Author: radiohalgan.com

Hay’adda isgaarsiinta ee dowladda Turkiga ayaa Jimcihii xannibtay barta bulshada ee Instagram-ka. Waxay timid maalmo ka dib markii Fahrettin Altun, oo ah agaasimaha isgaarsiinta ee madaxtooyada ahna kaaliyaha madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, uu ku dhaleeceeyay madal ay leedahay Meta inay si ula kac ah uga hor istaagayaan dadka isticmaala adeegyadooda ee ku nool Turkigu inay barahooda soo dhigaan fariimo loogu tacsiyadaynayo hoggaamiyaha la dilay ee Ismaaciil Haniyah. Si ka duwan xulafadiisa reer galbeedka, Turkigu uma arko Xamaas urur argagixiso. Erdogaan oo aad u dhaleeceeyay dhaq-dhaqaaqa militari ee Israel ka wado Qaza, ayaa kooxda ku tilmaamay “Dagaalyahano xornimo doon ah.” Waxay…

Read More

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaiya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada ku qaabilay waxgaradka Beesha Karanle oo isugu jiray Siyaasiyiin, Odayaal dhaqan, Ganacsato iyo Haween. Kulanka Madaxweynaha iyo Beesha waxaa diiradda lugu saaray qobo ay ka mid yihiin sidii loo dardarginlahaa dagaalada ka dhanka ah Khawaarijta ee ka socda gobollada Galguduud iyo Mudug oo ay beeshu dagto. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa carrabka ku adkeeyay in Khawaarijta jab xoog leh loo geystay, dhawaana lasoo afjari doono joogitaankooda gobollada dhexe. Dhanka kale Madaxweynaha ayaa kulankaan ka sheegay in ay ka go’antahay in dalka laga hirgaliyo doorasho qof iyo cod ah, si shacabka Soomaaliyeed…

Read More

Wasiirkii hore ee wasaaradda macdanta iyo batroolka ee dowlad goboleedka Galmudug Cabdulqaadir Maxamed Siciid (Jantalmaan) ayaa soo bandhigay qiso cajiib ah oo dhacday mar uu dalka Turkiga kula kulmay Hoggaamiyihii Xarakada Xamaas Ismaaciil Haniya ayaa shalay Israa’iil ay ku dishay duqeyn ka dhacday dalka Iiraan. Wuxuu sheegay in maalin iyagoo jooga Ankara lagu casuumay kulan loogu duceynayay shacabka Falastiin oo ay abaabushay dowladda Turkiga, Wasiir Jantalman wuxuu sheegay in kulankaas ay isku arkeen, kuna sheekeysteen isaga iyo hoggaamiye Ismaaciil Haniya. Wasiir hore Cabdulqaadir Jantalmaan oo ka sheekeeyey kulankii ay la qaateen Ismaaciil Haniya wuxuu yiri, “Aniga iyo wasiir kuxigeen ka…

Read More

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa maanta munaasabad ka dhacday xarunta wasaaradda difaaca dalka xilka ugu kala wareejiyey wasiiru-dowlaha cusub ee wasaaradda gaashaandhigga iyo kii hore. Wasiiru-dowlaha cusub ee wasaaradda Cumar Cali Cabdi ayaa xilka si rasmi ah ugala wareegay wasiiru-dowlihii hore ee wasaaradda Cabdinuur Daahir Fiidow. Wasiir Cabdulqaadir ayaa ku ammaanay wasiiru-dowlihii hore ee wasaaradda gaashaandhigga Cabdinuur Fiidow shaqadii wanaagsanayd ee uu soo qabtay inta uu xilka hayay. Wasiirka ayaa sidoo kale wuxuu wasiiru-dowlaha cusub u rajeeyay in uu si hufan u guto waajibkiisa shaqo ee cusub. Ugu dambeyn wasiirka ayaa kula dardaarmay dhammaan howl-wadeennada wasaaradda in…

Read More

Milatariga Israel ayaa sheegtay in madaxii garabka militari ee Xamaas, Mohammed Deif, lagu dilay weerar dhinaca cirka ah oo ka dhacay Gaza bishii July. Bayaan ay soo saareen millatariga Israa’iil waxay ku sheegeen ka dib baaritaano sirdoon oo ay sameeyeen in la xaqiijiyay dhimashada Mohammed Deif. Israa’iil ayaa Deif ku beegsatay 13-kii July weerar duqeyn ah oo ay ku garaacday xarun ku taal duleedka koonfurta magaalada Qaza ee Khan Younis. Ma jirin ilaa xiligaan cid xaqiijisay dhimashada Mohammed Deif. In ka badan 90 kale oo falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan dad rayid ah oo barakaceyaal ah ayaa ku geeriyooday…

Read More

Ra’iisul wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre oo soo xiray shirka culimada Soomaaliyeed oo maalmihii la soo dhaafay ka socday magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladda guud ee dalka gaar ahaan arrimaha doorashooyinka. Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in lagama maarmaan ay tahay in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod, isaga oo tilmaamay in taasi isbadal u horseedi karto. Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in dowladda aysan hortaagneyn  doorashooyinka qaar kamid ah dowlad goboleedyada. “Annaga sidaan kuma sii jiri karno, dad kooban dowladda oo dhan sharciyadeeda kuma dhisnaan karto, haddii aan dhahnay aan doorashada milyaayiin gaarsiino, waxaad…

Read More

Guddiga  Sare ee Bangiga Adduunka ayaa ansixiyay lacag dhan $125 milyan oo Doolarka Mareykanka ah oo loogu talagalay maalgelinta siyaasadda horumarinta dhaqaalaha ee Soomaaliya. Madaxda sare ee Bankiga adduunka ayaa sheegay in lacagta ay uga goleeyihiin in ay taageeraan dhaqaalaha Soomaaliya sidii u kobci lahaa, isla markaasna loo maalgalin lahaa ganacsiyada yar yar. Bayaan ka soo baxay Bankiga Adduunka ayaa sidoo kale lagu sheegay in dhaqaalaha ay bixiyeen lagu taageerayo dadaalada wax ka qabashada isbadalka cimilada, maalgalinta beeraleyda, kalluumeysatada iyo dhiirigalinta ganacsiyada yar yar. Deeqdan, oo ay bixiyeen Ururka Horumarinta Caalamiga ah ee Bangiga Adduunka ayaa sidoo kale waxaa qorshaha…

Read More

31-July-2024: Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo ay wehliyaan Madaxweyne ku-xigeenka Mudane Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed), xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo Baarlamaanka Dowladda Hirshabeelle, Guddoomiyayaasha Goballada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe iyo Saraakiisha Ciidamada qalabka sida ayaa fursad u siiyay dadweynaha degmada Jalalaqsi inay weydiiyaan su’aallo toos ah. https://youtu.be/0ljAMxXmbUY?si=jHmbURV4g_uKR_xF Ujeeddada Kulankan Dolwadda iyo Dadweynaha Hirshabeelle ayaa ahaa sidii la isaga xog-waraysan lahaa mashaariicda horumarinta bulshada laga dhaqan geliyay degmada iyo baahiyaha wali ka jira deegaanada Degmada Jalalaqsi, iyadoo si gaar ah diirada loo saaray sidii loo xoojin lahaa wadajirka iyo midnimada bulshada, isku xirka…

Read More