Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
๐๐๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐ ๐๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐จ๐ฆ๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐ ๐จ๐จ ๐๐ก๐ฎ๐๐๐๐ ๐ค๐ฎ ๐๐๐๐๐ฌ๐๐ง ๐๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐๐ซ๐ค๐ ๐๐ก๐๐ช๐๐๐ฅ๐๐ก๐ ๐๐จ๐จ๐ฆ๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐ ๐ค๐ ๐ฃ๐๐๐๐ข๐ฒ๐๐ฒ ๐ฌ๐ก๐ข๐ซ๐ค๐ ๐๐๐๐ซ๐ค๐ ๐๐๐ซ๐ ๐๐ ๐๐๐ง๐ ๐ข๐ ๐ ๐๐๐๐ฎ๐ฎ๐ง๐ค๐. #Wasiirka Maaliyadda XFS Biixi Imaan Cige iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan magaalada Washington DC ayaa ka qeyb galay shirka heerka sare ee Bangiga Adduunka. #Shirka oo ay ka soo qeyb galeen qaar ka mid ah Wasiirada Maaliyadda Dalalka Afrika ayaa Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige waxa uu jeediyay khudbad uu nuxurkeeda uga hadlay horumarka dhaqaalaha Soomaaliya iyo dadaalada Xukumadda ee ah kobcinta dhaqaalaha iyo maalgalinta fursadaha muhiim ah ah ee shaqo abuur u noqon kara bulshada Soomaaliyeed.…
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Soomaaliya Maxamuud Aadan geesood oo kulan la qaatay Raโiisul Wasaaraha Jabuuti, Mudane Cabdulqaadir Kamil Maxamed kadib booqasho uu ku tegey jabuuti. Si loo xoojiyo xiriirka walaaltinimo iyo derisnimo ee qotada dheer ee u dhexeeya labada dal, kulanka Intii uu socday waxa looga hadlay xoojinta iskaashiga ganacsiga, iyagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay kor u qaadista isu socodka badeecadaha iyo maalgelinta ganacsiga. #Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay Raโiisul Wasaaraha Jabuuti soo dhoweynta diirran iyo martigelinta, isagoo sheegay in booqashadani ay tahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo iskaashiga ganacsi iyo istaraatiijiyadeed ee labada dal.
Ugu yaraan 26 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen weerar lagu bartilmaameedsaday dad rayid ah, kuwaasoo ay ku jireen dalxiisayaal, meel u dhow deegaanka Baisaran ee gobolka lagu muransan yahay ee Kashmir. Sida ay sheegeen booliska Hindiya, weerarkan ayaa ka dhacay goob 5km u jirta magaalada dalxiiska caanka ah ee Pahalgam. Booliska ayaa weerarka ku tilmaamay โmid argagixiso,โ wuxuuna ahaa mid ka mid ah kuwii ugu khasaaraha badnaa ee lagu beegsado dad shacab ah sannadihii u dambeeyay. Dad badan oo dalxiisayaal ah ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen rasaasta, waxaana si degdeg ah loogu qaaday xarumo caafimaad. Taliyeyaasha amniga…
Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya Mudane Abdullahi Mohamed Ali (Sanbaloolshe) ayaa si caadi ah u wata howlaha shaqo ee hay’adda Nabad-sugidda. Agaasimaha ayaa maanta illa caawa kulamo la leh saraakiisha kala duwan ee hay’adda oo uu kala hadlay sugidda amniga Caasimadda iyo laba jibaaridda howlgalka ka dhanka ah Khawaarijta. #Xubno mucaaradka kamid ah oo rabay in aay dalka foodo galiyaan isla markaana la joojiyo howlgalka ciribtirka Khawaarijta oo qaba in Sanbaloolshe oo hay’adda NISA jooga in aaysan shaqadooda suura geli karin ayaa baraha bulshada ku baahiyay warar been abuur ah, madama isku dayga xilka qaadista aay wadeen uu…
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal ciidamo deegaanka ah iyo AS ku dhexmaray deegaanka Aboorey ee ka tirsan gobolka Hiiraan. Dagaalka ayaa yimid, ka dib markii Ciidamo deegaanka ay weerar ku qaadeen xubno ka tirsana AS oo ku sugnaa gudaha deegaanka Aboorey. Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalka, inkasta oo aan la xaqiijin karin tirada rasmiga ah. Saraakiisha Ciidanka ayaa sheegay in sii wadi doonaan howlgalka ka dhanka ah AS ee ay ka wadaan aaga deegaanka Aboorey ee gobolka Hiiraan. #Deegaanka ayaa dagaal ka socdaa maalmo badan, waxaana la wareegay AS, inkasta oo ciidanka…
Iran iyo Mareykanka ayaa dhammeystiray wareegii labaad ee wadahadallada aan tooska ahayn ee ku saabsan barnaamijka nukliyeerka Iran, waxaana la qorsheynayaa wareeg saddexaad oo wadahadal ah toddobaadka soo socda.โ Wadahadalladii maanta ayaa waxaa lagu qabtay magaalada Rome, iyadoo uu dhexdhexaadinayay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Cumaan, Badr al-Busaidi. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Abbas Araghchi, iyo wakiilka Mareykanka ee Bariga Dhexe, Steve Witkoff, ayaa kulmay muddo afar saacadood ah, waxaana kulanka lagu tilmaamay mid โwax ku ool ahโ.โ Araghchi ayaa sheegay in labada dhinac ay gaareen is-faham wanaagsan oo ku saabsan mabaadiโda iyo yoolalka wadahadalka, isagoo intaa ku daray in wadahadallo…
Hobalka caanka ah ee reer Hargeysa Maxamed Saciid Bk ayaa maanta shaaciyay inuu dib ugu soo laabtay fanka oo uu horay uga baxay. Bk ayaa maanta ayaa ku caddeeyay kusoo laabashadiisa fanka, kadib 5 sano oo uu maqnaa masraxyada heesaha, wuxuuna farriin la wadaagay taageerayaashiisa. Sidoo kale wuxuu sheegay inuu dhowaan baahin doono labadiisa hees uu ugu horreeyo, kadib kusoo laabashadiisa fanka, sida maanta u sheegay warbaahinta Hargeysa. โShan sano kadib diyaar baan ahay. Dhowaan waxaan soo baahin doonaa labadii heesood ee ugu horreeyay, kadib soo laabashadeyda fankaโ ayuu yiri Maxamed Saciid. Labada hees waxa uu tilmaamay inuu kagaย hadlayo…
Raโiisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre oo booqasho ku jooga magaalada Laascaanood ayaa halkaasi ka wada kulamo looga hadlayo horrumarinta deegaannada maamulka SSC Khaatumo. Raโiisul wasaare Xamse ayaa dhagax dhigi doono mashaariic lagu horrumarinayo deegaannada maamulka SSC Khaatumo, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Xafiiska Raโiisul wasaaraha. Howlaha uu qaban doono Raโiisul wasaaraha maanta qabanayo ayaa waxaa kamid ah, Dhagax dhiga Madaxtooyadda SSC Khaatumo, Xarruunta Hayโadda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, Xarrig jarka xarruunta NIRA. Dhinaca kale, Raโiisul wasaaraha ayaa sacaadihii la soo dhaafay kulamo la yeeshay Odoyaasha Dhaqanka ee deegaannada SSC Khaatumo, isaga oo kala hadlay ilaalinta…
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ย Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar uga ambabaxay magaalada Muqdisho, iyaga oo ku wajahan dalka Jabuuti . Safarka Guddoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa ahaa arrimaha ku saabsan xoojinta xiriirka, iskaashiga labada Baarlamaan, qibrad wadaagga iyo tababarrada uu la yeelan doonaa madaxda Jabuuti gaar ahaan guddoonka Baarlamaanka dalkaas. Sidoo kale, Guddoomiye Cabdi Xaahi ayaa casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti Dileita Mohamed Dileita, iyada oo inta halkaa ย joogo kulamo la yeelan doona madaxda dalkaasi. Safarkaan Guddoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa ahaa mid uu si rasmi ah casuumaad uga helay…
MADAXWEYNAHA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO DHIIROGELIYEY DALJIRAYAAL NOLOSHA KUSOO QABTAY KHAWAARIJTA. Cali Gaduud, 12-April-2025: Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Ali Gudlawe Hussein oo ku sugan difaaca ugu dambeeyay ayaa warbixin ka dhageystay saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo hoggaamiyeyaasha xaq-u-dirirka deegaanka. Madaxweynaha ayaa saraakiisha ciidamada xoogga dalka ee ku sugan furinta waxa uu la wadaagay hambalyo ku aadan maalintooda. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa u wakiishay Wasiirka Amniga inuu goobta ku guddoonsiiyo abaalmarin lacageed oo dhan $2,000 askar ka mid ah ciidanka muuqdo ee Hayโadda Nabad-sugida iyo sirdoonka qaranka iyo xubin ka mid ah xaq-u-dirirka deeganka oo lagu abaalmariyey qori AK-47. Daljirayaashan, ayaa deegaan…
