Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Saynisyahanno ayaa sheegay in wali meerkuriug uu ku jiro kalluunka nooca Tuunaha loo yaqaanno tobanaan sanno kadib markii la iclaamiyay xakamaynta wasakhowga iyo qiiqa hawada. Noocan Tuunada ee lagu sheegay in uu leeyahay suntan ayaa ah mid soomaalidu aad isticamasho, badaha Soomaaliyana si badan looga helo Maadadaan kiimikaada ah waxay ka dhalataa qodista iyo gubista dhuxusha, waxayna ugu danbayn ku dhammaataa badda, halkaasoo uu kalluunku ka qaato. Cadadkeeda ayaa hoos u dhacay muddooyinkii danbe, laakiin wali waxay ku hartay kalluunka Tuna tan iyo 1971 kii. Khuburo ayaa sheegay meerkuriga qadiimiga ahi in uu yaalo gunta hoose ee badda isagoo ku…
Gudoomiye Abdullahi Maalin Sufuroow oo ah shaqsi loogga bartay siyaasadda aamusnaanta ah ayaa caawa siyaasad kalle la soo baxay. Sufuroow oo hadalkiisa wata ayaa si kidis ah waxa ka soo dhax gallay Yahye Ali Hareri oo la sheego inuu yahay LA Taliyaha Madaxweynaha Hirshabelle. Gudoomiye Sufuroow ayaa ku yiri yar-ka Aamus igana raali noqo meel aad ka tirsan-tahay ma garanaayo adiga oo Hall-ka nalla jooga uun Baan arkaaye horta maxaad aheyd adiga oo iga raaliya. Waxaa is waallay markii Banaan-ka loo soo baxay Yahye Ali Hareri waxa uuna ku dhahay waxaan ahay Milkiilaha Dowladda, afkiisa intaa marka ay ka soo…
War hadda soo dhacay Radiohalgan.com Safar-ka Ali Jeyte berito Beledweyne ku immaan lahaa ayaa la baajiyay illaa hadane si sax ah loomma ogga cidda bajisay iyo cida ka dambeysay Waxaa soo wacay mamulka diyaradda uu Ticket-ka ka jartay waxa ayna u sheeggeen innuu ka raali noqdo oo aysan qaadi karin marka uu sababta weydiiyayna waxa ay ku dhaheen innuu jirro amar sarre oo ah mid aan laga tilaabsan karrin sinaba. Marka aan dabba gallay xogtaan isoo gaartay waxaan hellay xog aan xaqiijin karrin run ahaan Shaheed xogtas oo ah in Villa Somalia ka baqeyso Ali Jeyte marka uu Beledweyne taggo…
Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa heshiiska difaac ee dhawaan ay wada gaareen dowladdaha Soomaaliya iyo Turkiga, kaasi oo Ankara ay kula wareegayo ammaanka baddeena. Heshiiskan oo si deg deg ah ay u meel-mariyeen Golaha Wasiirrada Soomaaliya iyo labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa uu Turkiga, gaar ahaan ciidamadooda badda uu siinaya awood ay ku ilaalinayaan xeebaha dalka oo dhan. Heshiiska oo maalmo kahor uu saxiixay Madaweynaha Soomaaliya, ayaa sidoo kalr waxaa la filayaa in maalmaha soo socda uu heshiiskaasi ansixiyo baarlamaanka dalka Turkiga, islamrkaana uu qalinka ku duugo madaxweynaha dalkaasi Mr Erdogan. Heshiiskaan ayaa socon doono muddo 10…
Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo xalay ka dhacay duleedka magaalada caasimada ah ee Muqdisho, gaar ahaan deegaanka Ceelasha Biyaha, kaas oo sababay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac. Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo ku socdaalayay waddada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. Qaar kamid ah dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in qaraxa uu haleelay gaari Cabdi Bile ah oo ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo marayay halkaasi. Al-Shabaab oo sheegatay masβuuliyadda weerarkan ayaa shaacisay in qaraxaas ay ku…
Wafdi ka socda dowlad goboleedka Jubbaland ayaa maanta gaaray degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, halkaas oo laga dareemayo dhaq-dhaaqyo ciidan oo ay wadaan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab ee ku sugan Gedo. Wadigan ayaa waxaa horkacayay wasiirka amniga JubbalandΒ Sarreeya Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal) oo uu wehliyo wasiru dowlaha wasaaradda amniga Maxamed Cabdi Kaliil, waxaana halkaas kusoo dhaweeyay taliyaha ciidanka Daraawiishta Gedo iyo masβuuliyiinta maamula degmada Ceelwaaq. Ujeedka safarka masβuuliyiintan ayaa ah mid loogu guur galaya ammaanka iyo sidoo kale qalabeynta ciidamo cusub oo loo diyaariyay inay ka hortegaan weerarada Al-Shabaab. Wasiir Dhuumaal oo khudbad u jeediyay ciidamadaas oo la qalabeeyay ayaa sheegay…
Taliyaha Guutada 14 October, Gaashaanle Dhexe Nuur Fareey ayaa maanta dardaaran cajiib ah, aadna u wanaagsan u jeediyay ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka Soomaaliyeed oo uu kula hadlay xeradooda. Nuur Fareey ayaa ka wacdiyay ciidamada inay iska daayaan xumaanta , waxyaabaha dhaqan xumada ah iyo sidoo kale isticmaalka balwadda. βInaan beer falano, inaan Qaad cuno, inaan caweyno, inaan fadhi ku dirirka tegno waxaas oo dhan waa fal shaydaanβ ayuu yiri Taliye Nuur Fareey. Sidoo kal wuxuu ciidamada kula dardaarmay Alle ka cabsi, isaga oo sheegay in xittaa iyaga oo joogo furinta hore ee dagaalka laga rabo inay cibaadeystaan oo…
Maamulka Abi ayaa xabsiga dhigay weriye u dhashay dalka Faransiiska oo booqasho ku tagay dalkaas, kaddib markii lagu eedeeyay inuu qayb ka ahaa βshirqool lagu doonayay in qalalaase laga abuuroβ dalka ku yaalla bariga Afrika. Antoine Galindo, oo ah wariye u shaqeeya shabakada wararka ee Africa Intelligence (AI) ee fadhigeedu yahay magaalada Paris ee dalka France, ayaa waxaa xiray ciidamo dhar cad ah oo ka tirsan ciidamada amaanka ee Ethiopian Skylight hotel khamiistii, sida ay sheegtay gudiga difaaca saxafiyiinta ee CPJ. Wakhtigaas, Galindo waxa uu waraysi la yeeshay Bate Urgessa, oo ah afhayeenka jabhadda Oromada ee OLF, oo ah xisbi…
Dowladda Maraykanka ayay wararka sheegayaan in ay aad isugu dhabar jabinayso in wax uun isfaham ah dhex dhigto Raβiisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Hawshan waxaa si gaar ah u gashay haweenayda Maraykanka u qaabilsan Afrika Phee Molly, oo ah kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibedda ee arrimaha Afrika, taas oo doonaysa in xaaladda ku dhamaato guul labada dhinac ay dareemayaan. Waxaa laga soo xigtay iyada oo leh βDoonista Itoobiya ee deked ganacsi waa arrin daw ah, balse waa in lagu xaliyaa dariiq ah in dowladda Federaalka Soomaaliya loo maro.β Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wadahadalka ku xirey shuruud…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dhul siisay Shiinaha, kaas oo loogu talagalay safaaradda uu ku leeyahay magaalada Muqdisho. Dhulkan ayaa waxaa safaaradda ku wareejisay gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya Fardowsa Cusman Cigaal oo la kulantay sii haya safiirka Shiinaha, Chen Wendi. Fardowso ayaa sheegtay sheegtay in tallaabadani ay xoojineyso xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada waddan ee Soomaaliya iyo Shiinaha. Sidoo kale waxaa ay sheegtay in ujeedka dhulka la siiyay Shiinaha uu yahay mid lagu ballaarinayo safaaradda uu haatan ku leeyahay magaalada caasimada ah Muqdisho. Waxaa kale oo ay soo raacisay dhulkaas iyo dhismaha safaaradda lagu horumarin doonoΒ adeegyada ay…
