Author: radiohalgan.com

Wasiirka Beeraha & Waraabka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa faah-faahin ka bixiyay safarka Wasiirrada labada heer ee Wasaaraddaas ay ku tagayaan Dowlad-Goboleedka Galmudug. Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirka Beeraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ujeedka Socdaalkooda kusoo koobay mid ay ugu kuurgalayaan tacbashada Beeraha ee Dowlad-Goboleedka Galmudug. “Socdaalkan aan Galmudug ku tegayno waa mid aanu ugu kuur gelayno xoojinta tacbashada beeraha Dalka, Galmudug Ayaan ka billownay qorshaha Istaraatiijiyadda ee Wasaaradaha labada Heer, Dalka meel weliba Beero ayaa lagu beeray, Galmudug Beeraley ayay noqotay” Ayuu yiri Wasiirka Beeraha & Waraabka XFS Maxamed Cabdi Xayir Maareeye. Wasaaradaha Beeraha & Waraabka…

Read More

Wararka aynu ka heleyno degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in saaka dib usii laba qarxay dagaal labadii maalmood lasoo dhaafay ka socday gudaha degmadaas, kaas oo u dhexeeyo laba maleeshiyo beeleed. Dagaalka oo galay maalintiisii saddexaad ayaa haatan ka socda bartamaha magaalada oo ay isku hayaan labada dhinac, waxaana lasoo wariyay in xaaladdu ay faraha kasii baxeyso. Ciidamada dowladda ee ku sugan aaggaas ayaa lasoo wariyay in dagaalka ay ku biireen, taas oo waji cusub u yeeshay xiisadda ka taagan halkaasi. Sidoo kale waxaa guul darreystay dadaallo nabadeed oo la doonayay in xabad joojin lagu kala dhex dhigo…

Read More

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa soo xiray wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Ashraf Cali Nuur, kaas oo isticmaala baraha bulshada. Booliska oo soo bandhigay ninkan ayaa ku eedeeyay anshax darro liddi ku ah dhaqanka iyo diinteenna Islaamka, waxaana boolisku sheegay in la horgeyn doono sharciga. “Ciidanka Boliiska Soomaliyeed ayaa soo xiray eedeysane Ashraf Cali Nuur Sahal 24 jir kuna eedeysan Anshax-daro. Ciidanaka Boliiska Soomaaliyeed waxa ay u taaganyihiin fal-kasta oo wax u dhibaya dhaqankeena suuban iyo diinteena sharafta leh” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay taliska qaybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir. Xarigga wiilkan dhalinyarada ah oo caan…

Read More

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta howlgallo culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ka sameeyay duleedka degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, kaas oo ay guullo ka sheegteen saraakiisha milatariga. Ciidamada ayaa howlgalkan ku gaaray deegaano ay horay u joogeen maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaana la wareegay Xoogga dalka, gaar ahaan guutada 9-aad ee fadhigoodu yahay degmada Xudur. Deegaanada ay la wareegeen ciidamada dowladda oo dhaca galbeedka magaaladaasi ayaa kala ah deegaanada Eedanow iyo Ceelahaley oo ay horay fariisin ugu lahaayeen maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab. Saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan aaggaasi ayaa sheegay in deegaanada ay wareegeen laga soo abaabuli jiraan…

Read More

Xulka France ayaa markiisa helay fursado fiican laakiin kama faa’iidaysan fursadihihii ay heleen. Waxa ay labada xul ku kala bexeen bar-baro gool la’aan ah 90-kii daqiiqo ee ciyaarta. Waxa ay labada xul isla aadeen wakhtigii dheeriga ahaa iyaga oo wada ciyaaray 30 daqiiqo oo dheeri ah. Laakiin labada xul ayaan waxba kala dhalin iyada oo xul walba doonayay in rikoodhayaal la isla gaadho Labada xul ayaa isla gaadhay rikoodhayaal waxana ay 4/5 guushu ku raacday xulka France kuwaas oo iska xaadiriyay wareega Semi-final-ka Euro 2024.

Read More

Xulka Spain ayaa reebay xulka Marti galiyay Tartanka Euro 2024 ee Germany. Kulanka ayaa ahaa mid ay isku haleeleen xulalka ugu fiican tartanka ilaa haatan. Kulanka ayaa ku bilowday mid uu xulka Spain ku bilowday si dar-dar leh iyaga oo weeraro ku qaadayay xulka Germany. Xulka Germany ayaa dhinacooda helay fursado ay ku halis galiyeen xulka Spain. Xulka Spain ayaa daqiiqadii 51-aad ayuu xulka Spain dhaliyay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Dani Olmo. Xulka Germany ayaa raadinayay in ay dhaliyaan goolka bar-baraha iyaga oo qaadayay weeraro aan kala joogsi lahayn. Daqiiqadii 119-aad ayuu xulka Spain dhaliyay goolka 2-aad ee…

Read More

Keddib markii uu magaalada Hamburg dhawr bilood joogay, buu la kulmay haweenay Yahuudiyad Jarmal ahoo 73 jir ah, laguna magacaabo Jessica. Jessica waxay ahayd haweenay maalqabeen ah oo hantideeda lagu qiyaasay $350 million. Dhawr bilood oo sheekaysi ah keddib, Maxamed waxa uu jeclaaday Jessica, waxana uu go’aansaday in uu guursado. Weriyeyaasha mid ka mid aad ah baa Maxamed weydiiyay: “Sidee baad diyaar ugu noqotay in aad guursatid haweenay da’daas jirta?” Maxamed waxa uu ku jawaabay: “Jacaylku xuduud ma yaqaan, aniguna waxa aan Jessica ku jeclaaday qalbigeeda wanaagsan”. Keddib markii ay lix sano wada noolaayeen, Jessica waa ay geeriyootay, Maxamedna waxa…

Read More

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dabaal-degii 1-da Luulyo kusoo bandhigtay hubkii ugu cuslaa oo ay qeyb ka yihiin gadiid gaashaman, taasi oo lagu muujinayay isbeddelka awoodeeda ee ciidanka Soomaaliya. Ciidamada ayaa maalintaas sameeyay bandhig cajiib ah oo lagu muujinayo qiimaha maalinta xoriyadda dalka, kaasi oo lagu soo bandhigay gaadiidka dagaalka iyo ciidamo aad u diyaarsan oo dhuulatus sameynaya. Gaadiidka gaashaman iyo hubka maalintaas lagu soo bandhigay dabaal-degga ayaa waxaa inta badan dowladda Soomaaliya ku taageeray dalka Turkiga oo kasoo dejiyay magaalada Muqdisho, sida uu maanta shaaciyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Madaxweynaha oo maanta ka qeyb-galay munaasabadda xiritaanka qalin-jabinta dufcadda 6-aad ee…

Read More

Xulka qaranka Argentine ayaa si dirqi ah isaga xaadiriyay wareega 4 dhamaadka Copa America kadib markii ay garaaceen xulka Ecuador. Xulka qaranka Argentina ayaa ku guuleystay in ay rigoorayaal 4-2 ah kaga adkaadaan Ecuador, kaddib markii waqtigii caadiga ahaa ay ku soo idlaatay bar-baro 1/1. Xulka qaranka Argentina ayaa wajahay dhigooda Ecuador kulan ka tirsanaa wareega sideed dhamaadka Copa America 2024, garoonka NRG Stadium. Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta Kevin Rodriguez ayaa goolka barbaraha u dhaliyay xulka Ecuador, kaddib markii uu madax ku dhaliyay gool. Xulka qaranka Argentina ayaa u suurta gashey in ay rigoorayaal…

Read More

Ilaalada xeebaha dalka Mauritania ayaa soo saaray meydadka 89 qof oo tahriibayaal ah oo la socday dooni Isniintii  ku degtay badweynta Atlaantik. Sagaal qof oo ay ku jirto gabar shan jir ah ayaa la soo badbaadiyay, balse tobannaan kale ayaa la la’yahay. Dadka badbaaday ayaa sheegay in markabka yar ee ay la socdeen uu ahaa doon kalluumeysi oo todobaadkii hore ka soo shiraactay xadka u dhexeeya Senegal iyo Gambia. Doontaasi waxaa saarnaa 170 qof ,iyadoo ku qallibantay xeebta koonfur-galbeed ee Mauritania. Mauritania ayaa ah marin muhiim ah oo ay maraan dadka tahriibayaasha ah ee isku dayaya in ay Yurub uga…

Read More