Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Dowladda Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo deg deg ah oo biyaheeda kaga difaacaneyso duullaanka Ethiopia. Maadaama aanay Soomaaliya hadda haysan ciidan baddeed xoog leh, waxay Muqdisho gacmaha u dhiibatay Ankara, waxayna Turkiga la gashay heshiis ay kula wareegayaan amniga baddaha Soomaaliya. Heshiisku waa 10 sano, waxaana soo koobeyna siddeed faaβiido oo ku jirta heshiiska oo maanta la mariyay Golaha Wasiiradda, kadibna uu madaxweyne Xasan Sheekh u saxiixay baarlamaankan labadiisa Aqal. Hadal jeedinta madaxweynaha ayaa loo diiday warbaahinta, waxaana khudbadda madaxweynaha kadib heshiiska sharaxay wasiirka gaashaandhiga Jaamac, iyada oo sidoo kalena saxaafadda loo ogaalanin sharaxaadda wasiirka. Labada Aqal ayaa madaxweynaha ka codsaday…
Raβiisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyey heshiiskii ay maanta ansixiyeen golayaasha dastuuriga ah ee dowladda Soomaaliya, wuxuuna farriin u diray siyaasiyiinta mucaaradka ah. Rooble ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu ku sheegay in heshiiskaan uu yahay mid dhaxal-gal ah oo aad loogu baahnaa, qof kastana uu fahmi karo muhiimadda uu leeyahay. βWaxaan halkan uga hambalyeynayaa shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan heshiiska maanta la ansixiyay ee Iskaashiga Difaaca iyo Dhaqaalaha labada dal ee Soomaaliya iyo Turkiga. Waa heshiis dhaxal gal ah oo uu fahmi karo qofka kasta oo wax-garad ah,β ayuu yiri R/Wasaare Rooble.…
ayaa xog cusub ka heshay baaritaanka ku socda kiiska ninkii toogashada ka fuliyey xerada Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho, kaas oo laayey saraakiil Imaaraad ah iyo askar Soomaaliyeed. Sida lagu ogaaday baaritaanka, ninkaas wuxuu ahaa mid ay Shabaab ku soo dhex-darsadeen ciidamadii ugu dambeeyey ee dowladda Soomaaliya ay tababarka u xareysay, tan iyo markii uu qortay ciidanka wuxuu qorsheynayey inuu toogasho noocaan ah fuliyo. Waxaa la xaqiijiyey in ninkaasi uusan ka tirsaneyn ciidankii Wasiir Mukhtaar Roobow uu ku heysa jiray gobolka Bakool, wasiirka ayaa cadeeyey in ninkaas uusan waligiis arkin, ciidankiisana uusan ka soo mid noqon. Sidoo kale waxaa is…
Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa goor-dhow cod aqlabiyad ah ku ansixiyey heshiis-kii taariikhiga ahaa oo ay dowladda Soomaaliya la gashay Dowladda Turkiga, kaas oo ku saabsan iskaashiga dhinaca difaaca iyo dhaqaalaha. Kulanka waxaa soo xaadiray 216 mudane waxaa ogolaatay 213 Xildhibaan, waxaana diiday 3 Xildhibaan, sida uu ku dhawaaqay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Sheikh Aadan Maxamed Nuur Madoobe. Sidoo kale Golaha wasiirrada XFS ayaa ansixiyey Heshiis ku saabsan difaaca iyo dhaqaalaha oo ay dowladda Federaalka Soomaaliya la gashay Dowladda Turkiga. Shirka Golaha wasiirrada oo uu guddoomiyey Raβiisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa goluhu ku ansixiyey heshiiskaas oo uu…
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta ansixiyay heshiis taariikhi ah oo ay dowladda Soomaaliya la gashay Dowladda Turkiga, kaas oo ku saabsan iskaashiga dhinaca difaaca iyo dhaqaalaha. Raβiisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xamsa Cabdi Barre oo shir guddoomiyay kulan deg-deg ah oo ay isugu yimaadeen Golaha, ayaa ku tilmaamay heshiiska mid masiiri ah oo dhaxalgal u ah ummadda Soomaaliyeed β isaga oo ka hadlay ahmiyadda heshiiskani u leeyahay dalka iyo dadka Soomaaliyeed. βHeshiiskani waa mid masiiri ah oo dhaxalgal, waa goβaan Soomaaliya u jeexaya waddo cusub oo aan horey u suurtoobin, waa goβaan Soomaaliya ka saaraya madi-nimadii iyo walaal…
Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta ka bilaabatay dhageysiga dacwadda culus ee loo haysto Sayid Cali Macallin Daaβuud oo ku eedeysan inuu si arxan darro ah u gubay xaaskiisii Luul Cabdicasiis. Dhageysiga maxkamadda ayaa waxaa si toos ah loogala socday warbaahinta, maadaama uu kiiskan yahay mid xasaasi ah oo xanuun badan ku reebay dadka Soomaaliyeed. Sidoo kale waxaa maxkamadda goobjoog ahaaΒ ehellada labada dhinac, dadweyne, qareeno iyo xeer ilaalinta guud ee qaranka. Arrimo argagax leh ayaa kasoo kordhay kiiskan, kuwaas oo soo baxay inta ay socotay maxkamadda, oo la horgeeyay marqaatiyaal ay kamid ahaayeen carruurtii ay dhashay marxuumadda oo qaarkood…
Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta si rasmi ah u guda gashay kiiska xasaasiga ah ee loo haysto eedeysane Sayid Cali Macallin Daaβuud oo gubay xaaskiisii oo xaamilo ahayd, Marxuumad Luul Cabdicasiis Maxamed. Maxkamadeynta ayaa goordhow ka bilaabatay xarunta Maxkamada Gobolka Banaadir, ayada oo si weyn loogala socon doono warbaahinta, maadaama uu yahay kiis xasaasi ah. Dhageysiga dacwaddan ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalay ehellada labada dhinac, dadweyne, qareeno iyo xeer ilaalinta guud ee qaranka. Sayid Cali oo kasoo muuqday fadhiga maxkamadda, loona akhriyay eedaha loo haysto ayaa sheegay inuu dood sharci ah ka qabo dacwadda culus ee lagu soo eedeeyay.…
Xukuumadda Somaliland ayaa mar kale war cusub kasoo saartay heshiiska badda ee ay la gashay dowladda Itoobiya, kaas oo dhaliyay xiisad xoogan oo u dhexeysa labada dal ee dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya. Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Ciise Kayd Maxamuud oo haatan ku sugan Addis Ababa ayaa ku dhowaaqay goβaan uga sii daraya xiisadda Badda ee haatan taagan. Kayd ayaa tilmaamay inay Somaliland si buuxda u hirgelineyo heshiiska ay la gashay Itoobiya, kaas oo ay weli diidan tahay dowladda federaalka Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in heshiiska Somaliland iyo Itoobiya uu yahay mid barwaaqo u horseedi doona labada dhinac, isla markaana…
Raβiisul wasaare ku xigeenkii iyo wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa u sharaxan guddoomiyaha Midowga Afrika, halka Kenya ay soo sharaxday Raila Odinga oo muddo dheer soo hoggaaminayey mucaaradka Kenya. Guddoomiyaha hadda jooga hoggaanka Midowga Afrika Muusa Faki Maxamed oo u dhashay dalka Chad, labo jeerna xilkaan soo qabtay wuxuu muddo xileedkiisu ku egyahay bilowga sanadka soo socda ee 2025-ka. Markii uu musharaxnimadiisa kursigaas shaacinayey Raila Odinga waxaa barbar taagnaa madaxweynihii hore ee dalka Nigeria Olusegun Obasanjo, oo dhawaan Midowga Afrika u magacaabay dhexdhexaadinta Soomaaliya iyo Itoobiya. Raila Odinga ayaa saaxiib dhow la ah siyaasiyiinta…
Ciidanka Israaiil ayaa duqayn xooggan ku beegsaday goobo ay degen yihiin Dad rayid ah oo ku sugan Rafax waxaana ka dhashay dhimasho, dhaawac, burbur iyo welwel xooggan oo soo wajahay Dadka rayidka ah ee halkaas ku sugan. Qaar kamid ah Dadka deegaanka ayaa sheegay in duqayntu ay u dhacday si isdaba-joog ah iyada oo dadka qaar xitaa la awoodi waayay in loo qaado goobaha caafimaadka maadaama diyaaradaha ay beegsanayaan Dadka dhaqdhaqaaqaya. Weerarkaan Israaiil ee isir-tirka ah waxa ay ciidamadu ku doonayaan in ay dhul cusub ka degaan marka ay barakaciyeen qoysaska halkaas degen, taasina ay tahay tallaab in muddo ah…
