Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Guddoomiye Ku-xigeenka golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ayaa maanta shir guddoomisay kulanka 20-aad Kalfadhiga 4-aad ee labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka. Ajandaha kulanka maanta oo ahaa sii wadida ka doodista soo-jeedimaha wax-ka-beddelka Dastuurka, cutubka 2-aad xaquuqda asaasiga ah iyo waajibaadka muwaadinka Soomaaliyeed, qodobka 31-aad-41-aad. Xildhibaannada labada Aqal ayaa aragtidooda ka dhiibtay cutubka labaad ee dib eegista Dastuurka, waxaa looga dooday, xaqa helidda xogta , xaqa ilaalinta xogta shaqsiga, goβaano maamul oo caddaalad ah, xaqa Dacwadda iyo isdifaaca,xuquuqda eedaysanaha iyo qodobo kale oo ay ka mid ahaayeen isu-celinta eedeysanayaasha iyo dambiilayaasha isla markaaba waxay si gaar ah xildhibaannada…
Diblumaasi hore oo u dhashay dalka Mareykanka ayaa qirtay dambi ah in uu basaas u ahaa muddo 40-sanno ka badan dalka Cuba, oo cadaawad xooggan ay kala dhaxeysay dowladda Mareykanka. Victor Manuel Rocha oo 73 jir ah muddana kusoo dhax jiray diblumaasiyada Mareykanka ayaa qirtay dambi ah in uu basaas xogaha u gudbiya dowladda Cuba ahaa muddo ka badan 40-sanno. Diblumaasigan ayaa lagu eedeeyay in uu si qarsoodi ah xogta ugu gudbin jiray dowladda Cuba oo ay maamulayeen shuuciyada, tan iyo 1981-kii, xilligaasoo uu ka shaqeynayay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka. Maxkamadda kiiska diblumaasigan qaadeysa ayaa lagu wadaa in ay soo…
Xog lagga hellay Vila Somalia ayaa shegeysa In magaalo ka mid ah Hiiraan iyo Sh.dhxe balse si sax ah loo shegin maaceeda laga dhisi rabo 4 Teendho Q/W Iiban Qoono Afeef: Maqaalkan & kuwa kale ee ku soo baxa bogga Aragtida dadweynuhu waxa ay gaar u yihiin Qoraaga sheekada kamana turjumayaan Aragtida Radio Halgan Ugaas Yousuf Ugaas Hassan Ugaas Qaliif Ugaas Rooble oo Hirshabelle wax ka dhisi rabba, Xog lagga hellay Vila Somalia ayaa shegeysa In magaalo ka mid ah Hiiraan iyo Sh.dhxe balse si sax ah loo shegin maaceeda laga dhisi rabo 4 Teendho Teendhadda 1-aad Ugaas Yousuf (Xawaadle)…
Waa dhif iyo mar la arag inuu ey culeyskiisu gaaro 100 kilogaram β iskaba daa mid beylah jooga e, laakiin Krugets oo ah ey keli-jooge ah oo ku nool Nizhny Novgorod, dalka Ruushka wuxuu cayilkiisu gaaray heer aanuba fadhiga ka kici karin! Dane oo ah eyga ugu culeyska badan caalamka wuxuu weyn yahay inta u dhaxaysa (136 kg) ilaa (181 kg). Novgorodna wuxuu ku taagan yahay jidkaas! Dhawaan ayaa la helay isaga oo cidlo joog ah. Eygan Wejigiisa ayaa laga fahmi karaa sida cayilku uu ugu hayo dhibaato muuqata. Kooxaha daryeelka xayawaannada waxay sheegayaan inuu habeen walba la taaho xanuun…
Ciidamada Israaiil ayaa kordhiyay weerarrada ka dhanka ah goobaha kala duwan ee Magaalooyinka Dhulka Falastiin sida Masaajidda, Iskuullada, Isbitaallada, Guryaha rayidka iyo goobo kale oo ka reeban in la beegsado. Saacadihii lasoo dhaafay waxaa baraha Bulshada qabsaday sawir laga soo qaaday Masjidka caanka ah ee Al-Faaruuq ee ku yaalla Rafax Koofurta Magaalada Gaza oo dhismihiisa dhulka ay duqayn ku dhigeen ciidamada Yuhuudda. Burburkaas dadka kama reebin in ay ku cibaadaystaan oo waxa ay dhinac isaga leexiyeen dhagaxaanta dhismaha dumay iyaga oo salaadda halkaas ku dukaday waxaana laga soo qaaday sawirro kala duwan oo fasiraad dhinacyo kala duwan u jihaystay laga…
Xarunta uu ku shaqeeyo Baarlamaanka Dalka ayaa laga jartay adeegga Korontada kaddib markii Shirkadda ay Maamusho Dowladdu ay ku yeelatay lacag dhan Lacag dhan marka doollar ahaan loo dhigo $1.8 Milyan oo uu Baarlamaanku iska bixin waayay. Arrintaan oo dhalisay hadal-hayn badan ayaa sababtay in Shirkadda Korontada Ghana ee ECG loosoo gaabiyo aad loo falanqeeyo tallaabada ay ku samaysay Hayβadda Xeer Dejinta Dalkaas oo Xildhibaannadu u shaqayn waayeen koronto laβaan awgeed. Maqnaashiyaha Korontada waxa ay hakad-gelisay dood ku saabsan khudbad uu Baarlamaanka u jeedin lahaa Madaxweynaha Dalkaas sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan oo Warbaahinta la wadaagay xog ku saabsan…
Raβiisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in Itoobiya ay si bareer ah ugu xad-gudubtay Dalka isla markaana meel ay iska dhigtay Shuruucda Caalamiga ah si ay u gaarto damaceeda gurracan ee Badda ay ku raadinayso. Tallaabada Xukuumadda Abiy Ahmed ay ku shaacisay heshiiskii dhaawaca ku ahaa wadajirka iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Saalax Axmed Jaamac ku sifeeyay mid bogga madoow u galay Dowladda Itoobiya. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu shaaciyay in ay qaadday tallaabooyin dhowr ah oo ay uga dhiidhinayso damacaas gurracan si Itoobiya looga hor istaago qorshaha xiga oo ay samayn karto kaddib…
Madaxweynaha maamulka HirShabelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) oo xalay khudbad ka jeediyay munaasabadda caleema-saarka golaha deegaanka cusub ee degmada Jowhar ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah. MadaxweyneΒ Cali Guudlaawe ayaa khudbaddiisa si weyn ugu weeraray xildhibaannada baarlamaanka ee kasoo jeeeda gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Hoose, isaga oo ku eedeeyay inay kasoo horjeedaan horumarka dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle. βAnnaga waan ognahay in xildhibaanada laga soo doortay deegaanadan inay farqa dhagax ku wataan oo ay tuuryeynaan degmadii iyo deegaankii laga soo doortay ayna dhibaateeyaan, horumarkiina ay u diidaanβ ayuu yiri madaxweyneΒ Cali Guudlaawe. Sidoo kale waxa uu tilmaamay inay caqabad…
Taliska ciidamada Booliska Somaliland ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay dhacdo argagax leh oo xalay ka dhacday magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolkaasi, halkaas oo uu askari ka tirsan ciidanka ku dilay aabihiisa. Eedeysanaha oo lagu magacaabo Cabdiqaadir Maxamed Cabdi ayaa toogasho ku dilay aabihiisa oo lagu magacaabi jiray Marxuum Maxamed Cabdi Nuur (Xamari), kadib muran soo kaladhex-galay. Booliska ayaa shaaciyay in eedeysanaha lasoo qabtay, kadib howlgal ay sameeyeen ciidanka ammaanka, waxaana au sheegeen inuu askarigan uu rasaas la dhacay aabihiis. βCiidamada Booliska JSL garahaan Qaybta Gobalka Sanaag ayaa gacanta kusoo dhigay Edeysane Cabdiqaadir Maxamed Cabdi oo ku eedaysan inuu xalay…
aah-faahino dheeraad ah ayaa kaso baxaysa shaqaaqo sababtay dhimasho iyo dhaawac oo maanta ka dhacday isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho. Shaqaaqada ayaa timid, kadib markii ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ay rasasaaseeyn dadweyne careysay oo dibad-bax ka dhigayay halkaasi, waxaana ka dhashay khasaare. Dibad-baxa oo ay dhigayeen dadka deegaanka ayaa waxaa looga cabanayay maamulka degmada Warta Nabadda, sida ay sheegeen qaar kamid ah dadkii ka qayb-galay. βWaxaa naga maqan xuquuq oo aan u doodeynay, mahaas ayaan banaanbax nabadeed ku heysanay Seynab Xaabseyn waa na leysay, taliyaha saldhigga ayay noo soo dirtayβ ayay tiri hooyo kamid ah dadka dhigayay dibad-baxa. Sidoo…
