Author: radiohalgan.com

Waxaa isa-soo tareysa cabsida caafimaad ee laga muujinayo soo faagista maydadka ku aasan qabuuraha Iskuul Buluusiyo, kadib amarkii dowladda ay 10 cisho gudahood ugu qabatay dadka eheladooda ku aasan yihiin inay kula baxaan. Yuusuf Garaad oo qoraal kasoo saaray arrinkaan ayaa sheegay inay sareyso khatarta caafimaad ee ka dhalan karta tallaabadan, maadaama dadka qaarkii ee halkaasi ku aasan ay u dhinteen Covid iyo cudurro kale oo halis ah. “Dadka godadka fagaya, kuwo dul dhooban ee murugeysan, kuwa daawanaya ee aan shalay arkay iyo ciidanka dul tuban ma jirtaa cid hubin karta in aanay cudurro ka qaadin qabuuraha marka la faago?,”…

Read More

Hay’adda Socdaalka IOM ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in doon ay la socdeen tahriibayaal isugu jiro Soomaali iyo Itoobiyaan ayaa Isniintii lasoo dhaafay ku degtay xeebaha dalka Yemen. Doonta degtay ayaa waxaa la socday illaa 260 tahriibayaal ah, waxaana dhintay 49 qof, halka 140 kalena lagu la’yahay xeebaha Yemen oo ah halka uu shilka ka dhacay. 115 kamid ah tahriibayaashan waxa ay ahaayeen Soomaali, halka 145 kalena ay ahaayeen Itoobiyaan, kuwaas oo kusii jeeday dhinaca waddanka Yemen. Sidoo kale waxaa lasoo badbaadiyay ugu yaraan 71 qof oo kamid ah tahriibayaasha, kadib gurmad loo fiyay, sida ay sheegtay hay’addaha socdaalka ee…

Read More

Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Universal ayaa eedeyn culus u jeediyay dowladdii hore ee uu hoggaaminayay madaxweyne Farmaajo. Jaamac oo ka hadlayay xaaladda ka taagan qabuuraha Iskuul Buluusiya oo ay dowladdu amartay in lagala baxo maydadka ayaa sheegay in hadda laga rabo in laga dhiso xarun dan guud ah oo loogu adeegayo Ummadda Soomaaliyeed, sida uu ku dooday wasiirka. Isaga oo u jawaabayay siyaasiyiinta qaylo dhaanta ka muujiyay arrintan ayaa waxa u sheegay in dowladdii hore ay isku deyday inay burburiso qabuurahaasi, iyada oo ka leh dano gaar ah, balse laga…

Read More

Waxaa xog cusub laga helay marxaladihii uu soo maray askarigii weerarka toogashada ah ka geystay xerada ciidanka xoogga dalka ee Jeneraal Goordan oo ku taalla magaalada Muqdisho. Halkaas waxaa lagu laayey saraakiil Imaaraad ah, 3 sarkaal oo dhalatay dalka Imaaraadka Carabta iyo hal sarkaal oo u dhashay dalka Baxreyn ayaa ka mid ahaa saraakiishii iyo ciidamadii uu xerada Jeneraal Goordan ku laayey askarigaas. Ninkaas waxaa lagu magacaabi jiray Mustaf Mukhtaar Aadan, inta uusan ku biirin ciidamada dowladda wuxuu ka shaqeysa jira suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, halkaas oo dagaal uu ku gulay. Xogtaan waxay sheegeysaa in Mustaf uu daqar-weyn ka…

Read More

Shirkadda diyaarada Masar ee Egypt Air oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa shaacisay inay bilaabeyso duulimaadyo ay ku imaaneyso magaalada Muqdisho ee caasimada dalka,  waxayna soo saartay wargelin ku aadan duulimaadyadeeda. Qoraal kooban oo lagu daabacay bogga Twitterka ee shirkadda Egypt Air ayaa waxaa lagu sheegay in diyaaradahooda ay isaga kala gooshi doonaan Qaahira, Muqdisho iyo Jabuuti. “War xiiso leh! Diyaaradda Egypt Air waxay bilaabaysaa khad cusub oo ay ku tagi doonto Jabuuti iyo Muqdisho. Soo ogow dhaqamada iyo muuqaalka meelahan cajiibka ah.” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay shirkadda. Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dartay in duulimaadyadooda ayaa billaabanayaan…

Read More

Xisbiyada midigta fog ayaa guulo waaweyn ka gaaray doorashada baarlamaaniga ee Midowga Yurub, iyaga oo guul darrooyin durbaba saameyn reebay dhabarka u saariyay, madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, ra’iisul wasaaraha Jarmalka Olaf Scholz, iyo hoggaamiyaha Austria Karl Nehammer. Dalka Faransiiska, xisbiga midigta fog ee NR ee ay hoggaamiso Marine Le Pen ayaa guul kasoo hooyay, arrintaas oo sababtay in madaxweyne Macron uu xalay kala diray golaha baarlamaanka kuna dhawaaqay doorasho baarlamaani ah oo waqtigeeda laga soo hormariyay. Tallaabadan ayaa loo arkaa qar-iska-tuurnimo siyaasadeed oo uu ku kacay Macron maadaama xisbigiisa uu doorashadi Axaddii kala kulmay jab weyn. Haddii uu lumiyo doorashada…

Read More

Dawlada Mareykanka ayaa markii u horreysay shaaciyay howlgal la sheegay in lagu difaacayo Taiwan, tan oo sare u qaadaysa suurtagalnimada Shiinaha uu ku doonayo inuu duulaan ku qaado jasiiradda madax bannaanida raadinaysa. Taliyaha taliska Mareykanka ee Indo-Pacific, Admiral Samuel Paparo ayaa ku dhawaaqay howlgalkan loogu magac daray “HELLSCAPE” oo uu ku sheegay istiraatijiyad difaac oo Mareykanka iyo xulafadiisa ay uga hortagayaan inuu Shiinaha xoog ku qabsado Taiwan. Istiraatijiyadan difaac ayaa lagu qeexay habka ay weerarka difaaca ah u billaabayaan Mareykanka iyo xulafadiisa , marka Shiinaha uu billaabo dagaalka , iyadoo Taiwan la geyn doono kumannaan doomaha quusa ee aan ciddi…

Read More

Waxaa maanta qabuuraha Iskuul Booliisiya ee magaalada Muqdisho buux dhaafiyey qoysaskii ugu badnaa oo baadi goobaya maydadka dad ehelladooda kamid ah oo sanado kahor lagu aasay dhulkaas oo ay hadda dib u dhisaneyso dowladda Soomaaliya. Arrintan ayaa timid kadib markii uu shalay amar guud kasoo baxay dowladda, kaas oo lagu faray ehellada inay maydadka muddo 10 cisho ah ugala baxaan halkaasi, ayada oo sababta lagu sheegay in dowladdu ay usoo baahatay dhulkaasi. Qaar kamid ah dadweynaha tegay qabuuraha ayaa walaac ka muujiyay amarka dowladda, waxayna sheegeen in uu yahay mid aan laga fiirsan oo ay si wayn uga naxeen. Sidoo…

Read More

Lataliyaha Madaxweynaha JFS ee dhanka xiriirka dowlad goboleedyada oo ku baaqay in la joojiyo colaadda ka soo cusboonaatay Galgaduud Lataliyaha Madaxweynaha JFS Maxamed Xasan Qoone oo ah lataliyaha Madaxweynaha JFS ee dhanka xiriirka dowlad goboleedyada dalka ayaa ku baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo joojiyo colaadda ka soo cusboonaatay inta u dhexeysa Caabudwaaq iyo Xeraale ee gobolka Galgaduud, isagoo dalbaday in wax waliba lagu xaliyo miiska wada hadalka. “Dadka Walaalaha ah ee ku dagaalamaya  inta u dhexeysa Xeraale iyo Caabudwaaq waxaan leeyahay hala joojiyo colaadda, colaad wax guul ah lagama gaaro, Walaalaha dagaalamaya waxaan u jeedinayaa inay wax waliba…

Read More

Xafiiska xeer-ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa maanta qaaday tallaabadii ugu horreysay ee ka dhanka ah dhalinyarada caanka ahayd TikTok-ga ee ay dhawaan soo xir xireen Ciidamada Booliska Soomaaliyeed. Xeer-ilaalinta oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa sheegtay inay maanta maxkamadda gobolka Banaadir u gudbisay illaa 19 eedeysane oo ay ku jiraan gabdhihii dagaalka qabiilka ka waday baraha bulshada ee Internet-ka, waxaana loo haystaa inay wadeen kicin bulsho. “Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo Maxkamadda gobolka Banaadir u gudbiyay 19 eedeysane oo loo heysto in Social Media ay ka wadeen kicin bulsho iyo falal kale” ayaa lagu yiri qoraalka. Dhalinyaradan ayaa lagu eedeeyay…

Read More