Author: radiohalgan.com

Taliyaha hey’adda NISA Cabdullaahi Sanbaloolshe ayaa maanta degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ka furay shir aayo ka tashi ah oo gogoshiisa uu isagu dhigay. Taliye Sanbaloolshe ayaa gogoshaas u dhigay jifadiisa hoose ee Cali Madaxweyne ee beesha Xawaadle, isagoo kula taliyey inay aayahooda ka tashadaan oo sameystaan hoggaamiye dhaqameed ay isku raacsan yihiin. Sanbaloolshe ayaa sheegay in markii hore beeshaan uu Nabadoon u ahaa Cilmi Hagar Guure oo lagu dilay dagaaladii Al-Shabaab iyo beesha Xawaadle ku dhexmaray gobolka Hiiraan. Taliyaha NISA ayaa shirka Maxaas ka furmay ka sheegay in jufadiisa Cali Madaxweyne ay talo iyo towfiiq lahaayeen markii ay galeen…

Read More

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed Xasan ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixyay howlgaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay gudaha dalka. Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegay in ciidanka xoogga dalka todobaadkii lasoo dhaafay howlgalo ka dhan ah kooxda Al-shabaab iney ka fuliyeen deegaano ka kala tirsan gobolada Shabeelooyinka Hiiraan, Galgaduud, Baay iyo Bakool. Wuxuu sidoo kale sheegay afhayeenka in ciidamada dowladda ay howlgaladaasi khasaare xoog leh ku gaarsiiyeen kooxda Al-shabaab, islamarkaana lagu burburiyay gabaadyo ay kooxdu kasoo abaabuli jirtay weerarada oo ay ku lahayeen goboladaas. “Ciidanka Xoogga dalka ayaa cagta mariyay goob Maleshiyada Al-shabaab u aheyd goobo lagu…

Read More

Qaraar ay kasoo shaqeysay dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo ay iskaashi kala sameysay in ka badan 20 dowladood ayaa lagu ansixiyay shirweynaha Caafimaadka Aduunka oo ka socda magaalada Geneva ee dalka Swistzerland. Hindisahaan lagu ansixiyay shirweynaha Caafimaadla Aduunka ayaa ku baaqaya in wadamada caalamka iney si weyn u dhimaan dhimashada hooyada iyo dhallaanka. Waxaa la sheegay in guud ahaan Caalamka sanad walba ay ku dhintaan haween gaaraya 287,000 xiliyada ay Uurka leeyihiin iyo dhalmada, waxaana sidoo kale la xaqiijiyay in sanad walba ay dhintaan 4 Milyan yo 900 oo kun oo ah dhalaan da’doodu ka yartahay 5 sano. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka…

Read More

Waxaa si rasmi ah u soo gabagabeeyay dib u eegistii koowaad ee dhaqaalaha Soomaaliya, kadib kulamo isdaba joog ahaa oo dhexmaray madaxda dowladda Fedaraalka iyo kuwa hay’adda IMF, tan iyo wixii ka dambeeyay deyn cafinta. Kulamada u dhaxeeyay Madaxda dowladda iyo kuwa IMF ayaa soo socday tan iyo bishii Decembar ee sanadkii lasoo dhaafay, xiligaas oo aheyd markii Soomaaliya laga cafiyay deynta. Guddiga sare ee hay’adda IMF ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Soomaaliya ay haatan ku socoto dhabaha saxda ah ee horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya. Go’aan kasoo baxay guddiga sare ayaa loogu ogolaaday dowlada Soomaaliya in si deg deg ah…

Read More

Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa maanta laga cafiyay deyntii Ururka Midowga Boostada Adduunka (UPU) kadib wadahadalo ku dhexmaray magaalada Berne ee dalka Switzerland Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Soomaaliya Maxamed Aadan Macalin Cali Soomaali iyo Agaasimaha guud ee Midowga Boostada Adduunka (UPU) Mr. Masahiko Metoki. Ujeedka safarka wasiirka ee magaalada Berne ayaa la xariiray sidii Soomaaliya looga cafin lahaa deynta Ururka UPU oo aheyd ku dhawaad 2 milyan oo doolarka Mareykanka ah, taasoo isugu jirtay qaaraanka xubinimada oo dhan Hal Milyan doolar iyo dulsaar aruurey oo ka soo billaawday Sebtember 1982-kii illaa 2018-kii. Agaasimaha Guud ee Ururka UPU, Mr Masahiko Metoki ayaa…

Read More

Wasiirka Wasaaradda amniga gudaha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya  Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil ayaa sheegay iney diyaariyeen ciidankii badali lahaa kuwa ATMIS ee la filayo in dhamaadka sanadkaan dalka isaga baxaan. Wasiir Fartaag ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay haatan ku filan yihiin la wareegida amniga guud ee dalka, islamarkaana aysan jirin wax shaki ah oo arintaasi laga qabo. “ATMIS hadii ay dalka ka baxdo Ciidamadii badali lahaa waa diyaar sanyihin, wax walaac ahna majiraan amnigeena inaan la wareegno waa u diyaarsanahay, ciidamada kala duwan ee qaranka iyo geesiyaasha macawiisleeyda ayaa u diyaar ah iney iska kaashadaan guud ahaan amniga dalka marka ay…

Read More

Marka ay noqoto qurbaha si gaar ah dalalka reer galbeedka waa wax inta badan bulshadu ay maqasho qof lagu tilmaamo cunsuri ayaa weerar qaaday oo dad dilay ama waxyeello kale geystay. Si gaar ah marka aynu dul istaagno waxaa jira weerarro dhowr ah oo lagu qaaday masaajid ay mas’uul ka yihiin culimo Soomaaliyeed kuwaas oo ku kala yaallay dalal kala duwan sida Yurub iyo Mareykanka. Mareykanka Masjid ku yaalla Minneapolis oo la yirhaado Al-xikma ayaa dhowr mar la wareeray iyada oo weerarka uu geystay hal nin oo nacayb lagu tuhmay. Ninka ayaa ilaa 2020-kii si isdaba jog ah u weerarayay…

Read More

Soomaaliya, tiro malaha dadka u waxyeelloobay hubka sida sharci darrada ah loo rido iyada oo mararka qaar ay guryaha ugu tagaan qoysas aan waxba ka ogeyn waxa socda ama sababta loosoo riday. Hodan Saalax waxa ay saygeedii, gabadheedii, iyo labadeedii lugoodba ku weyday madaafiic gurigooda ugu tagay iyaga oo hurda. Xaflada caleema saarka madaxweynaha 10-aad ee dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo hadda laba sano ay ka soo wareegtay ayaa xilligaas socotay. Madaxweyne Xasan Sheekh waa madaxweynaha kaliya ee mar labaad loo doortay Soomaaliya. Habeenkii caleema saarka madaxweynaha Soomaaliya magaaladu waxa ay ahayd mid aad u sawaxan badnayd, waxaana…

Read More

Maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC ayaa dalbatay in la soo xiro ra’iisul wasaaraha Israa’iil iyo wasiirka gaashaandhigga iyo sidoo kale madaxda Xamaas. Sida laga soo xigtay maxkamadeynta, hogaamiyayaashan ayaa loo heystaa dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah aadanaha. Dacwad oogaha guud ee maxkamadda, Karim Asad Ahmed Khan, ayaa eegaya kiiskan. Karim Khan waa Pakistani asal ahaan. Dhegaysiga dacwadda, waxuu sheegay in jiraan “caddeymo la taaban karo” oo muujinaya in ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo hoggaamiyaha Xamaas ee Gaza Yahya Sinwar ay galeen dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah aadanaha. Ma aha oo kaliya labada shaqsi, laakiin…

Read More

Dalka Koonfur Afrika waxaa ka socota tirinta codadkii la dhiibtay doorashada Guddiga doorashada ee dalka ayaan ku adkeysanaya in xilligii loogu talogalay ku dhawaaqi doonaan natiijada doorashada. Isagoo la hadlayay warbaahinta, Sy Mamabolo, oo ah madaxa Gudiga Doorashada, ayaa sheegay in la ogaan doono natiijada doorashada “waqti ka mid ah dhammaadka usbuuca”. Waxa uu hore u sheegay in Axadda ay tahay maalinta ay suurtogal tahay. Sharci ahaan, komishanku waxa uu haystaa todoba maalmood oo ka bilaabmaysa doorashada si ay hawsha u dhameeyaan. Taariikh ahaan, dadka reer Koonfur Afrika ayaa looga bartay inay ogaadaan natiijada maalinta Sabtida ka dib doorashada. Laakiin,…

Read More