Author: radiohalgan.com

Wasiirka Warfaafinta ee Somalia Daa’uud Aweys Jaamac ayaa sheegay in DFS ay ku deeqeyso nus malyuun dollar oo wax loogu qabanayo daryeelka caafimaadka ee dadkii ku waxyeeloobay weerarkii ay Al shabaab ku qaaday xeebta Liido Jimcihii ina dhaafay. Wasiir Daauud Aweys Jaamac oo Warbaahinta kula hadlayay Magaalada Muqdisho maanta ayaa waxa uu sheegay in shir aan caadi aheyn oo ay Golaha Wasiirada ku yeesheen Magaalada Muqdisho ay ku go’aamiyeen in nus malyuun doolar lagu kabo si loogu kaabo daryeelka caafimaadka dadkii Soomaaliyeed ee ku waxyeeloobay masiibadii ka dhacday Xeebta Liido. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska mudane Da’ud Aweys Jaamac…

Read More

Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika ayaa meel-mariyay howlgalka cusub ee taageerrada iyo xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya , kaaso qaadanaya magaca (AUSSOM). Wuxuu beddelaya howlgalka kumeel-gaarka ahaa ee ATIMS oo hadda ka jira Somalia Howlgalka AUSSOM ayaa billaabanaya Jannaayo 2025, kaddib markii la meelmariyay qaab-dhismeedka iyo Istiraatiljiyadda howlgalka cusub Hawlgalkan cusub ayaa waxaa la sheegay inay taageero gaar ah siin doonaan dawladaha kala ah; Masar iyo Jabuuti, kuwaasoo muujiyay rabitaankooda ah inay taakuleeyaan ciidamada uu ka koobnaan doono AUSSOM. Sida la sheegayo howlgallkan AUSSOM oo u baahan doona iney meel mariyaan xubnaha golaha amaanka ee QM ayaa qeyb ka…

Read More

Hay’adda sirdoonka Turkiga ee MiT ayaa la sheegay inay ka hortageen labo isku dayo hore oo lagu doonayay in lagu dilo madaxii hore ee xafiiska siyaasadda Xamaas, Ismaaciil Haniyeh oo lagu qaarajiyey weerar ka dhacay Tehran Arbacadii, sida ay sheegtay CNN Turk. Warbixinta ayaa lagu sheegay inuu jiray fayl gaar ah oo MiT ay ugu magac dartay (Steel Shield), wuxuuna ahaa howlgal gaar ah oo lagu ilaalinayay Haniyeh. Inta lagu jiray howlgalka MiT ayaa fashilisay iskuday la qorsheeyay in howlgal lagu dilayo Haniyeh laga fuliyo Turkiga inta uu booqashada ku joogay bishii April, sidoo kale howlgal kale oo la qorsheeyay…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayey u diyaar garowga shirka caalamiga ah ee COP 29, kaas oo bisha Nofembar lagu qaban doono magaalada Baku ee dalka Azerbaijan. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii Soomaaliya ay ula tagi lahayd COP 29 barnaamijyo cadcad oo wax looga qabanayo saameynta isbeddelka cimiladu ay ku yeelatay dalkeenna, iyada oo lagu soo bandhigay fursadaha jira iyo caqadaha u baahan in wadajir wax looga qabto. Ra’iisul Wasaare Xamsa,  ayaa kula dardaarmay wasaaradaha uu quseeyo shirka in ay la yimaadaan qorshayaal cadcad oo la taaban karo, isaga oo…

Read More

Ka dib wadahadallo labo maalmood qaatay oo magaalada Doxa ee dalka Qadar ay ku yeesheen madaxda ururka Xamaas ayey ku dhawaaqeen cidda beddelaysa hoggaamiyahoodii siyaasadda Ismaaciil Haniya oo toddobaad ka hor lagu dilay dalka Iran. Xamaas ayaa ku dhawaaqday in Yahya Sinwar, inuu noqonayo madaxa guud ee cusub ee Ururka isagoo beddelaya Ismail Haniyeh. Ninkan ayaa tan iyo 2017kii, waxa uu ahaa hoggaamiyaha kooxda ee gudaha marinka Qasa. Hadda waxa uu noqon doonaa hoggaamiyaha garabkooda siyaasadeed. Hoggaanka Xamaas ayaa si wada jir ah u doortay Sinwar inuu hoggaamiyo dhaqdhaqaaqa, sida uu BBC-da u sheegay sarkaal sare oo Xamaas ka tirsan.…

Read More

Dibad-baxyo rabshada wata oo ay dhigayeen dadka dowladda Ingiriisku ku sheegtay inay yihiin kooxaha midigta fog ayaa gilgilay magaalooyin badan oo ku yaalla dalkaasi. Kuwii dhacay toddobaadkii hore ayaa lagu beegsaday huteelo ay deggan yihiin dad soogalooti ah iyo goobaha cibaadada. Hadda waxaa soo baxaya walaac laga qabo in dadka dibax-baxyada an qorshaysnayn dhiga ee dalkaas bartimaameedsadaan goobaha laga caawiyo magangalyo doonka iyo sidoo kale dadka u dooda soogalootiga sida uu BBC-da u sheegay Khaliil Aden Cabdi oo madax ka ah urur danaha Dhallinyarada Soomaaliyeed ee UK ka shaqeeya. “Magaaladayada Bristol waa ka dhacayaa, qareen caawiya dadka qaxootiga ayey ku…

Read More

Ninka heysta billadda nabadda Muhammad Yunus – oo muddo dheer ay siyaasadda isku hayeen raysal wasaarihii baxsatay ee Bangladesh Sheikh Hasina – ayaa loo magacaabau hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee dalkaas. Ninkan 84 jirka ah ayaa la magacaabay maalin kadib markii Ms Hasina ay ka carartay dalka iyadoo ay socdeen dibadbaxyo toddobaadyo qaatay oo dhiig u uku daatay, isla markaana sababay inay is casisho. Inkastoo Prof Yunus lagu ammaanay dhanka dhaqaalaha, haddana Ms Hasina ayaa u arkeysay inuu cadow ku yahay bulshada, haatan damaanad ayuu banaanka ku joogaa, isagoo racfaan ka qaatay xabsi lix bilood oo lagu xukumay kaasoo…

Read More

haqdhaqaaqyadda ardaydu hogaaminayso waxa ay muddo dheer ahaayeen kuwo horseed u noqda isbeddello siyaasadeed iyo kuwo bulsho oo adduunka daafahiisa ka dhaca. Laga soo bilaabo kali taliyeyaal xukunka laga riday iyo kuwo lagu qasbay dib u habayn siyaasadeed, tamarta iyo ka go’naanshaha dhalinyaradu waxay marar badan sabab u noqotay oo door laxaad leh markasta ka qaadanaysay qaabaynta mustaqbalka ummaddo kala duwan. Qormaddan waxay soo koobaysaa mudaaharaadyo ay ardaydu hormuud ka ahaayeen oo bog caan ah kaga qormay taariikhda adduunka, oo ay ku jiraan mudaaharaadyadii dhawaan ay kiciyeen ardayda Bangladesh, taas oo sabab u noqotay in Ra’iisal wasaarihii wadankaas maalin cad…

Read More

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay maanta Ciidamada Hay’adda Nabad-sugidda Soomaaliya ka sameeyeen gudaha magaalada Muqdisho, kaas oo lagu soo qabtay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Ciidamada NISA ayaa soo bandhigay illaa 4 nin oo ay sheegeen inay ka tirsan yihiin Khawaarijta, isla markaana ay wadeen qaraxyo xilliga gacanta lagu soo dhigayay. Qoraal kooban oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu faah-faahiyay howlgalkan, waxaana lagu sheeegay in ragga lasoo qabtay ay wadeen miinooyin ay doonayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed. Ciidanka Hey’adda Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa howlgal ay magaalada Muqdisho ka…

Read More

Weerarkan ayaa ku guuleystay inay nidaamka difaaca Israa’iil ee waqooyiga dhulka ay Israa’iil heysato ka gudbiyaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, kuwaasoo ku qarxay saldhig ciidan. Xisbullah waxay sheegtay weerarkan inuusan jawaab u ahayn dilka la taliyahoodii u sarreeyay ee militariga ama Haniyeh, iyagoo sheegay inay uga jawaabayeen weerarradii u dambeeyay ee ka dhacay koonfurta Lubnaan. Inta uu socday maanta weerarkan oo loo arkayay mid ka mid ah weerarradii ugu horumarsanaa ee Xisbullah ayaa wuxuu qarax weyn ka dhacay waddo mashquul ah oo ku taalla magaalada Nahariyya ee galbeedka gobolka ay Israa’iil heysato ee Galilee, taasoo loo qaatay in qaraxa uu…

Read More