Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Berhane Abrehe – oo ah wasiirkii hore ee maaliyadda Eritrea ayaa waxa uu ku geeriyoday gudaha xabsiga sida ay sheegeen qoyskiisu. Ninkaan ayaa waxa uu ahaan jiray mid aad u dhaliila madaxweynaha mudada dheer talada dalkaas haya,, Isaias Afwerki. Wasiirka oo ku dhintay da’da 79 jirka ayaa waxa uu soo noqday wasiirkii maalyadeed ee ugu muddo xileedka dheeraa dalkaas, balse waxaa laga xayuubiyay taladaas sanadkii 2012 kii, kadib markii ay isku dhaceen isaga iyo madaxweynaha dalkiisa. Balse lix sano kadib ayaa xabsiga la dhigay markii uu soo saaray uu ku tilmaamayo madaxweynaha “kaligii talis” u baahan in uu is casilo.…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo ka qeyb-galay 22kii August kulan dadweyne oo su’aallo lagu weeydiinayey Ra’iisulwsaaraha kadib markii muddo laba sano ah ay u buuxsantay xukumaddiisa ayaa su’aalahii la weeydiiyay waxaa ka mid ahaa su’aal ku aadaneyd sababta ay dowladda Soomaaliya ay u aqoonsan weysay SSC Khaatumo, laakin Ra’iisulwsaaraha ayaa arintaasi kaga jawaabay” Haddii ay doorasho ka ka dhacdo Somaliland oo ay madax cusubi ay timaado, waxa aan rajeyneyna in aan isla jaan qaadi doono, oo Soomaaliya oo mid ah oo walaalo ah aan heli doono” isagoo intaasi ku daray in ay taasi ka shaqeyneynaa…
Aabe Cabdicasiis Maxamed oo dhalay marxuumad Luul oo ahayd xaaskii Sayid-Cali Macallin Daa’uud ayaa maanta soo saaray dalab culus ku aadan kiiskiisa gabadhiisa, xilli ay maanta guda gashay Maxkamadda Sare ee dalka. Aaabe Cabdicasiis ayaa dalab toos u ah gudbiyay Maxkamadda Sare, wuxuuna ka codsaday inay cadaalad u raadiso gabdhiisa, ayna si xaq ah ugu kala xaq soorto labada dhinac. https://youtu.be/0ngvTpwfvGY?si=G1ilPlHa8fII-bh3 Waxaa kale oo uu rajo wanaagsan ka qabo in kiiska uu soo dhammaan doono, isla markaana uu heli cadaalad. “Xaalkeeda normal waayay waxaan sugayaa cadaalad ayaan Ilaahey ka sugeynaa xaqa hala ilaaliyo dadka haloo kala xaq sooro, cidna yaan…
Senator Iftin Xasan Baasto oo laga soo doorto Jubbaland oo maanta hadal ka jeediyay kulanka Golaha Aqalka Sare ayaa weerar culus ku qaaday hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada dalka, isagoo u jeediyay eedeymo culus. Iftin Baasto ayaa sheegay in madaxda maamul goboleedyada ay noqdeen caqabadda koowaad ee dalka, isla markaana ay hortaagan yihiin horumarka shacabkooda. Senatorka ayaa tusaale usoo qaatay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, wuxuuna tilmaamay inay ku hagrdeen madaxweyne Xasan oo safka hore uga jiro hoggaaminta dagaalkaasi. “Ilaa hadda ma hayno madaxweyne dowlad goboleed ummaddii uu xukumayay oo uu horjoogay inuu soo hor istaago hoggaamiyo kaalintii iyo doorkii uu lahaa uu…
Maamul goboleedka Koonfur Galbeed ayaa war kasoo saaray xiisadda ka dhalatay isbaarooyinka lasoo dhigay duleedka degmada Wanlawayn ee gobolka Shabeelaha Hoose, taas oo dhalisay dagaal u dhexeyso ciidanka amniga iyo maleeshiyaad deegaanka ah. Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Koonfur Galbeed oo oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa nasiib darro ku tilmaamtay isbaarooyinkaasi, waxayna sheegtay inay khatar ku yihiin amniga iyo sidoo kale nolosha dadka shacabka ah. Sidoo kale wasaaradda ayaa boggaadisay howlgallada ay wadaan ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed oo maalin kahor dagaal la galay maleeshiyaadka ku sugan Yaaqbiriweyne. “Waxaan cod dheer ku sheegeynaa in ay banaan tahay in lala dagaalamo, lana…
Maamulka Shirkadda Diyaaradaha ee Ethiopian Airlines ayaa warqad codsi ah u diray Hay’adda Duullista Rayidka Soomaaliya oo horay ugu wargelisay in Magaalooyinka deegaannada Maamulka Somaliland ka baddesho kana dhigto Soomaaliya. Xaanshida ay soo dirtay Ethiopian Airlines waxa ay ku codsatay muddo 2 cisho ah, mana sheegin in labadaas maalin kaddib ay si rasmi ah u qaadaneyso go’aanka Hay’adda Duullista Rayidka Soomaaliya iyo in ay ganafka ku dhufanayso. Ethiopia Airlines ayaa Duullimaad joogta ah ka sameysa Magaalooyinka Muqdisho, Hargeysa iyo kuwo kale oo katirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, balse Itoobiya ayaa duullimaadkeeda Gobollada Waqooyi u adeegsata ‘Somaliland’. Xukuumadda Abiy Ahmed ayaa 1dii…
Ciidanka Boliiska Gobolka Banaadir ayaa soo xiray eedeysane Maxamed Bashiir Axmed xarun ganacsi ku leh Muqdisho Ninkan ayaa lagu eedeeyey inuu ku kacay fal baal-marsan sharciga dalka iyo in la buriyo habraacii Cashuuraha Dalka gaar ahaan canshuurta iibka ee dhowaan DF ay ku soo rogtay dadka wax iibsanaya. Ninkan ayaa baraha bulshada soo dhigay muuqaal uu iska duubay oo muujinaya isagoo ku sugan goobtiisa ganacsiga, isla markaana jeexjeexaya warqada uu ku qoran tahay nambarka Merchantiga ee qaabilsan inuu macaamiisha ku diraan canshuurta iibka %5. Sidoo kale muuqaalka ayaa muujinaya ninkan oo nambarka uu jeexjeexay ku bedelaya nambar EVC caadi ah…
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macalim Fiqi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dowladda Ingiriiska Soomaaliya. Qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Kulanka looga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhaqaalaha iyo amniga. Sidoo kale, labada dhinac ayaa ka wada hadlay madax baaanida dalka iyo ilaalnta midnimada Saoomaaliya. Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya ayaa qiray in ay markasta garab taagan yihiin amniga iyo nabad.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in Itoobiya aanay ciidankeeda kamid noqon doonnin howlgalka cusub ee ATMIS lagu baddelayo haddii ay diido in ay dib uga laabato heshiiskii ay la gashay Maamulka Somaliland. Xamsa ayaa xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay gudbisay qaraar ka dhan ah xadgudubka Itoobiya isla markaana ay laga sugayo Xukuumadda Addis Ababa in ay ka laabato haddii ay diiddana ciidankeeda laga saarayo Gudaha Dalka sida uu hadalka u dhigay. Waxa uu intaas ku daray in haddii aanay Ixtiraam u muujin midnimada iyo wadajirka Soomaaliya in aan Itoobiya laga aqbali doonnin in…
Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta ayaa aqbashay magacaabista Danjiraha cusub ee Taliban ay u magacaabay Dalkaas si uu uga shaqeeyo isku xirka danaha Dalkaan Carbeed iyo Afgaanistaan sida hadalka loo dhigay. Sarkaal sare oo katirsan Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta ayaa sheegay in Dalkaan ku yaalla Khaliijka uu aqoonsaday kana guddoomay warqadaha aqoonsiga safiirnimo kana mid ahaan doonno danjireyaasha ku sugan Abu Dhabi. Dowladda cusub ee Afgaanistaan oo hoggaanku ay u hayaan Taliban oo horay u maamulaysay intii u dhaxeysay 1996dii ilaa 2001dii ayaa dib u heleysa aqoonsiga Dalal badan oo si tartiib-tartiib ah ula sameysanaya cilaaqaad siyaasadeed. Saddexdii sano ee lasoo…