Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah waxa ay aqrinta 1aad gelinayaan Hindise sharciyeedka Tacliinta Sare ee Qaranka oo ay soo gudbisay Wasaaradda Waxbarashada. Xubnaha Baarlamaanka oo lagu wargeliyay saacado kahor kulankooda maanta iyo ajendaha laga doodayo ayaa la ogeysiiyay in ay soo xaadiraan si aanay kooram la’aan uga baaqan fadhigooda sida hadalka loo dhigay Mas’uuliyiin katirsan Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka ayaa maanta hortagaya Golaha Shacabka waxaana wehlin doonna Guddiga Baarlamaanka u qaabilsan dhinaca Waxbarashada. Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Soomaaliya ayaa dhowaan kordhisay macallimiinta u diiwaangashan kaddib…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo ku sugan Xarunta Qaramada Midoobay ee New York ayaa kulan gaar ah la qaatay Wakiilka gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika Annette Weber. Xamsa iyo Weber ayaa kawada hadlay xoojinta wadashaqeynta ka dhaxeysa Soomaaliya & Midowga Yurub gaar ahaan dhinacyada Horumarinta dhaqaalaha, Amniga iyo Siyaasadda sida lagu yiri war lagu daabacay barta Xafiiska Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre. Inta uu kulankaan socday waxaa diiradda lagu saaray xaaladda ka taagan geeska Afrika ee salkeedu yahay xadgudubka Gurracan ee Itoobiya ku heyso Madaxbannaanida, wadajirka iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.…
Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Suudaan Cumar Xasan Axmed Al-Bashiir ayaa la geeyay goob caafimaad oo ku taalla Magaalada Merowe ee Waqooyiga Dalkaas si loo daweeyo sida ay sheegeen qareenkiisa iyo saraakiil kale oo katirsan Dowladda. Al-Bashiir oo da’diisu tahay 80 sano waxaa la xiray 16kii Juun sanadkii 2019, waxa uu bilihii lasoo dhaafay la dhibaateysnaa xannuuno kala duwan oo intooda badan u baahan in si joogta ah looga warqabo loona hubiyo. “Cumar Xasan Axmed Al-Bashiir waxaa loo wareejiyay Isbitaal ku yaalla Magaalada Merowe ee Waqooyiga ku taalla, xaaladdiisa ma darno balse si joogto ah ayuu u baahan yahay in la…
Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa maanta Dhuusamareeb kula kulmay wakiilka Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya James Swan oo maanta gaaray magaaladaasi, waxayna yeesheen wada-hadallo xasaasi ah. Kulanka oo ka dhacay xarunta madaxtooyada Galmudug ayaa waxaa diiradda lagu saaray halka ay mareyso xaaladda guud ee dalka iyo mashariicyada kala duwan ee horumarineed ee ay QM ka fuliso deegaanada Galmudug. Sidoo kale waxaa kulankan lagu soo qaaday xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, dastuurka iyo dagaalka Al-Shabaab, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada maamulka Galmudug. “Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka halka ay mareyso,…
Beledweyne(radiohalgan.com)- Wararka aan ka heleyno Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa tibaxaayo Rag Al-Shabaab ah iyo Dadkale Oo Dil Ku xukunaa Oo Kabaxsaday Saldhiga Boliska Baladweyne Tuhun Soo galay Taliyaha saldhiga iyo Sarakiil oo gatay shaqsiyaadka baxsaday. Sida u xaqiijiyeen radio Halgan dad ku dhow dhow Sarakiilsha. Waxii warar oo ku soo kordho kala soco marwlba Ish Warar radio Halgan
Wasiirkii hore Soomaaliya ayaa yir Madaxweynihii hore Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare Waarow ka gaabso. Walaakeey Waare inta uu yahay ku Xigeenka Xoghayaha fulinta IGAD, marka uu fagaare joogo ama uu saxaafad la hadlayo laba middood ayaa la gudboon. Waa in uu gebi ahaanba ka aammuso siyaasadda dalalka IGAD oo ay ku jirto Soomaaliya iyo xiriirradooda caalamiga ah. Midda labaad oo u furan waa in uu uga hadlo si aan baalmarsaneyn, ka cusleyn kana khafiifsaneyn ee si buuxda u waafaqsan mowqifka IGAD oo keliya ay gooyaan Golaha Wasiirrada IGAD ka dibna ay Madaweynayaashu ansixiyaan. Ra’yi iyo mowqif siyaasadeed oo aan…
Saraakiisha Lubnan ayaa sheegay in duqeymo cirka ah oo ay Israa’iil Isniinti shalay ku garaacday qeybo ka mid ah dalka Lubnan ay ku dishay 492 qof oo ay ku jiraan in ka badan 90 dumar iyo carruur ah. Khasaaraha nafeed ee ka dhashay duqeyntaasi ayaa lagu sheegay tii ugu ballaarneyd ee ka dhacda Lubnaan, tan iyo dagaalki Israa’iil iyo Xisbullah ee sannadki 2006-di. Wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan ayaa sheegtay in dadka ku dhaawacmay duqeynti Isniinti ay gaareen ilaa 1,645. Dhimashada ayay ku sheegtay ku dhawaad 500 oo ruux, oo ay ku jiraan 35 carruur ah iyo 58 dumar ah. Millatariga…
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa magaalada New York kulan kula qaatay wasiirrada arrimaha dibadda dalalka Masar iyo Eritrea, Badr Abdelatty iyo Osman Saleh. Wasiirrada ayaa magaalada New York ee dalka Mareykanka uga qayb gelaya kulanka 79-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay. Saddexda Wasiir ayaa ka wadahadlay qorshaha iskudubarid heer sare ah iyo rabitaanka siyaasadeed ee 3-da dal, si loo gaaro yoolalka iyo danaha ay wadaagaan Soomaaliya, Masar iyo Eritrea. Dalalkaan 3-da ah ayaa cadowgooda koowaad ee dunida u arka Itoobiya, waxayna sameysteen xulufo aan weli xoogeysan, balse waxaa jira dano badan…
Waxaa maanta magaalada New York ee dalka Mareykanka ka furmaya kalfadhiga 79-aad ee Golaha Guud ee QM oo ah shirka diblomaasiyadeed ee ugu weyn ee dunida. Shirka oo socon doona 24-ka ilaa 30-ka bishaan, waxaa furaya xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, waxaana shir guddoomin doona madaxweynaha Cameroon Philemon Yong. Shirkan ayaa waxaa sanadkan khudbad ka jeedin doona 76 madaxweyne, afar madaxweyne ku-xigeen, labo amiir, 42 ra’iisul wasaare, 9 ra’iisul wasaare ku-xigeen, 54 wasiir, hal wasiir ku-xigeen iyo lix kale oo ergo ah. Halku dhegga sanadkan ee kalfadhiga golaha loo dhan yahay ee QM, ayaa ku saabsan in aan…
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo ku sugan xarunta Qaramada Midoobay ee New York ayaa halkaasi ka wada kulamo uu la yeelanayo masuuliyiin kala duwan. Ra’iisul wasaarah ayaa kulan muhiim ah la qaatay Amiirka leh dhaxalka dalka Kuwait, Sheekh Sabaax Khaalid Al-Hamad Al-Mubarak, kaasi oo isna New York uga qayb-galaya shirka Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay. Ra’iisul Wasaaraha iyo Amiirka ayaa waxay kulankooda uga wada-hadleen xoojinta cilaaqaadka iyo iskaashiga taariikhiga ah ee u dhaxeeya labada waddan ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Kuwait, iyadoo Amiirka uu bogaadiyay horumarka ay Soomaaliya ka sameysay dhinacyada amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha.…