Author: radiohalgan.com

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Nairobi ee xarunta Kenya uga qeyb-gali doono meertada rasmiga ah shirweynaha 6-aad ee ururka Qaramada Midoobay u qaabbilsan Arrimaha deegaanka. Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo isbeddalka cimilada Xukuumadda Soomaaliya Khadija Mohamed Al-makhzoumi iyo safiirka safaaradda Soomaaliya ee dalka kenya danjire Jabril Ibrahim Cabdulle ayaa shalay ka qeyb galay Furitaanta meertada rasmiga ah shirweynaha 6-aad ee ururka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha deegaanka. Wafdiga ay hogaamineyso Wasiir Khadija Mohamed Almakhzoumi ee shalay ka qeyb-galay furitaanka Meertadaas ayaa hordhac u ah wafdiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuudoo dhawaan la filaayo iney ka…

Read More

Deegaanka Ceel Muluq ee qiyaastii 30 Kiilo-mitir u jira Deegaanka Xaaji Cali Koofurta Gobolka Shabeelaha Dhexe ee Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle waxaa ka jira xaalado adag oo dhinaca Nolosha ah sida Biyo la’aan, Daryeelka Caafimaadka oo aad u liita, Waxbarashada & adeegyada kale ee Bulshadu u baahan tahay. Duubabka Dhaqanka Deegaanka Ceel Muluq ayaa sheegay in marka Haweeneydu fool qabato loo qaado Magaalada Muqdisho oo fogaan ka fog deegaankaas waxaana suuragal ah in mararka qaar ay naf baxaan ama xaaladdooda sii adkaato maadaama gargaarka degdega ah aanay ka jirin deegaankooda. Mid kamid ah Odoyaasha Deegaanka ayaa sheegay in dhul ka fog ay…

Read More

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta Xafiiskiisa Villa Hargeysa ku qaabilay danjiraha Dawladda Qatar u fadhiya Soomaaliya Amb. Dr. Abdalla bin Salim Al Nuceymi. Kulanka Guddoomiye Sheekh Aadan iyo danjiraha ayaa looga hadlay xiriirka labada baarlamaan iyo wadashaqeyntooda. Sidoo kale waxaa looga hadlay sidii dowladda aan walaalaha nahay ee Qatar ay kaalin uga qaadan laheyd aqoon kororsiga Xildhibaanada iyo howl-wadeennada Golaha Shacabka. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xusay in dowladda iyo shacabka Qatar ay kaalin weyn ka soo qaateen dib u dhiska dalka. Dowladda…

Read More

Antonio Guterres, Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay xabbad-joojin degdeg ah oo ka dhaqangasha Magaalada Gaza si loogu gurmado Dadka ku dhibaataysan Magaaladaas ee xaaladaha dhinaca Nolosha ah wajahaya. Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in xaalado adag ay ka jiraan Magaalada Gaza sida Xasilooni darro, Cunno la’aan, Daryeelka Caafimaadka oo aad u liito & dagaallo aan dhammaad lahayn oo ka socda Magaaladaas. Waxa uu soo jeediyay in la dadejiyo dedaallada xooggan ee lagu dhalinayo xabbad-joojinta si ay fursad iyo gargaar degdeg ah ay u helaan Dadka badan ee dhibaatooyinka isugu darsameen ee Magaalada Gaza ku sugan.…

Read More

Dalka Algeria ayaa Axaddii shalay ahayd xariga ka jaray Masaajid-ka ugu weyn Afrika oo ku yaalla xeebta Mediterranean ka kadib sannado badan oo carqalado siyaasadeed oo u rogay mashruucan inuu dib u dhac iyo in kharash fara badan uu ku baxo. Warbixin ay qortey wakaaladda wararka ee Associated Press waxaa soo koobaysa Sahra Cabdi Axmed.

Read More

Madaxweynaha maamul gobaleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Guudlaawe ayaa magaalada Jowhar ka daah-furay shir weynaha maamullada goballada iyo degmooyinka HirShabeelle. Shirka oo socon doono muddo afar cisho ah ayaa diirada lagu saari doonaan hanaanka shaqo ee maamullada goballada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe iyo hoggaanka degmooyinka labadaas gobal. Warbixintan waxaa magaalada Baledweyne kasoo diray wariyaha VOA Xuseen Xasan Dhaqane.

Read More

Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhawdahay saxiixa tababaraha kooxda Bayer Leverkusen ee Xabi Alonso sida ay sheegayaan wararku. Sida laga soo xigtay Saxafiga Sacha Tavolieri Liverpool ayaa ku dhaw in a Xabi u magacawdo tababarohooda cusub ee xilli ciyaareedka dambe. Xabi Alonso ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku hogaaminaya Leverkusen iyaga 8 dhibcood ka horeeya kooxda Bayern Munich. Xabi Alonso oo aad ugu dhow Liverpool FC…. Macallinka reer Spain ayaa go’aankiisa caddeeyey ka dib wadahadalo dhowr ah uu la qaatay maamulka Liverpool.

Read More

Philippe Coutinho ayaa aaminsan in Hansi Flick ama Jurgen Klopp midkood uu wax fiican ka qaban doono Barcelona. β€œKeebaa fiican Flick ama Klopp? Waa laba tababare oo heersare ah,” ayuu yidhi. β€œLabadoodaba waan ku tababaray, runtuna waxay tahay inaan xiriir aad u wanaagsan la lahaa iyaga, kooxahooduna mar walba si fiican ayay u ciyaarayeen”. β€œmid kasta oo ka mid ah dookhyadan waa mid aad ugu fiican koox kasta oo adduunka ah”. Klopp ama Flick miyay ku haboon yihiin Barca? Ma aqaano, laakiin mid walba way la qabsan karaa”. β€œTababarayaashu sidoo kale waxay la qabsan karaab qaab ciyaareedka kooxda, waxaan…

Read More

Laba nin oo macdan qodayaal ah ayaa geeriyooday kadib markii uu kusoo dumay god ay macdan ka qodayeen oo ku yaala gobolka Gabilay ee Somaliland. Mid kamid ah raga macdanta ka qodayay godka dumay, oo MMTV u warramay, ayaa ka warbixiyay sida ay wax u dhaceen, waxaanu sheegay in si lama filaan ah uu godku usoo dumay. “Labadaas ayaa gudaha ku jiray intayada kalena dibada ayaanu joognay, meeshii oo soo duntay oo isku baabaday uunbaanu aragnay, il-bidhisi ayay ahayd daymada aan daymoonay iyo gariirka meesha ka baxay” ayuu yidhi. Nin kale oo kamid ah raga macdan qodayaasha, ayaa sheegay in…

Read More

Ciidamada dowladda fedaraalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa maanta howlgal qorshaysan oo lagu dilay xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ka sameeyay deegaanka Baraag Cali gaduud oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug. Howlgalka ayaa la sheegay in lagu dilay in ka badan 10 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-shabaab, kuwaas oo isku aruuraanaayay dhulka howdka ah ee deegaanka Baraag Cali gaduud. Saraakiisha ciidanka dowladda ee hoggaaminaysay howlgalka ayaa sheegeen in howlgalka lagu guuleystay, islamarkaana uu u dhacay sidii loogu talo galay. Waxaa sidoo kale saraakiisha ciidanka ay sheegeen in howlgalaka ay ku soo furteen…

Read More