Author: radiohalgan.com

Tirada dadka loo xiray rabshadaha ka dhanka ah socdaalka ee ka socda guud ahaan England iyo Waqooyiga Ireland ayaa gaartay ugu yaraan laba boqol iyo konton. Rabshadaha ayaa ka dhashay dil toddobaad ka hor loo geystay saddex gabdhood oo dhallinyaro ah. Xog si khaldan loogu baahiyey internetka ayaa dhalisay rabshadaha kadib markii dilkaas loo tiriyey inay gaysteen dad soogalooti ah, taas oo sii hurisay carada sii fiday. Masaajido iyo huteel oo ay degenaayeen magangalyo-doon oo ku yaalla magaalooyinka Rotherham iyo Tamworth ayaa dad badani oo ka mid ahaa kuwa dibadbaa dhigayey ay weerareen. Shaqaalihii huteelka iyo dadka deggan, oo qaarkood…

Read More

Xildhibaan Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya oo qoraal kooban soo saaray ayaa ka hadlay maxaabiis ka tirsanayd Al-Shabaab oo xalay ka baxsatay xabsi ku yaalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, kaas oo ay gacanta ku hayso Puntland. Tirada maxaabiista baxsatay ayaa ahayd 12, laakiin waxaa la soo qabtay 9 kamid ah raggaasi, kadib howlgal ay qaadeen ciidamada ammaanka maamulka Puntland. Ragga baxsaday oo ka tirsanaa Argagixisada ayaa waxaa qaarkood ay ku xukunaayeen dil toogasho ah, halka kuwa kalena ay ku xukunaayeen xabsi daa’in, sida ay ogaatay Caasimada Online. Xildhibaanka oo si kulul uga…

Read More

WAR-SAXAAFADEED Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay weerarkii argagixisanimo ee xalay ka dhacay Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, kaasoo la sheegay in lagu dilay ugu yaraan 32 qof tiro intaa ka badanna ay ku dhaawacmeen. Qarammada Midoobay ee Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa qoysaska iyo ehellada dadkii ku dhintay qaraxaas, waxayna u rajeynaysaa kuwa ku dhaawacmay inay si dhaqso ah u bogsadaan. “Xeebta Liido waa meel caan ah oo ay Soomaalidu waqti kula qaataan qoysaskooda iyo asxaabtooda, kuna raaxaystaan ​​bilicda xeebaha Soomaaliya.  In goobtan la bartilmaameedsado waa fal foolxun oo mudan qaadaya cambaareynta ugu adag,”…

Read More

Maamulka Somaliland ayaa dhambaal tacsi ah u diray qoysaska ay dadkoodii kaga dhinteen iyo kuwii ku dhaawacmay qarixii ka dhacay xalay Xeebta Liido ee magaalada  Muqdisho. Qoraal ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa tacsi loogu diray qoysaska  32-ka qof ee ku dhintay qaraxa argagixiso “Somaliland waxay garab taagan tahay xilliyada adag qoysaska iyo dhibaneyaasha rayidka ah ee wax ku noqday weerarkaas” ayaa lagu yiri War saxaafadeedka Somaliland. Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland waxay caddaysay in Xukuumadda Somaliland si weyn uga murugaysan tahay weerarka argagixiso ee Xeebta Liido ku galaaftay dad aan waxba galabsan oo shicib ah, gaar ahaan dhallinyarada.

Read More

RW Itoobiya Abiye Axmed ayaa tacsi u diray dadkii ku dhintay qaraxii xalay ka dhacay Xeebta Liido ee Magaaladda Muqdisho. Waxaa uu intaa ku daray inuu aad uga xun yahay falkaas, isagoo sheegay in uu garab taagan yahay Shacabka Soomaaliyeed ee xilliga adag ku jira. “Waxaaan ka xumahay khasaaraha Nafeed ee Ka dhashay weerarka argagaxisoa ee ka dhacay Xeebta Muqdisho, waxaan duco la garab taaganahay shacabka Soomaaliyeed iyo qoysaskooda ee dhibtu gaartay” ayuu yiri Abiy oo ka hadlayey munaasabad ka dhacday Addis ababa. Qarax xooggan iyo weerar toos ah oo ay geysteen kooxo naftood halligeyaal ah ayaa xalay ka dhacay…

Read More