Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Caabuq ayaa sababay in xoghayaha Difaaca dowladda Mareykanka Lloyd Austin la dhigo isbitaal 1-dii Bishaan, kadibna loo wareejiyo qeybta daryeelka gaarka ah ee isbitaalka la dhigay. Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden ayaa shalay uun ogaaday in wasiirka ugu muhiimsan xukuumadiisa laga helay kansarka borostaatada, sida uu sheegay Aqalka Cad. Mr Austin, oo 70 jir ah, ayaa la kulmay cambaareyn kadib markii ay soo baxday in saraakiil sar sare aysan muddo saddex maalmood ah waxba kala socon in la dhigay isbitaalka. Kadib wuxuu ka bixiyay raalligelin ah in xaaladdiisa aan si wanaagsan loo ogeysiin bulshada. Xoghayaha difaaca ayaa waxaa keliya ka…
Ciidamada milatariga Israa’iil ee weerarka dhinaca dhulka ah ku galay qeybo kamid ah magaalada Gaza ayaa la kulmay iska caabin xooggan, waxaana dagaalka socda lagu gaarsiiyay khasaarooyin badan. Xoogaga iska caabinta ee Xamaas ayaana jilbaha u dhigtay ciidamada Israa’iil ee duullaanka ku qaaday magaalada Gaza, waxa ayna dagaalyahannada dileen askar badan ,halka ay bur buriyeen taangiyo iyo gaadiid kale oo ay wateen ciidamada. War kasoo baxay milatariga Israa’iil ayey ku xaqiijiyeen in howlgaadii ugu dambeeyay ay ka fuliyeen magaalada Gaza looga dilay ilaa 9-asjari, waxa ayna sheegeen in askartan da’dooda u dhaxeyso 19-sanno jir ilaa 35-sanno jir. Milatariga Israa’iil ayaa…
Nin Toorey ku hubeysan ayaa caawa gabar ka soo jeeda qowmiyada Oromada ee dalka Itoobiya waxaa uu caawa ku gowracay magaalada Dhuusamareen ee xarunta Galmudug. Nin dilka geystay ayaa la sheegay inuu ahaa qof xanuunsan oo maskaxda looga jiro Meydka gabadha ayaa la geeyay Isbitaalka Central ee magaaladda Dhuusamareeb waxaana gowracan la sheegay in si gaar ah uu uga dhacay Xaafadda waxaracadde Ee Dhuusamareeb. Shacabka magaalada Dhuusamareeb ayaa ka argagaxay dilkan caawa ka dhacay oo si weyn looga hadal hayo halkaas, lamana hayo faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan dilkan iyadoo laamaha amaanka Galmudug aysan ka hadlin weli.
Gudoomiyaha baarlamaanka Turkiga Nicmaan Kurtulmuş ayaa sheegay in Turkigu difaacayo Xuduudaha Somalia,hadii ay Somalia ka codsato iskaashi amni,Wuxuuna yiri sidan . “Turkigu Ma aqbalayo in lagu Xadgudbo madaxbannaanida Soomaaliya iyo xuduudaheeda La aqoonsan yahay,Itoobiya Xiriir fiican ayaa naga dhexeeya,Lknse Waan kasoo horjeednaa Talaabada Itoobiya ay ku faragelisey dhulka Somalia . Somalia garab ayaan ku siinaynaa inay ku filaato amaanka Xuduudkeeda,Hadayse naga codsato somalia inaan u ilaalino oo u sugno amaanka Badda,diyaar ayaan u nahay, intay ku filaanayso amaanka xuduudkeeda,iyadoo sharci iyo heshiis loo marayo . Waxay ku xiran tahay keliya Somalia oo Turkiga la gasha heshiis iskaashi amni oo mudo…
Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS ayaa fartay in shaqaalaha Dowladda si wayn uga soo qayb galaan dibad baxyada bari dalka ka dhacaya.
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Mudane Cabdullaahi Axmed Maalin Sufuroow oo aay wehliyaan xubno maamulka kamid ah ayaa boqolaal qoys u qeybiyay deeq Raashiin ah oo katimid ATMIS. Qoysaska Raashiinka loo qeybiyay ayaa kamid ahaa dadkii sameynta ku yeelatay Fataahadda Wabiga Shabeelle ee Beledweyne,waxuuna qoys walba helay Raashiin Baco Bustayaal iyo agabyo kale. Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo ka hadlay Munaasadda deeq qeybta ayaa u Mahadceliyay ATMIS iyo saraakiisha ciidamada Booliska ee Beledweyne oo suura galshay in qaab amni ah Raashiinkaasi lagu qeybiyo. Maamulka cusub ee gobolka Hiiraan ayaa lagu amaanay sida aay u maareynayaan gar-gaarka bulshada loogu talagalay waxaana taasi aay ku…
Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo dib-loogu doortay xilka Madaxweynaha Puntland ayaa Qasriga Madaxtooyada kulan qado sharaf ah Kula qaatay madax hore oo soo maray maamulka Puntland. Siciid Deni ayaa si weyn Qasriga Madaxtooyada ugu soo dhaweeyay madaxweyneyaashii hore ee Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole iyo Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali. Madaxweyne Siciid Deni ayaa kala hadlay madaxdii hore ee Puntland iyo dowladda Federaalka soo maray natiijada doorashadii ka dhacday Puntland iyo sidii ay wadajir uga shaqeyn lahaayeen amniga iyo midnimada reer Puntland. Doorashadii 8-dii bishan ka dhacday magaalada Garawe…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda UK u fadhiya Soomaaliya Mike Nithavrianakis, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga faca-weyn ee ka dhaxeeya labada dalka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa dowladda UK uga mahadceliyay taageerada ay siiso dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed iyo is garab taagga ilaalinta madax-banaannida, gobannimada iyo midnimada dhuleed iyo shacab ee Soomaaliya. Labada masuul ayaa si gaar ah uga wada hadlay xiisada cusub ee u dhaxeysa dowladda Soomaaliya iyo Itoobiya, xiisadaas oo ka dhalatay heshiis xad-gudub ah oo Itoobiya la gashay maamulka Somaliland. Dowladda UK ayaa kamid ah dowladaha…
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa booqasho lama filaan ah ku tagaya dalka Baxreyn si uu ula kulmo boqorka Baxreyn Hamad bin Isa Al Khalifa, taasoo qeyb ka ah safarkiisii ugu dambeeyay ee bariga dhexe si uu u qaboojiyo xiisada gobolka ee ka dhalatay duulaanka militari ee Israel ay ku qaaday Gaza. Blinken wuxuu ku laaban doonaa Tel Aviv, Israel, habeenka Arbacada. Diblomaasigan sare ee Maraykanka ah ayaa ilaa hadda safarkiisan ku tagay dalalka UAE, Saudi Arabia, Turkey, Greece, Jordan, Qatar iyo Israel. Sidoo kale waxa uu magaalada Ramallah ee dhulka la haysto ee Daanta Galbeed kula kulmay…
Diyaarad Helicopter ah oo ay leedahay Qaramada Midoobe iyo shaqaale la socday ayaa u gacan galay kooxda Al-Shabaab, kadib markii ay si khaldan ugu degtay deegaan ay maamusho kooxda, waxaa sidaas xaqiijiyey ilo-wareedyada Radio Halgan Diyaaradda ayaa la sheegay inay ku degtay degaan u dhow degaanka Xiindheere oo ka tirsan gobolka Galguduud, oo ay maamusho kooxda Al-Shabaab, sida ay xaqiijiyeen saraakiil amni oo la hadlay Radio Halgan 📻 Diyaaradda iyo shaqaale la socday, oo la sheegay inay gaarayaan illaa 4 qof, ayaa waxaa hadda gacanta ku haya kooxda Al-Shabaab, ayey sheegeen ilo-waeedyada. Illaa iyo hadda si rasmi ah looma caddeyn…