Author: radiohalgan.com

War kasoo baxay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaa lagu mamnuucay diyaaradaha aan duulliyaha lahayn ee Drones-ka loo yaqaan in loo dhaweeyo Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho. Qoraal kasoo baxay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaa lagu sheegtay in fogaan dhan 5 Cabirka dhinaca hawada ah ee afka qalaad lagu dhaho Nautical Mile oo dhan weliba ah in aanay loogu soo dhaweyn karin Diyaaradahaas Drones-ka ah. Hay’addu waxa ay sheegtay in marka laga reebo Diyaarado Bilaa Duulliye ah oo ka diiwaangashan ama ka warqabto Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed sida lagu yiri qoraalkaan oo faafinta rasmiga ah maanta la geliyay. Isticmaalka diyaaradaha…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay maalinta la unkay Calan Soomaaliyeed oo ku beegan berri oo ay taariikhdu tahay 12-ka Oktoobar. Naqshada Calanka Soomaaliyeed waxaa curiyay Allaha u naxariisto halgamaa Maxamed Cawaalle Liibaan waxaana la go’aamiyay 12-kii Oktoobar 1954-tii. Sida dad badan ay taariikhda ku haayaan gumeystihii waqtigaas ayaa dood badan ka keenay nooca Calanka iyadoo uu kaga adkaaday Maxamed Cawaalle oo sidaas ku galay quluubta dadka Soomaaliyeed. Muwaadiniin badan ayaa god ugu jiro difaaca Calanka Soomaaliyeed halka kuwa kale ay u naafoobeen, welina waxaa jira halgamayaal kale oo hardan ugu jiro…

Read More

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa kulan la yeeshay Danjire Wang Yu, safiirka Shiinaha ee u fadhiya Safaaradda Muqdisho. Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga dhaqaalaha, amniga, iyo arrimaha siyaasadda. Safiirka ayaa sheegay in ay garab taagan yihiin midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya. Sidoo kale, wasiirka ayaa uga mahad celiyay dowladda shacabka Shiinaha dadaalada ay ku garab taagan yihiin Soomaaliya. Safiirka ayaa sidoo kale xusay in maanta ay tahay sannad guuradii 10-aad ee furitaanka safaaradda Shiinaha, wuxuuna ugu hambalyeeyay Wasiirka iyo shacabka Soomaaliyeed Maalinta Calanka.

Read More

Qoraal kasoo baxay guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale, ayaa shaqada looga Guddoomiyaha degmada Hodan Cali Axmed Faarax ,kaddib markii la sheegay in uu gabay shaqadiisa, Maamulka gobolka ayaa sidoo kale mushaarka bishaan laga joojiyay dhammaan xubnaha maamulka degmada “Konsolka degmada” iyadoo la sheegay in dhamaan konsolka oo ah maamulka degmada loo furi doono Tababar maamul. Sida xogta ku helnay xubno ka socday maamuka gobolka Banaadir oo kormeer ku tagay xarunta degmada ayaa halkaasi tagay iyada oo aysan furneen hal xafiis oo kamid ah xafiisyada kala duwan ee maamulka degmada.

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyey shacabka Soomaaliyeed munaasabadda 12-ka Oktoobar oo ku asteysan Maalinta Calanka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in 12-ka Oktoobar ay tahay maalin xasuus iyo sharaf leh oo ku asteysan midnimada, qaranimada iyo halgankii dheeraa ee shacabka Soomaaliyeed u soo mareen xorriyadda. “Calanka Soomaaliyeed oo 70 jirsaday, waa astaan qaran, midnimo iyo madax-bannaani, waxaana ku faaneynaa taariikhda aan wadaagno ee halganka iyo dadaalka loo galay in la gaaro xornimada iyo gobanimada Soomaaliyeed.” Madaxweynaha ayaa ku boorriyay shacabka Soomaaliyeed in ay sii xoojiyaan midnimadooda, wadajirkooda iyo nabadda, si loo xaqiijiyo Soomaaliya xor ka…

Read More

Beesha caalamka ayaa ka argagaxday’ tirada xadgudubyada xuquuqda aadanaha’ ee ka socda Itoobiya waxayna ku baaqeen in wax laga qabto. Isbaheysiga oo 45 dal ka kooban ayaa walaac ka muujiyay tirada badan ee xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee ka dhacay Itoobiya ka dib kalfadhiga 57aad ee Golaha Xuquuqul Insaanka ee QM. “Afduubka iyo xarigga aan sharciga ahayn, dilka iyo dhaawaca dadka rayidka ah, jirdilka, cabsi galinta, xadgudubyada galmada iyo jinsiga ku salaysan, iyo weerarrada hantida rayidka ah” ayay Itoobiya ku eedeeyeen. Itoobiya ayaa waxaa ka taagan dagaalo culus oo dhexmaraya ciidamada maamulka Abiy Ahmed iyo jabhado ku kacsan oo ka soo…

Read More

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dab xoogan oo maanta ka kacay xaafad ku taalla Carwada Taleex ee degmada Hodan ee gobolka Banaadir, kaasoo gaystay khasaare hantiyeedn oo wayn Dabka oo ka billowday kaalin shidaal ayaa ku fiday guryo iyo goobo ganacsi oo ku yaalla halkaaasi , sida ay innoo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah. Xaafadda uu dabka ka kacay ayaa ah isku raran, waxaana daganaa dad shacab ah, iyada dukaamo iyo mootooyin nooca Bajaajta ay gubteen. Axmed Khaliif oo kamid ah dadka ku hanti beelay dabkan ayaa faah-faahin ka bixiyay khasaaraha, wuxuuna sheegay in 9 qol…

Read More

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa u ambabaxay dalka Eritrea. Safarka madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ah mid shaqo, waxa uuna kulan xasaasi ah la yeelan doonaa madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki. Labada masuul ayaa la filayaa inay kulankooda uga hadlaan xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Eritrea, gaar ahaan arimaha Geeska Afrika. Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa kamid ah oo safarkaan ku wehlinaya wasiirka arimaha dibadda Axmed Macalin Fiqi. Madaxweynaha ayaa isla maanta inta uusan u safrin magaalada Asmara ee dalka Eritrea tegay xerada Balidoogle ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkaas oo uu gacanta ku hayo…

Read More