Author: radiohalgan.com

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, Suxufiga isku rogay siyaasiga saameynta badan sanado yar gudahood ayaa maalmahan dib u qaatay qalinkiisa, wuxuuna dib u bilaabay qormooyinkii lagu yaqaanay isaga oo marba dhinac ka istaagaya dul-duleelada dowladda madaxweyne Xasan Sheekh. Markan wuxuu Fahad Yaasiin cabasho u diray Allaha u naxariiste madaxweynihii koowaad ee Soomaaliya Aadan Cabdulle Cusmaan, isaga oo ashkato ka ah madaxweynaha 10-aad Xasan Sheekh Maxamuud. Fahad wuxuu markaan u doodaya Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo dhawaan madaxweyne Xasan Sheekh ka codsaday inay ka harto musharaxnimada guddoomiyaha ururka Midowga Afrika, si ay Soomaaliya u caawiso musharaxa ay Jabuuti wadato. Doodda Fahad…

Read More

Ciidanka Booliiska gobolka Banaadir, ayaa muddooyinkii la soo dhaafay waday tallaabooyin lagu xakameeynaayo dadka Baraha Bulshada ku soo gudbiyo dhaqamada Anshaxa xumada ah iyo falalka lidka ku ah Ammaanka Qoraal ka soo baxay ciidanka Booliska gobolka ayaa lagu sheegay in ciidanka uu xoogga saari doona la dagaalka anshax xumada, waxaana lagu yiri, “Waxa aan xooga u saareyno la dagalaanka Anshax xumada ayaa ah inaan aamisanahay in Asaluubta Bulshada oo la dhiso ay tahay qeyb kamid ah Dowladnimada.” Sidoo kale Taliska ciidanka Booliska gobolka Banaadir ayaa Waalidiinta Soomaaliyeed faray in ay masuuliyad weyn ay iska saaran ubadkooda, iayaga sheegay in ay…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo caawa booqday qaar ka mid ah Suuqyada ganacsiga bulshada Soomaaliyeed ee ku yaala Xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ayaa waqti la qaatay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugnaa goobahaasi. Madaxweynaha ayaa la wadaagay ganacsatada uu kula kulmay halkaasi fursadaha maalgashi, soo kabashada amni iyo horumarada uu xilligaan ku tillaabsaday dalkeennu, isaga oo kula dardaarmay in ay u hoggaansamaan sharciyada dalalka ay ku noolyihiin. Yuusuf Xasan oo ah xildhibaanka laga soo doorto xaafadda Kamukunji ee magaalada Nairobi oo ay ku jirto xaafadda Islii oo ka hadlay booqashada Madaxweynaha ee suuqaan ayaa yiri, “Farxad weyn…

Read More

Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan ayaa shir guddoominayay kulanka golaha wasiirada Talaadadii, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda, taasoo noqoneysa markii ugu horreysay oo boqorka Sacuudiga lagu soo warramo inuu qabtay howlo rasmi ah tan iyo markii la daweeyay in ka badan toddobaad. Boqorka oo 88 jir ah, oo ah ilaaliyaha labada masaajid ee barakeysan, ayaa noqday hoggaamiyaha dalka ugu weyn ee dhoofinta shidaalka adduunka sannadkii 2015. Waxa uu hore u ahaa dhaxal sugaha iyo ra’iisul wasaare ku xigeenka boqortooyda. Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan ayaa laga dhex arkay sawirada, isagoo guddoominaya shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada, kaasoo ahaa muuqaal laga soo…

Read More

Guddiga Sare ee Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) oo soo gebagebeeyey dib-u-eegistii ugu horreysay ee hannaanka deyn cafinta ee Soomaaliya, ayaa soo saaray go’aan awood u siinaya kaas oo dhigaya in si degdeg ah loo bixiyo lacag gaareysa $10 Millyan oo dollar, taas oo loogu talagay dowladda Soomaaliya. Warsaxaafadeed ka soo baxay Hay’adda lacagta Adduunka ee IMF ayaa lagu sheegay in taageeradaan loo marin doona miisaaniyadda dowladda, taas oo ka dhigaysa wadarta guud lacagta Soomaaliya lagu taageeray qiyaastii $50 Milyan oo dollar. “Barnaamijku wuxuu taageerayaa istaraatiijiyadda dib-u-habaynta maamulka, ka dib markii la gaaro heerka dhammaystirka ee hoos yimaada hindisaha wadamada deymaha…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminaya ayaa kormeer ku tagey degmada Balcad si loo dardargelinayo billawga wajiga saddexaad ee waddada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar. Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlay faa’iidada ay waddadan leedahay, ayaa carrabka ku adkeeyay in ay tahay mid muhiim ah oo fure u ah ganacsiga, kor u qaadidda dhaqdhaqaaqa dadka iyo gaadiidka, horumarinta dhaqaalaha iyo adeegyada aasaasiga ah. Isla markaana ay yareyn doonto waqtiga safarka iyo kharashka Wasiirka koowaad ee Xukuumadda Xamsa Cabdi Barre oo warbixin ku saabsan halka uu marayo diyaar-garowga wajiga saddexaad ka dhageystay Injineerada gacanta ku…

Read More

Ergayga Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arimaha ciidamada deegaanka Mudane Cali Jeyte Cismaan iyo guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Mudane Cabdifitaax Xasan Afrax ayaa kormeeray Madashada loo asteeyay in lagu qabto shirka beesha Cali Madaxweyne oo lagu wado in saacadaha soo aadan uu ka furmo degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan. Mudane Cali Jeyte Cismaan iyo masuuliyiinta la socday ayaa warbixin dhanka amniga ah ka dhageestay saraakiisha amniga ee gacanta ku haaya goobta shirka lagu qaban doono. Shirweynaha beesha Cali Madaxweyne ayaa lagu wadaa in saacadaha soo aaday uu ka furmo degmada Maxaas waxaana socda qaban-qaabadii ugu dambeysay ew shirka.

Read More

Magaalada ayaa waxaa ka soconaya qabanqaabadii ugu dambeysay shirka – iyada oo aad loo adkeeyay ammaanka goobta uu ka furmayo shirkan oo beesha Cali Madaxweyne oo kamida beelaha Xawaadle qabsaneyso. Kulamo hordhac u ah shirka ayaana ka soconaya gudaha magaalada kuwaa oo u dhaxeeya madaxda iyo dhaqanka beesha. Shirkan ayaa si weyn loogu lafa-guri doonaa masiirka beesha Cali Madaxweyne iyo arrimo kale oo muhiim u ah. Waxaana lafilayaa inuu guul iyo natiijo wanaagsan kusoo dhammaado.

Read More

Jowhar /29/May /2024/ Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Hirshabelle: Mudane Maxamed Bashiir Qaasim Daqare iyo Mas’uuliyeen katirsa Maamulka Dagmadda Jowhar: Ayaa kurmeer kutagay kanaalka Xaan shooleey oo dhabaan lagu Sameeyay Dayactir balaaran: kanaal Kanaalkaan ayaa kabiiyo Cabo Beeraaleey aad ufarbadan: https://youtu.be/t5N3qEPBKlI?si=pB287lu0uqBvj_Gw Gudoomiyaha Dagmadda Jowhar ahna Duqa Magaalada Ayaa kahadlay Faa idad kanaalka https://youtu.be/l2HJB5e26XM?si=JUkxFbF4OgqrtreT

Read More

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Soomaalya Saadaam Maxamuud Cabdi oo goordhaw shirjaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday khataro kusoo fool leh xeebaha badweynta Hindiya. Wasiir Saadaam ayaa sheegay in la gaaray waqtiga bad xiranka, islamarkaana maanta wixii ka dambeeya ay xiran tahay galista bada ilaa laga gaaro bisha sagaalaad ee sanadkaan. Waxaa la gaaray xiliga bad xiranka waxaa loo baahan yahay in laga digtoonaado galista badda, ganacsatada, kaluumeysata waxaan uga digeyna galista badda oo khataro ay ka imaan karaan ,sida mowjado culus oo dabeylo ah oo halistooda leh, ganacsatada waa in ganacsigooda aysan…

Read More