Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo argagax leh oo maanta ka dhacday magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Xamarjajab ee gobolka Banaadir, kadib markii nin hubeysan uu gowracay xaaskiisa. Ninka eedeysanaha ah ee loo haysto falka ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdiraxmaan, wuxuuna nafta dhaafiyay xaaskiisa oo lagu magacaabi jiray Fowsiyo, taas oo ahayd hooyada 5 carruur ah. Goobjooge la hadlay Telefishinka Universal ayaa ka warbixiyay dhacdadan, wuxuuna sheegay inay salka ku hayso hinaaso darteed, ama maseer uu qaaday ninka “Xaafaddan waxaa ka dhacday arrin la yaab leh cid gurigan daganeyd odeygeedii baa wuxuu sameeyay islaantiisii buu nafta dhaafiyay,…
Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa ka hadashay qorshaheeda la xiriira howlgalka cusub Soomaaliya ee AUSSOM ee laga reebay isla markaana muddo kooban kaddib baddelaya kan ATMIS ee qaybta ka tahay. Itoobiya ayaa sheegtay in ay garab taagan tahay qorshaha lagu hormarinayo amniga Dalka oo ay qirtay in sanadihii lasoo dhaafay isbaddel weyn kusoo kordhay, waxaana ay tilmaamtay in doorkeeda ay ka qaadan doonno dhinac istaagga horumarkaas. “Itoobiya oo ay wehliyaan Dalalka safka hore waxa ay hormuud ka ahayd taageerrada amniga Soomaaliya, si loo dhiso hay’adaha dowladeed si ay u qaataan mas’uuliyadda, waxa aan bixinay naf hurnimadii ugu qaalisaneyd iyada oo aan…
Dowladda Burundi ayaa la sheegay in si iskeed ah isaga baxeyso howlgalka cusub ee AUSSOM kaddib markii ay qoonsatay in laga siiyo fursad ah saami qaybsiga ciidanka dheeraadka ah ee lagu soo kordhiyo howlgalkaan billaabanaya 2025. Xukuumadda Bujumbura ayaa laga dalbaday in ay soo dirto 1,000 Askari balse waxa shuruud ka dhigtay in saamiga ciidankaan laga siiyo 2,000 oo askari, muran kaddib Dowladda Burundi ayaa go’aansatay in ay isaga baxdo Howlgalka AUSSOM. Sarkaal aan magaciisa iyo derajadiisa la sheegin ayaa shaaciyay in Dowladda Burundi ay isaga baxeyso howlgalka AUSSOM haddii aan loo ogolaan soo jeedintooda taasi oo caqabad ku noqotay…
Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose u magacaabay Ibraahin Aadan Cali Najax, halka Gobolka Baay uu u magacaabay Cali Aadan Wardheere Dooyow. Cabdicasiis Laftagareen ayaa labada Guddoomiye uu magacaabay ka dalbaday in ay ka shaqeeyaan horumarinta Shabeelaha Hoose iyo Baay Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed sida lagu yiri digreetada magacaabista ah. Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa horay usoo maamulay Gobolka Shabeelaha Hoose, muddo kaddib xilkaas waa laga qaaday, waxaana ugu dambeyn maanta dib loogu celiyay booskaas isaga oo maamulaya howlaha shaqo ee Koofur Galbeed ee Gobolkaas. Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa lagu wadaa…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ku wajahan Jabuuti, waxa uu kulamo la qaadanayaa dhiggiisa Ismaaciil Cumar Geelle si ay uga wada hadlaan qodobo dhowr ah. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ismaaciil Cumar Geelle ayaa si qoto dheer u eegi doonna xaaladda ka taagan Geeska Afrika, howlgalka cusub ee AUSSOM & garab istaagga Djibouti ee dhiggeeda Muqdisho. Ilo ku dhow safarka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Mustaqbal u sheegay in safarkaan uu qayb ka yahay socdaalka Madaxweynuhu uu ku marayo Dalal badan oo dhaca Qaaradda Afrika si uu u xoojiyo cilaaqaadka Dowladda ay wadaagaan. Jamhuuriyadda Jabuuti waxa…
Daawo:- Nabadoonada iyo Odayaasha dhaqanka beesha Xawaadlle oo warbaahinta kula hadlay degmada Maxaas ayaa dowladda dhexe ka dalbaday in 24-saac gudahood dowladda Calaadda ku mariso dadkii ka dambeeyay xasuuq ciidamada Qaranka ka tirsan kana soojeeda gobolka Hiiraan loogu geestay degmada Ceel-baraf. Hoos ka Daawo Muuqaal https://youtu.be/Lw9mQPiHqjE?si=punadRsLoE0_rPSd
Ciidamada Hiiraan State oo Dagaal kula wareegay Koontaroolo ay Maamulka Gobolka Hiiraan lee yihiin Baladweyne. Hoos ka Daawo Muuqaal https://youtu.be/rTHzYRwnxqc?si=Zbp4lwBsnZfFl6Fp
Taliyaha Ciidanka Booliiska Hirshabeelle Col. Xasan Dhicisoow Xasan oo ka hadlay amar uu soo saaray Madaxweyne Gudlaawe kaddib falkii lagu bartilmaameedsaday Askar katirsan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed. https://youtu.be/x4JKOQ082z4?si=YzBEbViuoqDSEAx4
La taliyaha Madaxweynaha Jamhuriyada Federalka Soomaaliya ee dhanka Maamul gobaleedyada Mohamed Hassan Qoone oo cambareeyay dhacdadii Shalay la dhacaday degmad Ceel baraf. Safa Osmaan https://youtu.be/jE2JDYKGyI4?si=QXwtNoaeOZ3grBtU
Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa amar ku bixiyay in lasoo qabtay Dadkii ka dambeeyaY Dil Magaalada Ceel baraf loogu geystay Askar katirsan Ciidanka Xoogga Dalka. Cali Guudlaawe ayaa 24 saac u qabtay soo qabashada Dadkii geystay Dilkaas si loo horgeeyo Maxkamad looguna ciqaabo fal dambiyeedkaas ay geysteen ee ka dhanka ah Shareecada Islaamka, Dhaqanka Soomaalida iyo Xuquuqda Aadanaha. Guudlaawe ayaa miiska soo dhigay in falkaas dilka ah uu daba socdo isla xisaabtan lagu ciqaabo Dadkii nafta dhaafiyay Ciidamadaan katirsan Xoogga Dalka ee qaybta ka ahaa askarta sugeysa amniga Magaalada Ceel Baraf. “Waa fal ka fog Shareecada…