What's Hot
Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo daah-furay Shirwrynaha 2-aad ee Culimada Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in qabashada shirkan, sannadkii 2-aad oo xiriir ah, ay ka marqaanti kacayso mudnaanta ay dowladdu siinayso talada iyo tilmaamaha culimada ee dowlad-dhiska Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa soo bandhigay caqabadaha ku xeeran dadka iyo dowladnimada Soomaaliyeed, isagoo adkeeyey in culimadu ay xoojiyaan wacyigelinta ku wajahan marin habaabinta argagixisadu ay ku wadaan dhallinyarada Soomaaliyeed iyo dambiyada ay ku galayaan magaca diinteenna suubban. “Dowladdu waxa ay mas’uul ka tahay ilaalinta jiritaanka dadka iyo dalka, oo ay ugu horreyaan diinta, afka, midnimada iyo wadajirka, taas oo ah dhaxal…
Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta xukuntay eedeysane Cabdinuur Aadan Ibraahim oo ahaa agaasime ka tirsan wasaaradda Maaliyadda ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaa loo maxkamadeeyay in uu maalgalinayay argagaxisada iyo sido kale Lacag dhaqid. Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo Dacwadiisa u gudbiyay Maxkamadda gobolka Banaadir Bartamahii Bishii 5aad ee Sannadkaan ayaa sheegay in eedeysanaha uu sameystay Akoono laga furay bankiyada dalka kuwaasoo lacagaha loogu heyn jiray kooxaha argagaxisada ah. ku dhawaad $296,036.75 ayaa la dhigay mid ka mid ah akoonadda u sameystay, ayada oo lacagahaasi loo bixinayay qaab Mushaar ahaan bil walba sida laga dhex arki karay…
Ku-simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan braahim oo uu weheliyay Guddoomiye ku xigeenka labaad, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde), ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga shanaad kulankiisa 5-aad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS. Ajandaha kulanka ayaa ahaa dhagaysiga war-bixinta iyo waydiimo furan oo ku saabsan wasaaradda arrimaha Gudaha qaar kamid ah hay’addaha hoos yimaada oo kala ah: Hay’adda maareynta Musiibooyinka, Hay’adda Diwaangalinta iyo Aqoonsiga Dadwayaha & hay’adda Qaxootiga Qaranka . intaas ka dib Sanatarada Golaha Aqalka Sare, ayaa su’aallo ka waydiiyey Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf…
Madaxweynaha Turkiga Erdogan oo markii u horreysay tan iyo markii uu bilowday dagaalka Qasa sheegay iney awood buuxda u leeyihiin weerar ay ku qaadaan Israel aysana jirin cid ka hor joogsan karta. “Sidii aan gudaha u galnay Karabakh iyo Liibiya, waxaan awoodnaa inan ku sameyno Israa’iil, Wax aynaan samayn karin ma jiraan. Kaliya waa inaan xoog yeelanaa.” ayuu yiri Erdogan Kaddib markii Madaxweynaha Turkiga , Erdogan uu ku hanjabay inay weerarri karaan Israa’iil, waxaa hadal hanjabaad ah ugu jawaabay Wasiirka Arrimaha dibadda Israa’iil oo bartiisa X ku baahiyay sawirka Erdogan iyo Saddaam Xuseen oo uu ku soo dul qoray. “Erdogan…
Waxaa magaalada Otowo dalka Kanada ku geeriyooday Axmed Xaaji Cilmi Guure, oo ka mid ahaa bahdiii duulimaaadka Soomaaliya xilligii dowladdii dhexe sidoo kelana door weyn ku lahaa aasaaaskii warbaahinta qoraalka ee Soomaaliya ka dib burburkii dalka. Axmed Guure, waxaa uu ka mid ahaa duuliyaashii diyaaradihii Soomaali Airlines muddo dheerna waxaa uu ka mid ahaa raggii duulinayey diyaaradahaas. Markii dalka burburay Axmed, waxaa uu aaasaasay website-ka qoraalka ah ee Hiiraan Online oo uu maamule iyo mulkiile ka ahaa,taas oo door weyn ku lahayd kobaca saxaafada Soomaalida. Kabtan Ibraahiim Abiikar Nuur, waxay muddo dheer saaxiib iyo shaqo wadaag ahayeen Guure, wuxuu ku…
Waxa magaalada Hargeysa laga bilaabay tartan dhinaca Feedhka ah, oo ah kii ugu horreeyay ee noociisa ah ee lagu qabto Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanideeda ee Somaliland. Tartankan oo ay ka qayb galeen siddeed feedhyahan oo ka socday xarumo lagu barto feedhka oo ku yaalla magaalada Hargeysa iyo Gebilay, ayaa dhowr maalmood socon doona, sida la baahiyey. Furitaankii tartanka oo lagu qabtay Garoonka Tima Cadde ee Hargeysa, waxaa ka qayb galay boqollaal qof oo tartankan aad u xiisaynayey. Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Somaliland ayaa BBC u sheegay in ay ka taxaddareen sidii loo ilaalin lahaa bedqabka tartamayaasha, isla mar…
Intii lagu guda jiray khudbad uu Sabtidii ka jeediyay ololahiisa doorashada ee magaalada St. Cloud ee gobolka Minnesota, musharraxa xisbiga Jamhuuriga ee Donald Trump ayaa u muuqday in uu isku khalday labada gabdhood ee xisbiga Dimuqraadiga ee kala ah Ilhaan Cumar oo laga soo doorto Minnesota iyo Rashida Tlaib oo laga soo doorto Michigan. Labadan gabdhood ee Congress-ka ku jira, oo labaduba ah labadii haween ee Muslim ahaa ee ugu horreeyay ee taga Congress-ka, ayaa ah aasaasayaasha xubnaha “Squad”, oo ah koox aan rasmi ahayn oo xubno ka tirsan Aqalkaasi samaysteen sannadkii 2019. Trump ayaa inta badan dhaliilo kala duwan…
Dalka Canada waxaa xalay ku dhintay Allaha Unaxariistee Axmed Xaaji Cilmi Guure oo kamid ahaa Duuliyaashii hore ee Shirkadda Diyaaradaha Soomaaliya ee Somali Airline oo in muddo ah ku noolaa Dalkaan dhaca Waqooyiga Ameerika. Abdullahi Axmed Cabdulle Azhari oo ay kusoo wadashaqeeyeen xirfadda Duuliyenimada ee Shirkaddii Somali Airline isla markaana ay wax soo wada barteen oo la hadlay VOA SOMALI ayaa sheegay in uu Marxuum Axmed Cilmi uu ahaa qof shaqo firfircoon. Waxa uu sidoo kale ku sifeeyay in uu ahaa Nin ay ku weyn tahay Soomaalinimada iyo in la isku keeno, waxaana uu wax ku bartay Dugsiga Sare ee…
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka daahfuray shirka Isku dubarridka Barnaamijka Xasilinta oo agaasinkiisu leedahay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Shirkaan waxaa lagu martiqaaday madax kala duwan oo ka qaybgalaysa waxaana ay ka kala socday Xafiisyada Midowga Afrika, Midowga Yurub & kuwo kale waxaana dhammaantood goobjoog ka noqonayaan qorshaha Horumarinta Barnaamijkaan. Waxyaabaha diiradda lagu saarayo Shirkaan waxaa kamid ah Barnaamijka Xasilinta ee Dowladdu hoggaaminayso kaas oo lagu gaarsiinayo adeegyada Bulshada, Maamul dhiska, Amniga, Cadaaladda deegaannadii dhowaan laga qabsaday ‘AS’ & Qodobo kale. Marka intaas laga hadlo kaddib…
Safiirka Isutagga Imaaraatka Carabta ee Soomaaliya Axmed Jumca Rumeythi ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka daahfuray Xarun laga qaadanayo Dal ku galka Waddankiisa si loo fududeeyo isu socodka labada Dal. Danjire Axmed ayaa sheegay in Xaruntaan si gaar ah u qaabilsanaan doonto bixinta Dal ku galka Dalkaas isla markaana qayb ka tahay Xoojinta Xiriirka labada Dal waa isutagga Imaaraatka iyo Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay. Dowladaha Soomaaliya iyo Isutagga Imaaraatka Carabta ayaa horay ugu heshiiyay in ay kawada shaqeeyaan wax weliba oo lagu xoojin karo Cilaaqaadka labada dhinac waxaana ka mid ah fududeynta isu socodka. Danjire Axmed Jumca Rumeythi ayaa…