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo siyaabo kala duwan uga hadlay xaalada ka taagan qabuuraha Iskuul Buluusiya, kadib markii kasoo baxay dowladda. Ugu horeyn agaasime Dige ayaa sharraxaad ka bixiyay baahida keentay in dhulka Iskuul Buluusiya laga saaro maydadka, wuxuuna tilmaamay in laga dhigayo xero ciidan oo loo diyaarinayo ciidanka badda Soomaaliyeed. “Dhulka qabuuraha laga rarayo waa halkii ahaan jirtay Xaruntii Ciidanka Badda Soomaaliyeed, waxayna dowladdu hadda…
Kooxda Xizbullah ee ka dagaalanta dalka Lubnaan ayaa gantaalo is xigxigay ku garaacday waqooyiga Israa’iil Arbacada, ka dib markii Israa’iil ay duqeyn cirka ah ku dishay taliye sare oo ka tirsan oo ku sugnaa koonfurta Lubnaan maalin ka hor. Xizbullah ayaa si maalinle ah waxa gantaallo ka gudba xuduudda isku weydaarsanayeen Israa’iil tan iyo markii ay xulafadooda Falastiin ee Xamaas ay weerar ku qaadeen koonfurta Israa’iil 7-dii October, taasi oo dhalisay dagaalka ka socda Gaza. Is-dhaafsiga gantaallada ayaa kordhay toddobaadyadii tegay, ayada oo Xizbullah ay sare u qaaday adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha la socon, si ay u weerarto xarumaha militariga…
Waxaa isa-soo tareysa cabsida caafimaad ee laga muujinayo soo faagista maydadka ku aasan qabuuraha Iskuul Buluusiyo, kadib amarkii dowladda ay 10 cisho gudahood ugu qabatay dadka eheladooda ku aasan yihiin inay kula baxaan. Yuusuf Garaad oo qoraal kasoo saaray arrinkaan ayaa sheegay inay sareyso khatarta caafimaad ee ka dhalan karta tallaabadan, maadaama dadka qaarkii ee halkaasi ku aasan ay u dhinteen Covid iyo cudurro kale oo halis ah. “Dadka godadka fagaya, kuwo dul dhooban ee murugeysan, kuwa daawanaya ee aan shalay arkay iyo ciidanka dul tuban ma jirtaa cid hubin karta in aanay cudurro ka qaadin qabuuraha marka la faago?,”…
Hay’adda Socdaalka IOM ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in doon ay la socdeen tahriibayaal isugu jiro Soomaali iyo Itoobiyaan ayaa Isniintii lasoo dhaafay ku degtay xeebaha dalka Yemen. Doonta degtay ayaa waxaa la socday illaa 260 tahriibayaal ah, waxaana dhintay 49 qof, halka 140 kalena lagu la’yahay xeebaha Yemen oo ah halka uu shilka ka dhacay. 115 kamid ah tahriibayaashan waxa ay ahaayeen Soomaali, halka 145 kalena ay ahaayeen Itoobiyaan, kuwaas oo kusii jeeday dhinaca waddanka Yemen. Sidoo kale waxaa lasoo badbaadiyay ugu yaraan 71 qof oo kamid ah tahriibayaasha, kadib gurmad loo fiyay, sida ay sheegtay hay’addaha socdaalka ee…
Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Universal ayaa eedeyn culus u jeediyay dowladdii hore ee uu hoggaaminayay madaxweyne Farmaajo. Jaamac oo ka hadlayay xaaladda ka taagan qabuuraha Iskuul Buluusiya oo ay dowladdu amartay in lagala baxo maydadka ayaa sheegay in hadda laga rabo in laga dhiso xarun dan guud ah oo loogu adeegayo Ummadda Soomaaliyeed, sida uu ku dooday wasiirka. Isaga oo u jawaabayay siyaasiyiinta qaylo dhaanta ka muujiyay arrintan ayaa waxa u sheegay in dowladdii hore ay isku deyday inay burburiso qabuurahaasi, iyada oo ka leh dano gaar ah, balse laga…
Waxaa xog cusub laga helay marxaladihii uu soo maray askarigii weerarka toogashada ah ka geystay xerada ciidanka xoogga dalka ee Jeneraal Goordan oo ku taalla magaalada Muqdisho. Halkaas waxaa lagu laayey saraakiil Imaaraad ah, 3 sarkaal oo dhalatay dalka Imaaraadka Carabta iyo hal sarkaal oo u dhashay dalka Baxreyn ayaa ka mid ahaa saraakiishii iyo ciidamadii uu xerada Jeneraal Goordan ku laayey askarigaas. Ninkaas waxaa lagu magacaabi jiray Mustaf Mukhtaar Aadan, inta uusan ku biirin ciidamada dowladda wuxuu ka shaqeysa jira suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, halkaas oo dagaal uu ku gulay. Xogtaan waxay sheegeysaa in Mustaf uu daqar-weyn ka…
Shirkadda diyaarada Masar ee Egypt Air oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa shaacisay inay bilaabeyso duulimaadyo ay ku imaaneyso magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, waxayna soo saartay wargelin ku aadan duulimaadyadeeda. Qoraal kooban oo lagu daabacay bogga Twitterka ee shirkadda Egypt Air ayaa waxaa lagu sheegay in diyaaradahooda ay isaga kala gooshi doonaan Qaahira, Muqdisho iyo Jabuuti. “War xiiso leh! Diyaaradda Egypt Air waxay bilaabaysaa khad cusub oo ay ku tagi doonto Jabuuti iyo Muqdisho. Soo ogow dhaqamada iyo muuqaalka meelahan cajiibka ah.” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay shirkadda. Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dartay in duulimaadyadooda ayaa billaabanayaan…
Xisbiyada midigta fog ayaa guulo waaweyn ka gaaray doorashada baarlamaaniga ee Midowga Yurub, iyaga oo guul darrooyin durbaba saameyn reebay dhabarka u saariyay, madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, ra’iisul wasaaraha Jarmalka Olaf Scholz, iyo hoggaamiyaha Austria Karl Nehammer. Dalka Faransiiska, xisbiga midigta fog ee NR ee ay hoggaamiso Marine Le Pen ayaa guul kasoo hooyay, arrintaas oo sababtay in madaxweyne Macron uu xalay kala diray golaha baarlamaanka kuna dhawaaqay doorasho baarlamaani ah oo waqtigeeda laga soo hormariyay. Tallaabadan ayaa loo arkaa qar-iska-tuurnimo siyaasadeed oo uu ku kacay Macron maadaama xisbigiisa uu doorashadi Axaddii kala kulmay jab weyn. Haddii uu lumiyo doorashada…