What's Hot
Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa shaaca ka qaaday in la joogo waqtigii caqabadda laga hor leexin lahaa in Qaaradda Afrika xubin joogta ah ku yeellato Golaha Ammaanka sida uu ka dhex sheegay fadhi gaar ah oo Golahaas yeeshay Isniintii. Waxa uu intaas ku daray Dalalka Afrika ay isbaddel weyn oo dhinacyada horumarka Siyaasadda, Dhaqaalaha, Amniga iyo Bulsho sameynayeen sanadihii dambe loona baahan yahay in ay xubin joogto ah ku yeeshaan Golaha Ammaanka. Guterres ayaa intaas ku daray in Qaaradda weyn ee Afrika ay leedahay metalaad xubno ku yimaada Doorasho labadii sano mar halka Qaaradaha kale ay…
Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay saddex dhallinyaro ah oo naftooda u huray badbaadinta dadkii ku dhaawacmay qaraxii kooxaha Khawaarijtu ay ka geysteen xeebta Liido. Dhallinyaradan ayaa wakhti halis ahaa ku dhiirraday in ay dhabarkooda ku qaadaan oo badbaadiyaan dadka waxyeellada soo gaartay ee dhaawaca ahaa oo dhulka yaalay. Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhallinyaradan ku ammaanay geesinimadooda, isaga oo ku tilmaamay halyeeyo qaran oo tusaale u ah dhallinyarada Soomaaliyeed. Wuxuu sidoo kale sheegay in dowladdu ay mar walba garab taagan tahay dhallinyarada u taagan difaaca iyo badbaadinta bulshada, waxaana uu ku dhiirrigeliyey in ay sii wadaan…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay dhiggiisa Jamhuuriyadda Rwanda Mudane Paul Kagame oo uu ka qeyb-galay caleemo-saarkiisa. Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xiriirka laba geesoodka ah iyaga adkeeyay doorka muhiimka ah ee iskaashiga gobolka uu ka qaadan karo wax ka qabashada caqabadaha iyo la dagaallanka argagixisada. Madaxweyne Paul Kagam ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku bogaadiyey horumarka ay ka gaartay dhinacyada, amniga, diblomaasiyadda iyo dhaqaalaha. Sidoo kale waxa uu ballan-qaaday in Rwanda ay taageeri doonto dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, ee dib usoo kabashada ku jira. Paul Kagame ayaa Axaddii shalay loo dhaariyay…
Waxaa maanta magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool laga daahfuray Xafiiskii 8-aad ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo ku yeelanayso magaaladda Laascaanood. Xaruntaan ayaa loogu adeegi doona dadka ku nool deegaanada SSC Khaatumo oo ay dowlada Fedaraalka u aqoonsatay maamul ku meel gaar ah. Munaasabada lagu daahfuraayay xaruntaan waxaa ka qeyb galay oo xariga ka jaray hoggaamiyaha maamulka SSC Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw Cali, isagoona ka mahadceliyay xarunta Xafiiskaan maanta laga hirgaliyay Laascaanood. Hoggaamiye Cabduqaadir Firdhiye ayaa sheegay in dadka reer Khaatumo ay si weyn ugu baahi qabeen iney helaan adeegga Baasaboor bixinta oo markii hore ay u doonan…
Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa bogaadiyay dadaalka Turkiga ee soo afjarida wuxuu ugu yeeray gardarada Itoobiya ee ku wajahan midnimada dhuleed ee Soomaaliya. Raysal wasaare hore Cumar Cabdirashiid ayaa soo jeediyay in heshiis kasta oo lala galo Itoobiya uusan ku jirin ama soo jeedin in Itoobiya ay saldhig ciidan ka sameysato ama xuquuq ka hesho dhul badeedka Soomaaliya. Cumar Cabdirashiid ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay raadisaa talo-bixin khubaro ah oo ku saabsan wada-hadallada haatan socda. Hadalka raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya, iyadoo maanta magaalada Ankara uu wadahadal uga socdo Soomaaliya…
Halyeeyga Liverpool Jamie Carragher ayaa shaaca ka qaaday saadaashiisa xilli ciyaareedka cusub ee premier League maalmo ka hor inta uusan bilaaban. Horyaalka Ingiriiska ee 2024/2025 ayaa bilaabmaya Jimcaha soo socda iyada oo Man United la ciyaari doonto Fulham. Jamie Carragher ayaa saadaaliyay sida ay u kala sarayn doonaan 6-da kooxood ee ugu sareeya premier League xilli ciyaareedka cusub. Carragher ayaa Man City u saadaliyay ku guulaysiga horyaalka halka uu Arsenal u saadaaliyay kaalinta 2-aad. Halyeeya Liverpool ayaa kooxdiisii hore u saadaaliyay kaalinta 3-aad halka uu Tottenham u saadaaliyay kaalinta 4-aad. Sidoo kale Man United ayuu u saadaaliyay kaalinta 5-aad ee…
Halyeeyga Manchester United Paul Scholes ayaa saadaal geesinimo leh ku sheegay in Arsenal ay ku guuleysan doonto Premier League xilli ciyaareedkan. Xidigii hore ee khadka dhexe ee England ayaa aaminsan in Gunners ay horumar la taaban karo samaysay sanadihii ugu dambeeyay ayna haatan diyaar u yihiin in ay jabiyaan awooda Manchester City. Scholes ayaa saadaaliyay sababta ka dambeysa horumarka joogtada ah ee Arsenal, wuxuuna yiri: “Waxaan filayaa in Arsenal ay noqon doonto kooxda ku guuleysata horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan, horumar ayay sameeyeen sanadihii lasoo dhaafay, kaliya waxaan u maleynayaa in sanadkan uu yahay markii ay diyaar u yihiin inay…
Julian Alvarez ayaa si rasmi ah ugu biiray Atletico Madrid isaga oo kaga soo biiray Manchester City. Laacibka reer Argentina ee ku guuleystay Koobka Adduunka iyo Copa America ayaa rabitaankiisa loo fuliyay. Alvarez ayaa dalbaday inuu ka tago Man City sabab la xiriirta inuusan ku faraxsanayn daqiiqadihiisa ciyaarista waxana uu ku biiray La Liga. Xiddiag 24 jirka ah ayaa 95 milyan ugu biiray kooxda ka ciyaarta horyaalka La Liga. Atletico Madrid ayaa halka hore ka bixisay 75 milyan oo euro halka ay 20 milyan oo euro ku bixin doonaan gunooyin.
Kabtanka kooxda Liverpool ee Virgil van Dijk ayaa maamulka kooxdiisa u sheegay in ay sameeyaan saxiixyo cusub ka hor inta uuna xidhmin suuqa xagaaga. Liverpool ayaa ah kooxda kaliay een wax saxiix ah samayn 5-ta horyaal ee ugu waaweyn qaarada yurub. Van Dijk ayaa maamulka kooxdiisa u sheegay in ay la soo saxiixdaan xiddigo cusub maadama uu xilli ciyaareedku dheeraan doono. “Sida iska cad waxaan qabaa inaan sameyno saxiixyo cusub maadama xilli ciyaareedku muddo dheer socon doono”ayuu yidhi. “Waxaan filayaa inay si hoose uga shaqaynayaan waxaanan si buuxda ugu qanacsanahay oo aan ku kalsoonahay kooxda waxana ay samayn doonaan waxa…
Lautaro Martinez ayaa u saxiixay Inter Milan heshiis cusub oo shan sano ah ilaa xagaaga 2029. Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Argentina ayaa ku biiray kooxda reer Talyaani bishii July ee 2018 waxaana uu dhaliyay 129 gool lix xilli ciyaareed. Martinez, oo 26 jir ah, ayaa todobo koob kula guuleystay Inter oo uu ku jiro horyaalka Seria A 2021 iyo 2024, halka uu ka caawiyay inay gaaraan finalka Champions League 2023. Kooxda Inter ayaa Albaabka ka xidhatay kooxaha doonayay saxiixa xiddiga waxana ay hubisay in uu muddo sii joogay kooxda.