Author: radiohalgan.com

Guddoomiyaha golaha shacabka ee BFS Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay inay jiraan dad fiirsanaya danahooda gaarka ah, kuwaas oo dacaayad la dabajooga dowladda iyo maauuliyiinta dalka. Sidaan oo kale xalay Madaxweynaha dalka Xasan Sheekh ayaa uga jawaabay weerarrada loo mariyo baraha bulshada, isagoo codsaday in la iska dhaafo been abuurka iyo hadallada damqinaya boogaha. “Dadka faafinaya beenta raqiiska ah ee raba in danahooda kaliya loo fuliyo waa qaldan yihiin ee dadka Soomaaliyeed ha ogaadaan,” ayuu yiri Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe. Guddoomiyaha oo hadda dalka ka ah kusime madaxweyne ayaa hadalkaan maanta ka sheegay Masjidka weyn ee Isbaheysiga Islaamka oo boqolaal…

Read More

Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay muddo ku siman 25 sano ah kaddib, waxay 15-kii jun 2015-kii  billawday qaadista Imtixaanka shahaadiga  ah dugsi sare (12-aad) ee dalka, taasi oo  meesha ka saartay si toos ah dowrkii ay dalladaha  ay ku lahaayeen ee qaadista imtixaankas, iyaga oo ku sababeeyey in xiligaas aysan ahayn wakhtigii ay ku habooneed, balse waxaa go’aankaas soo afjaray dowladda oo markaas ay Wasaaradda Waxbarashada ku dhiiratay in ay qaaddo Imtaxaanka Qaranka. Guud ahaan tirada ardayda fasalka 12aad ee sannad dugsiyeedka  2014-2015, ayaa lagu sheegay tiradooda in ay gaaraysay 287,000 arday oo isugu jira wiilal iyo gabdho; kuwaas…

Read More

Ciidanka xoogga dalka iyo saaxiibada caalamka, ayaa howlgal ay iska kaashadeen waxa ay la fuliyeen meel u dhow deegaanka Xuseen Cageey oo ah deegaan u dhaxeeya deegaannada Mesegawaay iyo Baraag Sheekh Caamir ee gobolka Galgaduud. War ka soo baxay dowladda ayaa lagu yiri, “Ku dhawaad 30-kamid ah Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal ay iska kaashadeen ciidanka xoogga dalka iyo saaxiibada caalamka, howlgalkaas ayaa ka dhacay meel u dhow deegaanka Xuseen Cageey u dhaxeeya deegaannada Mesegawaay iyo iyo Baraag Sheekh Caamir ee gobolka Galgaduud.” Sidoo kale warka dowladda ka soo baxay ayaa lagu sheegay in Hawlgalka  intii uu socday halkaas lagu…

Read More

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullahi Deni oo shalay furay kalfadhiga 54-aad ee baarlamaanka Puntland ayaa ka hadlay arrimaha ay isku hayaan ee sababay khilaafka siyaasadeed ee ka dhaxeeya Puntland iyo dowladda dhexe. Sidoo kale Saciid Deni ayaa si cad baarlamaanka maamulkiisa uga hor sheegay in Puntland ay diyaar u tahay in wadahadal rasmi ah ay arrimaha masiiriga ah kala yeelato dowladda federaalka Soomaaliya. “Puntland waxay diyaar u tahay inay dowladda federaalka wadaxaajood toos ah kala gasho arrimaha masiiriga ah ee hortebinta u leh dowlad-dhiska Soomaaliya,” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland. Deni ayaa hoosta ka xariiqay in aysan waxaba iska bedelin…

Read More

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa la filayaa inuu booqdo Kuuriyada Waqooyi horraanta toddobaadka soo socda. Bartamaha Bishan, Sarkaal ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed ayaa kula kulmay Wariyeyaasha goobtii uu Madaxweyne Yoon Seok-yool ka joogay Kazakhstan, wuxuuna si rasmi ah u sheegay qorshaha Madaxweyne Putin uu ku tagayo Waqooyiga Kuuriya. Waxaa sidoo kale jira xog sheegeysa in Pyongyang ay durba bilowday isu diyaarinta booqashada Madaxweyne Putin ee Kuuriyada Waqooyi. Haddii booqashadan Kuuriyada Waqooyi ay dhab ahaantii dhacdo, Madaxweyne Putin waxa uu booqan doonaa Pyongyang markii ugu horreysay muddo 24 sano ah tan iyo 2000, markaasoo uu xukunka hayay hogaamiyaha Difaaca…

Read More

Maalmahan waxa taagnaa hadal haynta ku saabsan qubuuro ku yaala Avazione Muqdisho oo la hadal hayey in la doonayo in laga saaro halkii ay ku aasnaayeen (duugnaayeen). Arrintaasi waxay I xasuusisay khudbad uu 1972 kii ka jeediyey Mudisho Ismaaciil Cali Abokor, oo wakhtigaas ahaa https://youtu.be/9tUDJcPoS3g?feature=shared Madaxweyne ku-xigeen iyo Xoghayaha Warfaafinta iyo Wacyigelinta, isagoo waxqabkii kacaanka ku faanaya in waxyaabaha ay qabteen ay ka mid ahayd in deyr 2400 mitir ah ay ku wareejiyeen qubuuraha Wardhiigley. Wuxuu kaloo xusay in sharafta dadka waxyaabaha lagu qiimeeyo ay ka mid tahay sida ay u qiimeeyaan kuwooda dhintay ee qubuuraha ku jira. Khudbada oo…

Read More

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil Saylici oo la hadlay Dad isugu soo baxay in ay oogaan Salaadda Ciidul-Adxaa ayaa soo hadal qaaday arrimaha Doorashooyinka & xaaladaha kale ee uu wajahayo Maamulkaas. Cabdiraxmaan Saylici ayaa tilmaamay in uu dhexdhexaad u yahay xubnaha Xildoonka isaga oo Shacabka Codaynaya ugu baaqay in ay codkooda ku aaminaan qofka ay u arkaan in uu awood u leeyahay xoojinta isku duubnidooda. Saylici ayaa sheegay in loo baahan yahay in la kala fogeeyo Doorashada & Qabyaaladda taasine aanay ahayn dhabbaha lagu gaari karo guul ama horumar sida uu hadalka u dhigay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland…

Read More

Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan iyo madax kale duwan oo bulshada kula ciiday degmada Maxaas. Degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa maanta si weyn looga ciiday waxaana ka socda degmada Munaasabadda Ciidul-Adxa. Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Yuusuf Dabageed Ergayga Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha ciidamada deegaanka Cali Jeyte Cismaan Wasiirka arrimaha gudaha Hirshabelle Cabdiraxmaan Daahir Guure Taliyaha qeybta booliska gobolka Hiiraan Kor. Isaaq Cali Cabdulle iyo Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Muse Salaad Wehliye ayaa boqolaal kamid ah bulshada degmada Maxaas Saaladda kula dukaday barxadda Ceel-weyne. Dadka kunool degmada ayeey ciidan uga duwaneed ciidihii hore, waxaana nasiib…

Read More

Madaxweynaha oo ku naaloonaya amniga degmada Maxaas ka jira ayaa bulshada waqti kula qaatay goobaha bulshada isugu timaado gaar ahaan Miqaayadda Coffeega ee Kaamilo Joobane oo kamid ah goobaha madaxda iyo shacabka isugu yimaadaan. Madaxweyne Yuusuf Axmed Hagar oo kamid ah madaxda bulshada jecel ee waqtiga kula qaata goobaha bulshada isugu timaado ayaa dadka ka xog wareestay xaaladda guud.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo maanta Salaada Ciidul-Adxa kula tukaday boqolaal shacab ah iyo masuuliyiin ka tirsan Dowladda Hirshabeelle magaalada Jowhar. “Alle hanaga aqbalo acmaasha, Dhammaan shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu hambalyeynayaa munaasabadda Ciidul-Adxa.” Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa ugu baaqay shacabka inay isku naxariistaan oo ay is gargaaraan maalmahaan oo kale.

Read More