Author: radiohalgan.com

Shirka Koobaad Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo ka duulaya ahmiyadda bulshada gobolka u leeyihiin dhismaha Wadda-Laamiga ee Beledweyne dhax marta Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif Biyo-xereenno iyo mashaariic kale oo hurumarin ah ayaa Muqdisho uga qeyb-gali doona shirka koobaad oo looga hadlayo mashaariicdaasi iyo sidii loo bilaabi lahaa. Shirka Labaad guddoomiyaha gobolka Hiiraan Mudane Muuse Salaad Wehliye ayaa ka qeyb gali doona shir labaad oo looga hadlayo bilaabashada wajiga Labaad ee Howlgalka ka dhanka ah Argagaxisada oo uu hoggaamin doono guddoomiye Muuse Salaad Wehliye. Madax Dolwadda Soomaaliya iyo dowladad goboleedka Hirshabelle oo ka duulaya Aqoonta iyo qibradda ciidan ee uu leeyahay guddoomiyaha…

Read More

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa maanta gacanta kusoo dhigay Shabaab ku dhuumaaleysanayay deegaanno hoostaga degmada Ruun-nirgood ee Sh/Dhexe. Howl-gal ay ciidanka ka sameeyeen deegaannadaasi ayaa waxaa lagu soo qabtay Cabdullaahi Macallin Cusmaan (Ilyaas), kaasi oo ku dhuumaaleynaysay halkaasi. Ilyaas ayaa kooxda Al-Shabaab ka tirsanaa ku dhawaad laba sano, waxaana ugu dambeyntiina uu maanta soo galay gacanta ciidanka dowladda ee aagga Ruun-nirgood. Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa ku sugan Ruun-nirgood iyo aageeda, waana dhul howd ah oo kooxda ay aad u jeceshahay marar badana ay ciidamada dowladdu kula dagaaleen. Degmadaan oo dhacda halka ay iska galaan gobollada Shabeellada…

Read More

Hantidhowraha guud ee Qaranka Axmed Ciise Guutaale oo maanta Warbaahinta la hadlay ayaa soo bandhigay isbaddelka Dhaqaalaha ee ku yimid Baarista iyo la dagaalanka Musuqa oo horay loogu soo xiray mas’uuliyiin katirsan Dowladda Federaalka oo qaarkood xukunno kala duwan lagu riday. Guutaale ayaa sheegay in 22 Sarkaal uu soo eedeeyay Xafiiska Hantidhowrka Qaranka kuwaas oo 15 kamid ah katirsan Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadda JFS, 3-Sarkaal waxa ay ka howlgalaan Wasaaradda Maaliyadda & Bangiga DHEXE halka 4ta sarkaal ee soo hartay ay katirsan yihiin Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada JFS. Baaritaantaan ayaa laga soo billaabay 8dii Maarso sanadkii 2018kii waxaana ay…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka  Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku booqday hoyga ay ka daggan yihiin magaalada Muqdisho qoyska Allaha u naxariistee Prof. Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari, si uu ula qeybsado geerida, una saxiixo buugga tacsida marxuumka oo halkaas ka furan. Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlay Qoyska ayaa yiri, “Prof. Jawaari waxuu ka baxay Qaranka iyo ummadda Soomaaliyeed dhammaanteed, halgankiisii dheeraa ee uu u soo maray dowlad dhiska Soomaaliya waa mid lama ilaawaan ah, Ilaahay naxariistiisa janno ha ka waraabiyo, ehelkiisa, asxaabtiisa, iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeedna samir iyo iimaan ha ka siiyo,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa. Ra’iisul Wasaaraha…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow gaaray magaalada Wargaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe halkaas oo uu kulamo gaar ah kula leeyahay saraakiisha ciidanka Xoogga Dalka. War kooban oo ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu yiri, “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dardar galinaya howlgallada dib u xoreynta dalka ayaa garay deegaanka Waragaadhi ee gobolka Shabeelaha dhexe.” Sidoo kale warka ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sii yiri, “Madaxweynaha ayaa Saraakiisha hoggaamisa ciidamada Xoogga dalka ee deegaanka ku sugan ka dhegeystay warbixinno ku saabsan guulaha laga gaaray dagaalka, warbixinta ciidamada ay hoggaamiyaan.” Socdaalka uu…

Read More

Dab khasaaro geystay ayaa saaka abaaro 8-da subaxnimo ka kacay suuqa weyn Alshaawa ee magaalada Diridhabo, isaga oo ka kacay dhanka dayrkii waynaa ee togga iyo laamiga u dhaxaysa, iyada oo markii dambe lagu guuleystay. Goobta uu ka kacay dabka oo ahayd Suuqa ayaa markii dambe waxaa ku guuleystay, ciidamada dabdamiska, ganacsatada Suuqa iyo bulshada qaybaheeda kala duwan, kuwaas qeyb lixaad ah ka qaatay daminta dabka. Sidoo kale Waxaana lasheegayaa in dabku khasaare hantiyeed oo xooggan uu gaystay inkasta oo aan lasheegin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay. Dabka suuqyada ka kaca ayaa ku soo laablaabtay suuqyada magaalooyiinka Soomaaliya, iyada…

Read More

Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa tacsi u diray qoyska, asxaabta iyo shacabka Soomaaliyeed uu ka geeriyooday Ugaas Mowliid Ugaas Cabdullaahi Ugaas Axmed. Ugaas-ka ayaa ka mid ahaa dhaqanka waqtiga geliyay dhismaha Dowladda Hirshabeelle waxana uu ku lahaa door weyn. “Innaa Lillaahi wa innaa Ileyhi Raajicuun, waxaan tacsi u dirayaa qoyska, asxaabta iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Ugaas Mowliid Ugaas Cabdullaahi. Kaalin muuqato ayuu ku lahaa Dowladda Hirshabeelle.” Gabogabadii Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa Rabbi ugu baryay inuu geeyo Janna Fardowsa.

Read More