Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Ciidamada gaarka u tababaran ee Kumaandooska DANAB ayaa ka qaybgalaya dhoollaturka Militari ee berri ka billaabanaya Dalka Kenya ee la qorsheeyay in uu socdo inta u dhaxaysa 26ka Febaraayo ilaa 7da Maarso 2024. Ciidamadaan ayaa mudnaan gaar ah ku dhex leh howlgallada ka dhanka ah βASβ ee dhulka baaxadda wayn looga qabsaday deegaanno kala duwan oo dhaca Koofurta & Bartama Soomaaliya sida lagu yiri warbixinta laga soo gudbiyay dhoolatuskaan. Maraykanka oo tababaray ciidamadaan Kumaandooska DANAB ayaa hor-boodaya dhuulatuska waxaana uga qaybgalaysa saraakiil iyada oo arrintaan lagu muujinayo cududa ama awoodda ciidamadaan ay tababarka siisay Xukuumadda Washington ee Geeska Afrika ku…
Waxa shalay Xafadaha qar laga soo aruuriyay Ergadii lagu sheegay in eey yahiin Hiiraan State oo Dumar u badana. Dadkaas oo lagu shagay Hiiran State ayaa Madaxweynihii Hore ee Hiiran State Cali Jeyte Cusmaan ku eedeyay in Hiiran State meel cidla ah uga tagay. Dhanka kale isla Ergadii ayaa kalsoonidii kala laabatay Madaxweye Cali Jeyte oo isla asigane isku Caano shubay kal hore oo xilka qadis lagu sameeyay. Hase yeeshee Abdullahi Ganey ayaa horay u ahaa Madaxa Golaha Amniga Hiiran State uu magacaabay Isla cali Jeyte. Wuxuu la tartamay Deeq Abdullahi Abukar Abdullahi Ganeyna Waxeyna noqday Wax lalayabo. Allow…
Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Mudane Cabdulaahi Axmed Maalin (Sufurow) ayaa ka mahadceliyey soo dhaweynta sare ee Magaalada Jowhar loogu saameyey. HOOS KA DAAWO MUUQAALKA Gudomiyaha Gobolka HiiraanΒ
Xukuumadda Raβiisul Wasaaraha Israaiil ayaa cadaadis xooggan waxa ay saaraysaa ciidamada Yuhuudda si ay dib ugu laabtaan xaafado katirsan Magaalada Gaza oo si tartiib-tartiib ah dib uga gurteen todobaadyadii lasoo dhaafay. Ciidamadaan Israaiil ayaa sababta ay isaga baxeen difaacyadaas ayaa lagu sheegay in khasaaraha uu ku kordhay iyaga oo ku dooday in godad ka dambeeya dhufeesyadooda ay uga soo baxayaan dagaalamayaasha Xamaas. Ciidankii gaarka u tababarnaa ee Kumaandooska Israaiil ayaa horay isaga baxay goobo kala duwan oo Magaalada Gaza katirsan waxaana ay halkaas ku waayeen saraakiil iyo askar dagaallada & qaraxyada ku dhintay. Benjamin Netanyahu oo kaashanaya Wasiirro katirsan Yuhuudda…
Howlgalka Kumeel-gaarka ah ee Midowga Afrika loona soo gaabiyo ATMIS ayaa sheegay in ciidamadooda ay billaabeen howlgallo lagu ballaarinayo waddooyinka gaar ahaan Gobolka Shabeelaha Hoose Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed. Ciidamada Uganda oo adeegsanaya Gawaarida loogu talagalay in lagu jaro geedaha waa wayn ayaa sameeyay howlgallo ay ku jarayaan geedahaas jidka soo galay si loo gududeeyo isu socodka Dadka iyo Gaadiidka. ATMIS ayaa Sheegtay in maamullada maxalliga ah & bahwadaagta horumarinta caalamiga ah ay kala shaqayso sidii kaalinteeda uga qaadan lahayd howlahaan ay qaybta ka tahay ballaarinta waddooyinka si loo jaro geedaha. Ciidamada Uganda waxa ay ka howlgallaan Gobolka Shabeelaha Hoose Dowlad-Goboleedka…
Madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump ayaa guul weyn ka gaaray doorashada horudhaca ah ee isreebreebka xisbiga Jamhuuriga ee gobolka South Carolina. Trump ayaa ka adkaaday gabadha la tartamaysay ee Nikki Haley, wuxuna gobolkan noqonayaa wadankii Trump oo ku tilmaamay guushiisii xalay mid cajiib ah. Nikki Haley oo hadlaysay markii laga adkaaday ayaa sheegtay in Trump uusan u babac dhigi karin Joe Biden doorashada madaxtinimo ee la filayo in ay dhacdo Nofembar sanadka 2024. βMa aaminsani in Donald Trump uu ka adkaan karo Joe Bidenβ ayay tiri Nikki Haley oo Donald Trump kula tartamaysa doorashada horudhaca ah ee gudaha xisbiga…
LOCAL NEWS ENGLISH NEWS WORLD NEWS VIDEOS CONTACT PRIVACY HomeΒ Β NEWS Saciid Ciise: βAbaal waxaa mudan Siyaasiyiinta raba wax ka bedelka Dastuurkaβ By Caydiid Ali Β – February 24, 2024 Wax lala yaabo maahan in siyaasiyiin Soomaaliyeed oo mucaarada ay ka soo horjeestaan isbedel siyaasadeed oo lagu sameeyo waxyaabihii soo jireenka u ahaa siyaasadda Soomaaliya qarnigii tegey, kuwaasoo rabitaanka fikradahoodu ay raacsan yihiin in wax walba sida ay ahaan jireen ay sii ahaadaan, iyadoo kuwaas aan lagu sameyn wax isbedela oo salka ka rujiya wixii soo jiriinka ahaa oo bulshada dhexdeeda ka dhaqan galay. Fikradaha nuucaasa waxaa aaminsan siyaasiyiinta isbedel diidka ah…
Imaaraatka Carabta ayaa Masar siin doona $35 bilyan si ay u iibsadaan magaalada Ras el-Hekma ee ku taal xeebta waqooyi Masar,sida uu maanta ku dhawaaqay raβiisul wasaaraha Masar Mostafa Madbouly ka dib toddobaadyo la isla dhexmarayay, wuxuuna saxiixay heshiiska ay Imaaraadka ku yeelanayaan magaaladan. Marxaladda dhaqaale ee Masar, waxay qaadayaan waddo kasta si ay uga badbaado xaaladda burburka dhaqaale. Madbouly ayaa shir jaraaβid oo uu qabtay, oo ay ka soo qayb galeen masβuuliyiin ka tirsan Masar iyo Imaaraatka ku sheegay in Masar ay heli doonto lacag horudhac ah oo dhan $15bn toddobaadka soo socda, iyo $20bn oo kale oo ay…
Madaxweynaha Eritrea Isaiah Afewerki ayaa maant safar ku tagay magaalada Qaahira ee dalka Masar, waxaana si diiran u soo dhoweeyey dhigiisa dalka Masar Abdel Fattah Al-Sisi Booqashadaan ka horay muddo bil ah ayaa safar uu wasiirka arimaha dibadda ee Masar ku tagay Eritrea waxaa uu u sheegay in madaxtooyada Masar ay casuumaad rasmi ah u fidisay Afewerki. Waxaa la filayaa in uu halkaas ku qaato saddex maalmood oo booqasho rasmi ah. Tan iyo markii Itoobiya la saxiixatay heshiis Somaliland ayaa waxaa xiisadi ka dhalatay gobolka. Masar ayaa horay u sheegtay in milatari ahaan ay dhinac istaagi doonto Soomaaliya oo ka…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta saxiixay sharciga illaalinta iyo maareynta deegaanka oo ay horray u ansixiyeen labada aqalka ee Baarlamaanka JFS. Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo Isbeddelka cimilada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Almakhsuumi ayaa madaxweyne Xasan Sheekh uga mahadcelisay inuu saxiixay sharcigaan oo muhiim ah ilaalinta deegaanka. βWaxaan u mahad celinaayaa madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh MaxamuudΒ oo maanta saxiixay sharciga ilaalinta iyo Maareeynta Deegaanka ee ay horrey u ansixiyeen Labada aqal ee baarlamaanka JFSβ ayey tiri wasiir Khadiijo Maxamed Almakhsuumi. Wasaaraddda deegaanka iyo isbaddelka cimilada ee DFS ayaa in muddo ah ku…
