Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Wasiiru-dowlaha Madaxtooyadda Galmudug ayaa goordhoweyd iska casilay xilkii, isaggoo casilaadiisa hab qoraal ah ugu gudbiyey madaxweyne Axmed Qoor-Qoor. Cumar Shido oo qoraal soo saaray ayaa ka gaabsaday inuu xuso sababta ka dambeysa is-casilaadiisa, isaggoo sheegay inuu reer Galmudug u adeego doono xataa in haddii uusan xil haynin. “Anigoo aaminsan in aan si hufnaan iyo daacadnimo ku jirto ugu adeegay shacabka reer Galmudug, islamarkaana ilaaliyey mas’uuliyadii ballaarneyd ee madaxda Galmudug igu aamineen. Waxaan cadeynayaa in aan Iska Casilay xilka wasiiru dowlaha Madaxtooyada. Wasiiru-dowlaha is-casilay ayaa xilkan hayay tan iyo mudaddii ay dhisneyd xukuumadda madaxweyne Qoor-Qoor, waxayna is-casilaadiisu kusoo aadeysa xilli uu…
Maamulka HirShabelle ayaa ku dhowaaqay howl-gal cusub oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo ka bilaabanaya deegaano ku yaalla galbeedka deegaanada iyo degmooyinka maamulka. Deegaanada oo weli ku sugan yihiin kooxda ayaa maamulka uu qorsheynayaa in howl-gal qorsheysan lagu qaado, xilli uu dhawaan bilaaban doono wejiga labaad ee dagaalka kooxda Al-Shabaab. Si loo dardar-geliyo qorshahan waasiirka amniga gudaha HirShabelle ayaa deegaanka Carmooleey oo hoostaga degmada Gamboole ee gobolka Sh/Dhexe ku booqday boqolaal kamid ah ciidamada difaaca shacabka ee dib u xoreynta deegaanada galbeedka HirShabelle ee la magac baxay duufaanta Sheekh Xasan Barsane ee ku sugan deegaanka Carmooleey. Wasiirka amniga…
Horjooge Ismaaciil Jimcaale Fiidow ayaa maanta usoo gacan galay dowladda kadib markii uu isku dhiibay ciidanka xoogga dalka ee ka howl-gala degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud. Horjooge Ismaaciil oo kooxda Al-Shabaab ka tirsanaa muddo fog ayaa sheegay inuu adkeysan waayay howl-gallada ay wajaheyso kooxda, isaggoo ugu baaqay saaxiibadiisa kale ee weli baaqiga ku ah kooxda inay iskaga soo baxana. “Waxaan halkaas kula kulmay ma ahan wax laga sheekeyn karo, rafaad, oon iyo cabsida xooggan ee howlgalka ayaa ahaa kuwa aan halkaas uga jiri waayay, keentayna isa-soo dhiibkeyga, waxaana ugu baaqayaa kuwa weli aanan quusan inay meesha ka soo baxaan,” ayuu…
Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA, ayaa maanta 750 qoys waxa ay gargaar ka kooban qaybaha kala duwan ee raashinka ugu qeybisay degmada Baraawe ee gobalka Shabeellada Hoose. Qoysaska gargaarkaan la gaarsiiyay ayaa iskugu jiray barakacyaal, naafo iyo dad danyar ah, iyada oo goobta lagu qeybinayey mucaawinadaan ay goobjoogayaal ka ahaayeen, mas’uuliyiin kala duwan oo ugu horreeyso, Agaasimaha waaxda gargaarka SoDMA Sahra Cali Yuusuf, Guddoomiyaha degmada Baraawe Cumar Sheekh Abdi, ku xigeenkiisa dhanka amniga Ismaaciil Abdullaahi Jaadane iyo masuuliyiin kale. Sidoo kale, Qoysaska loo qaybiyey deeqdaan ayaa uga mahadnaqay Madaxweynaha JFS, Ra’isulwasaaraha XFS iyo hoggaanka sare ee SoDMA. Gargaarkaan ay…
Agaasinka guud ee Waxbarashada Dowladdda Hoose ee Xamar ayaa maanta soo bandhigay natiijada Imtixaankii Fasalka 8aad (Dugsiga Dhexe) ay galeen Ardayda ku sugan Gobolka Banaadir oo tiradoodu gaareysay 32,689 Arday. Natiijada lasoo gudbiyay waxaa lagu sheegay in 2,103 Arday ay ku dhaceen Imtixaankaas kuwaas oo isugu jira Wiilal iyo Gabdho sida lagu sheegay warka kasoo baxay Agaasinka guud ee Waxbarashada Dowladda Hoose ee Xamar. Ardayda gudubtay ama baastay oo dhan 30,586 Arday ayaa fursad u heli doonna in ay sii wataan Waxbarashada Dugsiga Sare, waxaana galka Arday weliba loo gacangeliyay Iskuulkii uu wax kusoo bartay si loo diiwaangeliyo kuwa guuleystay…
Suuqyada Waa weyn ee Magaalada Muqdisho ayaa maanta u xiran canshuurta ay soo rogtay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya sida ay Mustaqbal u sheegeen ilo kala duwan oo ku sugan Suuqyadaas. Ganacsatada ayaa soosaartay go’aan ay ku sheegeen in ay ku dhaqaaqayaan shaqo joojin maanta ka billaabaneysay waxaana muuqda in uu dhaqangalay go’aankooda maadaama ay xireen goobahooda Ganacsiga. Suuqa weyn ee Bakaaraha waxaa xiran dhammaan Goobaha Ganacsiga, Dadkii ku ganacsanayay ayaa horfadhiya oo waxa ay diidan yihiin in ay albaabada furaan, waxa ay ku doodeen in ay doonayaan in la dhageysto tabashada ay qabaan. Qaarkood waxa ay tilmaameen in markii…
Qarax xooggan oo dhaliyay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa goordhaw ka dhacay maqaayad lagu shaaho oo kutaalla degmada Dayniile , gaar ahaan meel ku dhaw xarunta degmada maamulka degmada . Sida aan xogta ku helnay qaraxa miino ayaa ka dhacay maqaayad ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan booliisa milataaro , waxaa sidoo kale goobta qaraxa ka dhacay ku sugnaa dad shacab ah oo qaarkood maqaayada ku sugnaayeen. Goobjoogayaal ayaa ku waramay in dad gaaraya 12-qof oo u badnaa ciidanka booliisa milataaro ay ku dhinteen qaraxa, waxaa sidoo kale qaraxa ku dhaawacmay dad kale oo badan ,kuwaa oo…
Ciidanka Israa’iil ayaa ku dhawaaqay inay soo afjareen howlgalkii 10ka bilood ka wadeen gudaha Qasa Hay’adda sirdoonka Israa’iil ayaa sidoo kale ku wargeliysay Netanyahu in la gaaray xilligii uu qaadan lahaa heshiis xabad joojin ah, sida ay sheegtay Al-Jazeera oo xiganaysa warbaahinta Israa’iil. Ciidanka Israa’iil ayaa la sheegay inay gudaha Qasa geli karaan marka ay diyaariyaan xogta sirdoon ee howlgallada, taasoo ka dhigan inaysan jirin xog sirdoon oo ay waqtigan la joogo ciidanka ku sugan gudaha Qasa heystaan si ay weerarro u fuliyaan. Israel ayaa waxaa Gaza kaga sugan ku dhowaad 100 kun askari oo qalabkoodu u dhan yahay kuwaasoo…
Madaxweynaha Burkina Faso Ibrahim Traore ayaa diiday kaalmada dhaqaale ee IMF iyo Bankiga Adduunka. Ibrahim Traore ayaa sheegay in deeqaha reer galbeedka ay yihiin kuwa sabab in Afrika ay ku talaabsan weyso horumar iyo isku tashi. “Afrika uma baahna deeqaha Bankiga Adduunka, IMF, Europe ama Mareykanka, Afrika waxay haysataa wax kasta oo ay ku horumarin karto dhaqaalaheeda, iyada oo aan wax deyn ah ka qaadan dalalka shisheeye, ee gumeysiga nagu haysta,” ayuu yiri Ibrahim Traore. Kabtan Ibrahim Traore oo xukunka ku qabsaday afgembi ayaa noqday hoggaamiyaha ugu da’da yar afrika. Waa askari taliskii ka horreeyay ku dhaliilay istraatiijiyad aan miro-dhal…
Weerarradii gantaalaha ee Iiraan ay ku qaadday Israa’iil kaasoo billowday habeenkii Sabtida 13 April ayaa mar kale dhaliyay cabsi laga qabo in xaaladda Bariga Dhexe ay kasii darto. Inkastoo uusan khasaare muuqda gaarin Israa’iil, haddana 300 oo gantaallo ah waxay muujinayaan awoodda ay Iiraan u leedahay inay masaafo fog wax kasoo weerarto. Kani waa sii xoogeysiga waxa muddo dheer ahaa dagaalka gacan saddexaad, taasoo ahayd weerarrada ay Israa’iil u geysanayaan kooxo xulafo la ah Iiraan, iyo duqeymaha bartilmaameedyo Iiraan lala xiriirinayo oo si weyn loogu nisbeyn jiray Israa’iil. Israa’iil ayaa haatanba ku jirta dagaalka Gaza waxayna sidoo kale wajaheysaa dagaal…